Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ila qosol

Recommended Posts

Wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ee DF oo Muqdisho ka soo saartay wareegto lagu mamnuucayo furnaashaha goobaha ganacsiga xiliga salaada Jimcaha

 

Muqdisho - August 15 - Wareegto maanta ka soo baxday wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in goobaha ganacsigu ay furnaadaan inta lagu jiro tukashada salaada Jimcaha wixii ka bilowda Jimcaha fooda inagu soo haya ee taariiikhdu ku beegan tahay 17-ka bishan Ogost sanadka 2007-da.

 

Sida ku xusan wareegtadan oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud ee wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Max'uud (Sheekh Cali Dheere) go'aankan fulintiisa ayaa waxaa u xilsaaran ciidanka dowladda Hoose iyo kan booliskan ee ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka guud ahaan dalka, waxaana looga codsaday shacabka Soomaaliyeed iney u dhega nugladaan go'aankaasi.

 

"Go'aankan lagu mamnuucay iney furnaadaan goobaha ganacsiga xiliga la tukanayo Salaada Jimcaha maahan mid ay wasaaradu soo saartay ee mid uu horeyba ALLE ugu amray quraankiisa kariimka anaguna waxaanu nahay oo kaliya kuwo fulinaya awaamiirta ALLE" ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Max'uud (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlayey waregtadaasi ka soo baxday xafiiskiisa.

 

--------------

 

Sheekh Cali Dheere, ciyaal badan oo baahi wax u dhacay ama u xaday ayuu gacanta ka gooye in mid '90s in Waqooyiga Muqdisho oo xiligaas lahaa Shareecadda ayaa lagu dhaqmaa in uu maanta Xabasho wax ee soo dhoob dhoobtay u adeego, haddana leh Shareeco ayaan raacayaa, see wax ka noqotay ma'ogi sheekha.

 

Ila qosol iga dheh. Mise waaba igu qosol?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this