Che -Guevara Posted April 2, 2010 Maamulka Puntland oo Xabsiga Bosaaso ka sii daaynaya Sedex Ruux oo loo haystay in ay ka tirsanyihiin ONLF iyo Isimada oo arintaasi ka hadlay. Jimco, April 02, 2010 (HOL) - Madaxwayne ku xigeenka DGPL C/Samad Cali shire ayaa Cafis u fidiyay sedex ruux oo ka soo jeeda Ismaamulka Somaalida ee Itoobiya,kuwaasi oo Muddo ku xirnaa Xabsiga Bosaaso. Waxaa Cafiska sedex ruux loo fidiyay ka qayb qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka ,Waxaana shir ay ku qabteen Magaalada Bosaaso shalay ay ku tilmaameen in ay so dhawaynayaan cafiska Raggan loo Fidiyay. Godoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali yuusuf ayaa sheegay in Mid kamid ah ragga la cafiyay oo ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato uu gaynayo Cisbitalka Bosaaso si xaaladiisa xaafaad loo daryeelo. Ragga Cafiska loo Fidiyay ayaa labo kamid ah lagu kala magacaabaa C/teerso iyo C/fitaax Maxamed,Waxaana Cafiskooda soo dhaweeyay qaar kamid ah Isimada Puntland. Maamulka Puntland ayaa 15 bishii octobor ee sanadkii hore Gacanta ku dhigay 5 ruux oo ka soo jeeda ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,Waxaana raggii la qabtay Mid ka mid ah uu ku dhex geeriyooday xabsiga Bosaaso ,halka mid kalena loo gacan galiyay Itoobiya,taasi oo markii danbe xiisada ka abuurtay gudaha puntland. Isimadii shirka qabtay waxaa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ,suldaan Maxamed yuusuf,Nabadoon C/casiis iyo kuwa kale oo fara badan ,Waxaana ay xukuumada ka codsadeen in la xaq dhowro Walaalaha Somaaliyeed ee Ocadenia. Ugu danbayntii Cafiska raggan loo fidiyay ayaa Meesha ka saari kara Khilaafkii ka dhex taagnaa Hogaanka ONLF iyo Madaxda Puntland oo dhowr jeer lagu eedeeyay in ay xiriirka labada shacab xumaynayaan. Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 2, 2010 Wonder where the orders to release these men come from Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted April 2, 2010 Your spiritual leader Sheikh Godane? :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 2, 2010 Puntland oo Xabsiga Bosaaso ka sii daynaysa 3 ruux oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin ururka ONLF Posted to the Web Apr 02, 10:30 Boosaaso:-Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Puntlland Gen. C/Samad Cali shire ayaa maanta waxaa uu cafis u fidiyey 3 ruux oo ka soo jeeda soomaali Galbeed oo ay ciidanka PIS ka qabteen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. 3 ruux ee maanta cafiska loo fidiyey ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey culimada ku nool Puntlland ,Isimada iyo waxgara kale duwan ee ku nool Puntland ,3-da dhalinyaro ah ayaa lagu haye Xabsiga Boosaaso iyadoo dhowr jeer ay saxaafadu tabisay in loo gacan geliyey dalka Itoobiya. Gudoomiyaha Gobolka Bari Sh C/xaafid Cali yuusuf ayaa saxaafada u sheegay inb ragga la siidaayey loo samayn doono daryeel caafimaad lana eegi doono caafimaadkooda ,dhalin yarada la sii daayey ayaa waxaaa magacooda lagu sheegay C/teerso iyo C/fitaax Maxamed. Qaar ka mid ah Isimad Puntlland oo shir jaraaid ku qabtay Boosaaso ayaa ka digay in dad Soomaaliyeed loo gacan geliyey dal aan daris nahay balse haddii ay danbi galeen lagu maxkamadeeyo Puntllnad,Isimada shirka qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ,suldaan Maxamed yuusuf,Nabadoon C/casiis Afgaduud. Maamulka Puntland iyo S/lland ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore ay gacanta u geliyeen dalka Itoobiya dhalinyaro ka soo jeeda Ismaamulka Sooomaaliya ee ay Itoobiya gumaysato arinkaas oo noqday mid dhaqan soomaali iyo diinta Islaamka ka horimaanaya. M_M_Deeq Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 2, 2010 Great news for the relatives of the men involved Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted April 2, 2010 magacooda lagu sheegay C/teerso iyo C/fitaax Maxamed. Teerso ma kii Zack lahaa baa dilbaa Ethiopian-ku xukumeen? Mise waa mid kale? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted April 2, 2010 ^Ka 3aad magaciisa lama hayo miyaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted April 2, 2010 This is good news. I welcome the release of the three imprisoned kin folk. Inshaallaah they will get medical attention and will be treated well. I thank President Farole for given them amnesty earlier and also the VP of Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire for releasing them now. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 2, 2010 Originally posted by Jacphar: Your spiritual leader Sheikh Godane? :confused: I have no spiritual leader. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted April 3, 2010 Originally posted by Gheelle.T: quote:magacooda lagu sheegay C/teerso iyo C/fitaax Maxamed. Teerso ma kii Zack lahaa baa dilbaa Ethiopian-ku xukumeen? Mise waa mid kale? Gheele, ninkaan anu sheegayay waagii waxaa la yiraahdaa Abdi Ahmed oo ku magac dheeraa Teerso, ninkaasu waxuu ku xidhan yahay addis ababa xabsi ku yaalo wali. Allaha u fududeeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites