Maaddeey Posted March 13, 2010 Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis) Thursday, March 11, 2010 Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkan socdaal ku yimid magaalada London. Booqashada Madaxweynaha ayaa, marka laga eego diplomatic category, waxay ahayd mid salaan ah (courtesy visit). Is-aragga noocan ah ayaa aalaaba wuxuu yahay mid kooban. Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku saleysnaa in Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo xisbigiisa Labour-ku ay ku muujiyaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen dowladda Soomaaliya. Booqashadan oo kale ayaa dowladda Soomaaliya waxay u tahay fursad ay adduunka ku weydiisato kaalmo caalami ah. Hase ahaatee, intii ay socotay ayaa waxaa dhacay fadeexado gef ku ah dhaqanka diblomaasiyadda. Kulankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Gordon Brown kula yeeshay guriga 10 Downing Street ayaa waxaa buux-dhaafiyey dad ku dhow labaatan qofood oo isugu jiray wafdigiisa, xildhibaanno iyo dad sheeganaya inay Madaxweynaha u yihiin la-taliyeyaal iyo gacan-yareyaal, kuwaasoo isku dayey dhammaantood inay isla sawiraan Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska. Waxaa kaloo dhici weyday inuu Ra'iisal Wasaaruhu iridda ku soo dhoweeyo Madaxweynaha. Waxaa shaashadaha laga daawanayey iyada oo dadkaas gacmaha la soo qabanayo, lagana soo celinayo agagaarka Gordon Brown. Waxaa kaloo la arkayey dad gacmaha ku sita jaakadaha dhaadheer ee qabowga laga xirto (overcoat) oo ag taagan Sheekh Shariif iyo Gordon Brown oo damacsan inay sawir wada galaan. Waxaa kaloo dhacday in markii uu Sheekh Sharif gacan-qaadayey Gordon Brown ay is fahmi kari waayeen billowgii hore, oo ninkii turjubaanka u ahaa Madaxweynaha uu gooni u istaagay oo uu u dhaqmay sidii inuu yahay nin Wasiir ah, iyadoo markii dambe uu soo dhaqaaqay nin Soomaali ah, si uu uga tarjumo. Gefkaas protocol-xumada ah ayaa wuxuu la mid yahay waxyaabihii uu buuggiisa la yiraahdo Safirka kaga sheekeeyey Danjire Peter S. Bridges oo ahaa Safiirkii Mareykanka ee fadhiyey Soomaaliya sannadihii 1984-86. Laba jeer oo wafdi ka socda Waaxda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ee Pentagon ay la kulmayeen saraakiil dhinaca Soomaalida ah ayaa General Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirka Difaacu wuxuu ka codsaday Ambassador Bridges inuu uga tarjumo wafdiga. Wuxuu yiri Bridges, “Wuxuu Samatar ku hadlayey af-Talyaani, wuxuuna iga codsaday inaan ka tarjumo maadaama aan Talyaaniga bartay intii aan ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Rome. Markii uu Samatar i weydiistay inaan ka tarjumo waan ka carooday markii hore, waayo shaqada aan u joogay Soomaaliya ma ahayn turjubaannimo. Hase ahaatee markii hadalka Xoghayaha aan af-Talyaani ugu turjumayey Samatar waxaan ku dhex darsaday kelmado aan jeclaa in la ii yiraahdo." Si hasta ha ahaatee, shaqaalaha xafiiska Gordon Brown ayaa markii ay arkeen qaabka ay wax uga dheceen guriga 10 Downing Street waxay go’aansadeen in Ra’iisal Wasaare Gordon Brown uusan sagootinin Madaxweyne Shariif, isla markaana aysan wada qaban shir jaraa’id iyadoo markii horena ay ku jirtay qorshaha socdaalka Madaxweynaha. Waxaa la arkayey Xogyahaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Miliband oo sagootinaya Madaxweynaha, iyada oo ay si qaab darro ah, oo aan lahayn wax tixgelin ah, u salaamayaan dadkii kale ee la socday Sheekh Shariif. Qaab-darradaas ayaa waxaa ka mid ah; iyagoo