Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 16, 2007 Wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ee DF oo Muqdisho ka soo saartay wareegto lagu mamnuucayo furnaashaha goobaha ganacsiga xiliga salaada Jimcaha Muqdisho - August 15 - Wareegto maanta ka soo baxday wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in goobaha ganacsigu ay furnaadaan inta lagu jiro tukashada salaada Jimcaha wixii ka bilowda Jimcaha fooda inagu soo haya ee taariiikhdu ku beegan tahay 17-ka bishan Ogost sanadka 2007-da. Sida ku xusan wareegtadan oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud ee wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Max'uud (Sheekh Cali Dheere) go'aankan fulintiisa ayaa waxaa u xilsaaran ciidanka dowladda Hoose iyo kan booliskan ee ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka guud ahaan dalka, waxaana looga codsaday shacabka Soomaaliyeed iney u dhega nugladaan go'aankaasi. "Go'aankan lagu mamnuucay iney furnaadaan goobaha ganacsiga xiliga la tukanayo Salaada Jimcaha maahan mid ay wasaaradu soo saartay ee mid uu horeyba ALLE ugu amray quraankiisa kariimka anaguna waxaanu nahay oo kaliya kuwo fulinaya awaamiirta ALLE" ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Max'uud (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlayey waregtadaasi ka soo baxday xafiiskiisa. Xigasho -------------- Sheekh Cali Dheere, ciyaal badan oo baahi wax u dhacay ama u xaday ayuu gacanta ka gooye in mid '90s in Waqooyiga Muqdisho oo xiligaas lahaa Shareecadda ayaa lagu dhaqmaa in uu maanta Xabasho wax ee soo dhoob dhoobtay u adeego, haddana leh Shareeco ayaan raacayaa, see wax ka noqotay ma'ogi sheekha. Ila qosol iga dheh. Mise waaba igu qosol? Quote Share this post Link to post Share on other sites