Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mediations Collapsed in Somaliland

Recommended Posts

Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Yeesheen Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa

 

hadhwanaag 2008-05-16 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamuud [siilaanyo] iyo Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyay kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Udub,isla markaana waxa ay sheegeen in ay rejo fiican qabaanb, balse wax heshiis ah oo ay isla gaadheen aanay jirin.

 

Mar ay maanta u waramayeen labada Guddoomiye Wariye ka tirsan Shabakada wararka ee Hadhwaagnews.com, oo ku booqday Aqaladooda. Isla markaana waxa ay gudoomiyaashani ku doodeen in aanay jirin heshiis kama dambays ah oo ay wada gaadheen Xukuumadda oo uu ka dhexeeyay khilaaf sadeed oo ba’an.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isagu si gaar ah u eedeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, isaga oo ku tilmaamay nin ka hordhacay waxyaabihii laga wada-hadlayay iyo inuu ka baxay heshiiskii ahaa in aanay warbaahinta kagaga hadal wax ku saabsan arrimaha ay ka wada-hadleen, isla markaana waxa uu sheegay Guddoomiyaha Kulmiye in aanay go’aankii Guurtida marnaba ku qanacsanayn, kuna qanacsanaan doonin, diyaarna u yihiin in xal dhakhso ah lagaga gaadho khilaafyada siyaasadeed.

 

 

“Waa dhab in wada hadal noo socday [Xukuummada], mowqifka haddii aanu axsaabta mucaaridka ah taagnayn waxa uu ahaa wakhtigii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka la doortay dhamaad ayey joogaan, waa in doorashada la qabtaa sabab kasta ha ahaatee, inkasta oo aanu xagooda dawlada u badinayno arrinta diwaangelinta iyo habab badan oo la xidhiidhay dib u dhacooda”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Inay doorashaqada qabtaan Madaxweynaha iyo dawlada ayuu xil ka saarnaa, kuwaasina wakhtiyaashoodii dib ayay uga dhaceen muddo badan. Intaa aanu wakhtigu dhamaan [Mudada Xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenka] in wada hadal iyo is faham la isugu yimaado, arrintaasi muddo badan ayey socotay aakhirkii markii ay maalini ka hadhay [shantii sanadood ee loo doortay Madaxweyne Rayaale] waxa noo suurta gashay in ay arrintaasi hirgasho oo hadalo badan ayaanu is nidhi”

 

“Waxyaabaha balanka noo ahaa waxa weeyaan mudada wada hadalku uu noo socdo in waxa aanu gudahayaga ku hadlayno mooyaane, aanaan wax wax-yeelayn kara ama iska xog-waran ahi aanu naga dhicin” ayuu yidhi Siilaanyo.

 

Isaga oo si gaar ah Guddoomiyaha Kulmiye ula hadlaya Madaxweeyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu yidhi, “Waxa ayaan daro ah anagu heshiiskii ayaanu ku joognaa, waxa ayaan daro in waxyaalaha Madaxweyne Kuxigeenka laga gudbiyey ay yihiin anagu waxaanu taaganay halkii Guurtidu goosatay oo sharciya, anaguna waxaanu u sheegnaa inaan go’aankii Guurtida ee ku saabsaanaa kordhinta muddada Madaxweynaha horena aanaan u aqbalin, imikana aanan aqbalin, mustaqbalkana aanan aqbali doonin, hadaanay duruufihii iyo sharciyadii aanay meesha jirin, markaa ma jecli in yooyootankayagu warbaahinta maro.”

 

Mar uu Gudoomiye Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ka hadlayey waxa ka soo baxay kulamadii ay axsaabta mucaaridka iyo Xukuummadu isuku soo horfadhiisteen waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay ilaa wakhtigan aynu taaganay wax isla ogolaanshiya ah oo aanu gaadhnay ma jirto, oon ka ahayn wada hadalkii, wada hadalkiina uu noo socdaa”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi “Markaa ilaa imikadaa anaguna isma dhiibin [Mucaaridka] iyaguna isma dhiibin oo waa been ninka yidhaahda cid ayaa is-dhiibtay.”

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] waxa uu IIlaahay ka beryey in guul laga gaadho wada hadalada loo balansan yahay inay dhexmaraan Xukuumada iyo Axsaabta mucaaridka maalinta Isniinta ah oo ku beegan 19-ka bishan, oo sidoo kale maalin ka dib ah maalintii Somaliland lagu dhawaaqay ee 18-ka Mayah.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in ay guulo wax ku ool ah ka gaadhi doonaan waxyaabihii ay isku khilaafsanaayeen dhinacyadad siyaasada iskaga soo horjeeda ee Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland.