gacanta ka salaamayey Miliband iyagoo sii jeeda oo sii eegaya Madaxweyne Shariif oo sii galaya gaarigii lagu siday. Waxaa la moodayey inay Madaxweynaha u kala firxanayaan oo ay is leeyihiin ‘yuusan idinka fakan’ ama ‘yaan meesha la idinkaga tegin.' Ceebaha kale ee dhacay ayaa ahaa; in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ay u sameysay Madaxweynaha muddada uu joogo dalka Ingiriiska koox ka mid ah shaqaalahooda oo isugu jira rayid iyo ciidan. Qaybta rayidku waxay mas’uul ka ahayd howlaha Madaxweynaha iyo xiriirkiisa, halka qaybta ciidankuna ay u xilsaarnayd ammaankiisa. Shaqaalahan ayaa waxaa laga dareemayey jahawareer ka haysta dhanka xafiiska Madaxweynaha, oo ay kala garan waayeen shaqooyinkooda (job description) iyo waxa ay ku kala magacaaban yihiin. Fadeexadaha noocaas ah iyo isku dhex-yaaca intaas le’eg ayaa wuxuu, si caddaan ah, u muujinayaa in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xafiiskiisa maamulayaan dad aan wax aqoon iyo khibrad midna u lahayn protocol-ka dowliga ah iyo xeerarka diblomaasiyadda. Waxaa kaloo intaa dheer inay yihiin dadkii shaqa la'aanta ku ahaa Europe iyo America. Waxaa yaab leh in nimankaas qaarkood ay Madaxweynaha ugu magacaaban yihiin Chief of Staff iyo Chief of Protocol, iyaga oo aan weligood horey uga soo shaqeyn howlahaas dowladeed. Marka la eego cilaaqaadka caalamiga ah iyo qaanuunka diblomaasiyadda, protocol-ku waa qeybta ugu muhiimsan xafiiska Madaxtooyada, taasoo ay waajib tahay in laga fogeeyo qardajeex. Tusaale, habeenkii Arbacada ayaa waxaan ka mid ahaa dad kala duduwan oo Madaxweynaha kula kulmay hoteelka uu ku soo degay. Wuxuu u muuqday nin daalan oo aan haysan wax ka caawiya howsha xafiiskiisa. Isaga ayaa hadalka furanayey, isla markaana xiranayey. Shaqaalaha xafiiska madaxweynaha ayaa nala fadhiyey kuraasta iyagoo aad mooddo inay ka mid yihiin dadka uu qaabilayo. Kuwo kale ayaa taagnaa gadaashiisa, waxaana lagu jahawareeray inay yihiin waardiyeyaal iyo inay yihiin gacan-yareyaashiisa. Markii la gudbinayey talooyinka, ma jirin cid u qaadeysay note ama wax u qoreysay xafiiskiisa ama xitaa hadalka qeybinaysay, taasoo keentay inuu Madaxweynuhu hadalka qeybiyo. Sidoo kale, khudbadihii uu Sheekh Shariif ka jeediyey mac-hadka Chatham House iyo theatre-ka Whitechapel ayaa iyaguna waxay ahaayeen kuwo aan lafa-gur dheer lagu soo sameyn. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa oo aan qornayn iyo isaga oo dadka la shaqeeya aysan u soo qorin note uu mawduuca ka tixraaco, waxaa mar kasta ka muuqatay inuu raadinayo hadalka, ayna ku adag tahay inuu xusho sadarkii uu rabay inuu yiraahdo iyo ereyadii uu rabay inuu isticmaalo. Haddaba, waxaa Madaxweynaha la gudboon inuu dhug iyo dhego u yeesho wax ka qabashada xafiiskiisa inta uusan u hanqaltaagin wax ka qabashada xasaradaha ka socda Soomaaliya - “Oodi sida ay u kala korreyso ayaa loo kala qaadaa.” HOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 13, 2010 Loool some of what this article's author wrote are actually true, I have witnessed it myself when the president was visiting USA but he is exaggerating a bit, he sounds bitter. Howsha inuu wax ka qabto nin loo diiday buu u egyahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted March 13, 2010 rer-Somaliya anigu Protcol kuma ogaan jirin. Waa wax qaab daran badankoodu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 13, 2010 Originally posted by Abtigiis & Tusbax: rer-Somaliya Markaa adinka ma iska saareysaan? LOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 13, 2010 Edit: Zack , A & T, Xaggeed isaga saartay adigu?, ma waxaad rabtaa-hadda-inaad tiraahdo 'reer Ethiopia' baan ahay? Zack, waxa uu qoragu sheegay oo dhan waa wax dhici kara!, waxa uu rabay & bitter inuu yahay waa malo uun. