Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mediations Collapsed in Somaliland

Recommended Posts

u_2d_2008-5-12-11-6-49f_kkkkkkkkkkkkkkkk

 

 

hadhwanaag 2008-05-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan Cirro] ayaa maanta si rasmiya shaaca uga qaaday inuu fara madhan ka taagan yahay hawshii dhex-dhexaadinta ahayd ee uu ka dhex waday Xukuummada Madaxweyne Rayaale iyo Axsaabta Mucaaridka [KULMIYE iyo UCID] mudada afarta todobaad ah, isla markaana uu faraha ka qaaday hawshiisi. Oo cidii kale ee Gar ka galaysa ay u madax banaan tahay.

 

Isaga oo ku sababeeyey joojinta dhexdhexaadinta inuu Madaxweyne Rayaale ka diiday inay si toos ah wada hadal isugu soo horfadhiistaan Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe, si loo soo af jaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu ay ugu kordhiyeen.

 

Sida waxa uu Gudoomiyuhu ka sheegay qoraal dheer oo uu ka jeediyey fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland ay ku yeesheen Xarunta Golahaasi.

 

”Anniga oo jecel inaan soo af jaro khilaafkan, soona gunaanado dhexdhexaadintii aan waday, waxaan la kulmay shalay, Axad, 11.5.2008, Md Dahir Rayaale Kahin, Madaxweynaha JSL oo aan u soo bandhigay inay anniga iigu muuqato in sida keliya ee khilaafkan lagu soo afjari karaa heshiiskan la isuguna waafiqi karaa tahay inay Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee labada Xisbi Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md Faysal Cali waraabe si toos u kulmaan kana wada hadlaan sidii heshiis looga gaadhi lahaa , loona soo afjari lahaa khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga ah ee ka jira Somaliland.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Cadeeyey Inay isa soo hor-fadhiistaan ay ogolaadeen labada Gudoomiye Xisbiga Mucaarid, balse uu diiday Madaxweyne Rayaale, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID waxay ii cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay si toos ah ula kulmaan Madaxweynaha JSL oo aysan wax shuruud ku xidhayn kulankaas. Madaxweynuhu soo jeedintaas igama aqbalin, waxaannu ii cadeeyey inaanu la kulmayn labada Gudoomiye.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi ”Sidaa darted, anniga oo ixtiraamaya mowqifka xukuumadda iyo ka Axaabtaba, waxaan go’aansaday maanta oo taariikhdu tahay isniin, 12.5.2008 inaan joojiyo dhexdhexaadintii aan ka dhex waday xukuumadda iyo labada Xisbi qaran kaalintaasna u baneeyo cid kasta oo u diyaar ah inay sii wado, haddii ay tahay Academy-ga, salaadiinta, culimada, aqoon yahanada, iyo cidii kale ee tuhunsan inay hawshan sidii wadi karto, CALAADANA meesha ka saari karto.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu ku sheegay qoraalkiisa dheer ee uu Golaha ka horjeediyey inay dhibaatadu tahay Xukuummada oo rabta inay marka hore Xisbiyada Mucaaridku [KULMIYE iyo UCID] ay aqoonsadaan muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen xilka mudada madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, marka ay dhamaato mudadoodi shanta sanadood ahayd ee hore loogu soo doortay 15 bishan May. In muddo kordhintaasi sharci tahay horena sharci u ahayd.

 

Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu ku dooday inay labada Xisbi Mucaarid [KULMIYE iyo UCID] inay dhinacooda aaminsan yihiin in muddo kordhinta halka sanadood ah ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu aanay sharci ahayn, maadaama duruufo nabadgelyo daro aanay ka jirin Somaliland, taasi oo ah waxa kaliya ee muddo kordhin loogu sameyn karo.

 

 

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland u jeediyey in muddadii afarta todobaad ahayd oo uu sheegay inuu isaga dab-qaadayey Xukuummada iyo labada Xisbi mucaarid ah, isaga oo cadeeyey in qodobo 8 ah oo uu soo dhex dhigay labada dhinac si gooni gooni ah inay qodobadaa badidooda lagu heshiiyey, laakin ay Xukuummadu ku adkeysatay inay Mucaaridku marka hore qiraan inay Golaha Guurtidu yihiin Gole Dastuuri ah go’aamada ka soo baxaana ay sharci yihiin.

 

Wuxuu sheegay Cirro inay deeq bixiyayaasha Caalamiga ee maalgelinayey diwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland ay isaga u soo sheegeen inay joojiyeen lacag 8 Malyuun ah oo Dolar ah oo ay ugu tala galeen diwaangelinta cod bixiyayasha ee la filayey in la qabto doorashooyinka ka hor.