 

Ugu horeyn Faysal mar la waydiiyay waxyaabaha ilaa hadad uga soo baxay wada-hadaladoodii foolka-foolka ahaa waxa uu yidhi,

 

“Horta anaga reer Somaliland anaga ayaa is dhex-dhexaadinta, oo dibad iyo cid shisheeye nooga timaada kuma tashano. Fadhigii shalay ilaa xalay, habeenkii ka horeysayna waxay ahayd salaan iyo inaanu jawiga sii diyaar-garayno, ilaa hadana waxaanu isku diidanahay ma jirto. Waxaananu jecelahay marka aanu ka soo noqono Jimcahan maanta iyo dabaal-dega 18-ka May, oo anigu aan doonayo inaan reer Boorama la soo ciido, ka dib inaanu 19-ka bisha aanu isku soo noqono, waxayagana sidii caadada noo ahaan jirtay aanu ku dhamaysano wanaag iyo is-afgarad.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Sidoo kale Mar Guddoomiyaha la sii waydiiyay wax shuruuda ah oo ay isula yimaadeen inay jiraan iyo hadii ay jiraan waxa ay yihiin, ee lagu xidhay Mucaarid ahaan iyo kuwa ay ku xidheen iyagu dhinaca Xukuumadda, waxa uu ku jawaabay, “wax shuruuda ahi ma jiraan, qodobada aanu wada-hadalka ka leenahay ee anagu mucaarid ahaan aanu jecelahay in nalaga qanciyo, oo anaanu isugu nimaadno meel dhexe ayuun baanu qodobaynay. Laakiin wax kale oo shuruuda ah oo ay qolo sidataa ma jirto, arrintuna maanta waxay ahayd in qolo waliba nafisto, oo waxa ay ka cabanayaan sharci ahaan la isu soo bandhigo, taas ayaanu wadnay, si jawi wanaagsana way noogu socotay, waxaananu diyaar u nahay inaanu arrimahayaga dhamaysano hadii Illaahay yidhaahdo.”

 

Faysal waxa kale oo la sii waydiiyay waxyaabaha dhinacooda lagu qanciyay iyo waxa ay iyagu dhinaca Xukuumadda ku qanciyeen, maadaama ay qolo waliba wax ku dhaganayd markii hore, isgaa oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi

 

“Labadayada dhinac, qof kastaaba siduu u akhristay qodobkaa 83-aad ayaanu wada haysanaa, anagu markaa Mucaarid ahaan waxaanu leenahay duruuf muddo laguugu kordhiyaa ma jirto, doorashan way dhacaysaa. Markaa koox kastaa aragtidoodii way sheegeen. Marrkii dambena waxaanu nidhi waar maxaa inoo dan ah, ‘waxananu isnidhi waxa inoo dan ah in aynu samayno sidii doorasho inoogu hirgali lahayd, taasina waxay noqotay inaga oo aan iska luminin . markaa waxaanu go’aan sanay inaanu mudnaanta siino sidii doorashada xalaal ah oo dhacda looga wada hadli lahaa., ka dibna wakhtiga ay Komishanku soo sameeyaan ayaanu isla eegaynaa hadii Illaahay yidhaahdo.”

 

Waxaanu sheegay in ay ka wada doodayeen wax sharci ah, isla markaana ay rajaynayaan in ay si guul ah wax ugu dhamaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by xiinfaniin:

[QB] Alla ninku
dunxumaa
!

:D dunxunmaa waa erey cusub.

 

Okay Jacaylbaro maxaa lasamayn hadii aanu Udub rabin in uu si sharaf leh xukumadu gacmaha ubadalato. Waxa ila fiican in aanay shaqaaqo iyo dhib ukeenin nabada labada dhinacba laakinse ay si nebad leh ku xaliyaan.

 

Qab iyo dagaal looma baahna, dadku wuu iska daalan yahay ninyow wayna iska dageen oo waxa layidhi hadii xabadu dhacdo maanta cid qaxaysaa majirto ee qofkasta halkisa ayuu mawdku ugu imanayaa.

 

Amar xaasil, xisbiga Udub sharcigii iyo xeerkii wuu ku tuntay, guurti na awood uma lahan in ay wax ku daran hadii wadanka dagaal ama aring deg deg ah aysan ka jirin. Waxa ila haboon Kulmiye iyo Ucid ha iska samreen iyakoo dadka iyo dalka udanaynaya iyo nabada qaaliga ah ee aynu haysano.

 

salamu calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this