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 13, 2010 ^Waxuu sheegayn iney run tahay waa wax dhici kara, sidoo kale inuu xanaaqsan yahayna waa wax dhici kara LOL, lakin as I said earlier I have seen some of things he highlighted on my own eyes oo waa macquul. P.s. Maaddeey, Adigu ma aadday shirka uu Shariifka qabtay? Habeen kaas London wax banaanka joogay malaha baan maqlaye. Chatham House wuu buux dhaafsanaa baa la yidhi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 13, 2010 ^belo ha aaddo Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 13, 2010 Siyaasiinta waaweeyn dadka ay ku kacsan yahiin waa tagaan shirarka ay public-ga u qabtaan si ay usoo dhuuxaan sida ay cadowgoodu u hadlayaan iyo qaabkoodaba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted March 13, 2010 ^Adigana hadaad ka dartay, Soomaali mexey siyaasad ka yaqaanaan? Hadeysan ooyeen ama calaacaleen siyaasad umaba arkaan waxkale... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 13, 2010 ^Somalida qaar baa siyaasiiin sax ah, qaarna waa lo'. Dadka ha isku qasin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 13, 2010 Zack, qudbaddiisa si raaysaan u dhuuxay, lakin ma aadeen xataa haddaan taageersanahay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted March 13, 2010 Anigu Somali baan ahay reer Somaliya se ma ihi. Inaan se noqdo waan jecelahay. Protocol xumida laakin waan ku arkay. The old generation weeye laakin. In the last 19 years, lots of young pople got educated and exposed to urban life and they are Ok for me when I meet them in big events and elsewhere! But Somali politics is still dominated by the old guard who are utterly ill-protocoled. Qaar baad arkaysa masuul qudbad jeedinaya dheegta wax u saaraya. Qaarbaad arkaysaa Tie dheer intay shaadh luquta balaadhan hoosta garan ilaa halcunka gaadhaya ooy ku qoran tahay " Addidas" ama "reebook" xidhan oo iska qoslaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted March 13, 2010 Maadeey sxb saan maku dambeysey - taangi la guubey iyo faadexaad No:10 - miyey sheekadadu kuso arrurtey.... wara jiiri doone wishka le ha yeero...! was it Awys Khamis Mauto who said that? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 13, 2010 ^Juje, sxb, blame Hiiraan online or better Maxamed x. Ingiriis, ama shariifka & 10-eeyada daba dudeeysay, dembigeygu waa maxay? mise Aminamir caricature-kiisaad door bidi lahayd? is this any better? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 13, 2010 Originally posted by The Zack: Loool some of what this article's author wrote are actually true, I have witnessed it myself when the president was visiting USA but he is exaggerating a bit, he sounds bitter. Howsha inuu wax ka qabto nin loo diiday buu u egyahay. Iyo weliba is caanbixis, weriyennimo aan aqoonteeda iyo xirfaddeeda la garanayn baa meel looga dhacayaa. Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Anigu Somali baan ahay reer Somaliya se ma ihi. Inaan se noqdo waan jecelahay. loool...A&T....raggeedii...bal ka warrama sida af-soomaaliga tayada leh loola fahmi waayey. If only Soomaalidu afkooda si qoto dheer u baran lahaayeen! Quote Share this post Link to post Share on other sites