 

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] waxa ku dardaarmay oo uu yidhi “Yuu xaalku inaga noqon haddii aan wax kasta laga heshiin, heshiis ma dhicin [if every thing is not agrea, there is no agreement]. Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad inay u diyaar noqdaan inayna wada heli Karin waxa ay doonayaan dhamaantood , hase yeshee , ay danta shacbiga iyo danta guud uga tagaan arrimo ay gar , xaq iyo sharci u leeyihiin. Ilaahay xaqa iyo dawga ha ina garansiiyo arrimahan ha inoo fududeeyo, Somaliland ha guuleysato.”

 

Si kastaba ha ahaatee labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxay hore u sheegeen inaanay aqoon sanayn Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Kuxigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasin 15 Bisha May oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socoata oo ay ku eegtahay mudada shanta sanadood ahayd ee hore loogu soo doortay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland oo Faah Faahin Ka Bixiyay Hawshii dhex-dhexaadinta ee uu G. Cirro Waday

 

Hargeysa (Qaran)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta Faah faahin ka bixiyay Hawlihii dhex dhexaadinta ee uu Gudoomiye Cirro Waday. sida ay u socdeen iyo sida ay wax u dhaceen.

Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ‘’Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID , ayaa ii yimid muddo laga joogo laba toddobaad , wuxuu la socday Gudoomiyuhu inuu isu soo dhaweeyo dedaalkiisa in la soo afjaro khilaafaadka , waxaan waydiiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ma ogol yahay sharciyada Guurtidu fulisay , Jawaabtii uu Gudoomiyuhu bixiyay ‘’Cirro’’ iyagoo wada jooga waxay ahayd Haa , sidaa ayaan hawshii inuu galo ku siiyay ogolaansho.

 

Waxa hawshaa bar bar socotay oo soo taxnayd oo uu ku dhex dhexaadinayay xubno Asxaabta Mucaaridka iyo xubno Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada iyo UDUB.

Natiijo ilaa hadda laysla gaadhay oo uu ii keenay Gudoomiyaha golaha Wakiiladu iyadoo aanay jirin , ayuu shalay oo ay bishu ahayd 11/05/2008 ii yimid waxaani igu yidhi ‘’Waxaan rabaa inaad aragto labada Gudoomiye xisbi Mucaarid’’, waxaanan u celiyay Maxaad isla soo gaadheen oo go’aan idinka ah , wuxuu ku jawaabay saddexdiina ayaa isla meel dhigi , waa arrintii uu mudada dheer ku soo jiray ee uu wakhtiga badan ku lumiyay.

Waxaan ku idhi mar haddii aanu jirin go’aan aad ka sido hawlihi dhex dhexaadinta aad isu xil saartay ana aan kaa ogolaaday isla mar ahaantaa aad ii sheegtay inay ay diidan yihiin qodobkii sharciyada korodhsiimada mudada xilka ee xukuumada ee Guurtida , ma waxaad doonaysaa in aan hortaada ku murano.

 

Intaas waxa dheer oo aan Dadweynaha ku war gelinayaa in:

In uu ila kulan siiyay Gudoomiyuhu Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha UCID 29/04/2008 oo aanu ku heshiinay in dhex dhexaadinta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada la shaqayno , iyagoo qirsan sharciyada Korodhsiimada.

In Akaadamida Nabadu ii yimaadeen iguna war galiyeen inay la kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE igana codsadeen in aan la kulmo ana aan aqbalay , ballan aan u qabtay habeenkii Sabti ee bishu ahayd 10/05/2008.

Waxa Subaxnimadii Sabtida ku soo baxay saxaafada , KULMIYE oo Madaxweynaha ku diiday kulan , waxana akaadamiyada 09-kii subaxnimo lagu war geliyay inay kulmiye ka baxay codsigii la kulanka Madaxweynaha Somaliland.

Akaadamiyada Nabadu waxay cadaysay in kulmiye diiday la kulankii Madaxweynaha ee ay hore u codsadeen.

Sidaa daraadeed, waxaan cadaynayaa oo aan dadweynaha u sheegayaa in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu marnaba la imanin mudadaas uu ku hawlanaa wax la taaban karo oo ay ahayd inuu isagu go’aan gaadho wax ku ool ah , mar haddii uu qaatay xil dhex dhexaadineed , balse arrintiisu waxay dhaafi wayday wixii ay qabeen Gudoomiyayaasha Asxaabta Mucaaridku , oo ah dafiraada xilka dastuuriga ee Guurtida , taa lafteeda oo uu aaminsan yahay isagu , isagoo ahy Gudoomiyaha Golaha sharci dejinta Koowaad’’.

Share this post


Link to post
Share on other sites

tanug you

 

P.S. They risk loosing funds for the elections and why the need for the term extension. Could the so called Guurto has the power to give Riyaale an extension?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

I hope lander politicians would shun the zero sum game that somalis practice. They should tolerate current admin and sit it out...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alla ninku dunxumaa!

 

jacaylka: if I didn’t know that your entire political philosophy is based on misplace grief and anger, I would’ve felt wronged! But for you yaa majnuun layla you are forgiven to hold such wicked views about my character…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

But for you yaa majnuun layla

:D:D

 

Jaca, Waa adiga oo gabayga macalin ku eh, Majnoon Layla waa taqaanaa aan umalaynaa.

 

When Qays heard of her marriage, he fled the tribe camp and began wandering the surrounding desert. His family eventually gave up on his return and left food for him in the wilderness. He could sometimes be seen reciting poetry to himself or writing in the sand with a stick

Somaliland sidaas ma uu jecashahay ? When unification happens, will you forsake the cities and head for the wilderness ? Taas aala dahaa jacayl-ka runta, inta kale waa been. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo muddo hadda gaadhaysa saddex isbuuc uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) uu waday dhexdhexaadin ku saabsan sidii ay isku fahmi lahaayeen asxaabta mucaardka iyo xukuumada Somaliland ayaa waxa ay ku dhamaatay guul darro.

 

Waxaa maanta ku dhawaaqay mar uu shir saxaafadeed soo saaray Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) in uu ku guul daraystay inuu dhameeyo khilaafkii siyaasadeed ee dhexyaalay xukuumada Somaliland iyo asxaabta mucaaradka ah oo uu ku soo jiray muudo saddex isbuuc gaadhaysa.

 

Arintan ayaa waxa uu ku tilmaamay inay ka dhamaan wayday kadib markii uu madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu diiday inuu si kafool kafool ah ay isu hor fadhiistaan asxaabta Mucaaradka ee Kulmiye iyo UCID si ay uga wada hadlaan xaalada dalka iyo sida lagu dhamayn karo.

 

Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in hadda ay gabi ahaanba istaagtay arinkaasi uu ka dhexwaday xukuumada Somaliland iyo asxaabta mucaardaka haddana aysan jirin cid wadda taas oo ahayd mid ay dadka shacabka ahi aysi wayn uga dhur sugayeen waxa kasoo baxa.

 

Dhanka kale shir saxaafadeed uu soo saaray Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxa uu ku tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland hawshii uu waday uusan ilaa hadda wax xal ah ka gaadhin isagoo sheegay inuu sugayay arin cad oo ku saabsan mowqifka asxaabta ee ku aadan sharciga Guurtidu gaadhay waxa ay ka qabaan.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin kulan uu diiday oo ku saabsanaa dhexdhewxaadintaasi laakiin uu sugayay war bixin uu ka sugayay Gudoomiyaha oo ahayd su’aal aan waydiiyay oo ahayd maxay ka qabaan sharciga uu gaadhay Golaha Guurtida Somaliland ee ku aadan muudo kordhinta sanadka ah kaas oo uusan ilaa hadda igu soo celin.

 

Hadaba Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa uu ka digay in ay qabtaan asxaabta mucaardka inay banaanbaxyo kasoo horjeeda nabada Somaliland ee 17 jirsatay ciddii qabatana la hor gayn doono shaciga Somaliland iyadoo taas oo muujinaysa in aysan dhici doonin mudaharaadyo ka dhaca Somaliland marka la gaadho 15 may ee soo socda ayna qabtaan asxaabta mucaardku.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeisa (QARAN) - The President of Somaliland, Mudane Dahir Rayale Kahin, and the two leaders of Somaliland's opposition parties KULMIYE and UCID, Mudane Ahmed Mohamed Mahamud and Mudane Faisal Ali Warabe this evening met at the Presidency in Hargeisa.

 

The meeting took place in order to begin discussions on issues relating to Somaliland's political arena, including efforts to revive the failed mediation talks between all three Somaliland parties regarding the delay in the Presidential and local elections, the extension of the President's mandate by the Somaliland House of Elders and other areas of mutual interest.

 

Mediation processes led by the Somaliland speaker of parliament, Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi had failed and as a result the need for a new attempt in resolving the issues facing the Somaliland political parties appears to have been revived by the meeting between the three party heads in Hargeisa.

 

According to reliable resources these discussions are expected to continue tomorrow with a luncheon to be attended by the three party leaders, followed by a press conference tomorrow, Thursday, the 15th of May.

 

According to these same sources, the chair of the UCID party, Mudane Faisal Ali Warabe stated that these talks have borne fruit "Which will reassure the people of Somaliland and our friends across the globe that Somaliland has once again resolved its internal issues through dialogue and consensus".

 

These talks come at a time when the opposition parties, KULMIYE and UCID had been adamant in their opposition to the extension of the President's term for an additional year by the Somaliland House of Elders. The President's five year term expires on the 15th of May, 2008.

 

 

Source Qarannews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka aan kahelayno caasimada Somaliland ee Hargeysa waxay sheegayaan in caawa ay heshiis horudhac ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii siyaasadeed ee gilgilay Somaliland ay wada gaadheen madaxweyne rayaale,iyo labada xisbi ee mucaaradka ah.

 

 

Kulamadan ayaa bilowday kadib markii wasiirka maaliyada Mr Ducaale uu Siilaanyo ku garaacay gurigiisa oo uu booqday,kadibna ay isu soo raaceen xarunta madaxtooyada,iyagoo horay u sii kaxaystay Faysal Cali Waraabe,kadibna Rayaale la casheeyey.

 

Wadahadaladan oo aan weli la shaacin ayaa waxay caawa ka abuureen magaalada Hargeysa jawi nabadeed iyo mid farxadeed,iyadoo laga cabsi qabay in khalkhal nabadeed uu ka dhaco Somaliland maalinta 16 may oo ah maalintii ay ugu ekeyd Rayaalle wakhtiga intaan loo kordhin sanad kale.

 

Faysal Cali Waraabe oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu fariin u dirayo cadowga Somaliland."Waxaan idiin sheegayaa in aan is afgaranay,dalka iyo dadkayagana aan u shaqaynayno"ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo farxadi ka muuqato.Waxaa sidoo kale dad goob joog ah noo sheegeen in caawa uu Siilaanyo iyo Rayaale oo isla qoslaya ay ka soo baxeen xarunta madaxtooyada,iyadoo wejiyadooda laga dheehan karo inuu jiro heshiis ay gaadheen.

 

Berito ayaa la waxa laqaban doonaa xaflad ay ka soo qayb geli doonaan xubno ka socda dawlada iyo xubni=o ka socda mucaaradka,iyadoo la saxeexi doono heshiisyada la isla qaatay.

 

Murankan siyaasadeed ayaa yimid kadib markii xukuumada Rayaale golaha guurtidu u kordhiyey sanad danbe.

 

Wararka heshiiska ay gaadheen xukuumada Somaliland iyo mucaaradku,kala soco Afnugaal saacadaha soo socda hadii ilaahay idmo.

 

Afnugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2008-05-15 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Kulankii labaad ee ay isku soo hor fadhiistaan Madaxweyne Rayaale iyo Hogaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid, ayaa mar dhawayd oo caawa ah lagu soo geba-gabeeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa, waxaana kulankaas lagaga wada-hadlay qodobo door ah, oo khuseeya xaalada khilaafaadyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

Kulankan, oo ahaa wajigii labaad ee ay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasada iskaga soo horjeeda (Mucaaridka iyo Muxaafidka) dalka Somaliland, ayaa la sheegay inuu jawi aad u fiican ku bilaabmay, isla markaana uu ku dhamaaday. Hasee ahaatee ma jirin wax go’aamo ah oo ka soo baxay.

 

kulankan ayaa daba socday kulan ay xalay Masuuliyiintani ku yeesheen isla Qasriga Madaxtooyada, iyada oo wajigiisa saddexaad loo balamay in la isugu yimaado maalinta Isniinta ah oo ku beegan 19 bishan May.

 

Isu imashada Kulankan oo bilaabmay maanta 1:30-kii Duhurnimo, ayaa socday wakhti ka badan shan saacadood, iyaga oo xubnaha kulanka isku hor fadhiyay ay si xidhiidh ah uga wada-hadayeen xal u helida khilaafyada siyaasadeed.

 

Hase ahaatee, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdi-qaadir iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Ucid Maxamed Xasan Baashe (Talaata-codle), , ayaa Saxaafadda u sheegay in kulankan lagaga wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin muddo kordhinta Guurtu samaysay iyo qaabka loo wajahayo Madaxweyne Rayaale, oo muddadii la doortay, isla markaana xilka loo dhaariyay ay kaga ekayd, maanta oo bishu ahayd 15.

 

Isla markaana, waxa ay intaa ku dareen in kulanka saddexaad la isugu imanayo maalinta Isniinta ah ee 19-ka bishan, maadaama ay berri tahay maaliin Jimce ah, oo guud ahaana ummada Islaamku fasax tahay, Sabtida iyo Axadana loo debaal-degayo 18-ka May ee sannad-guuradii 17’aad ee ka soo wareegtay maalitnii Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda, isla markaana lagu dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland, 1991-kii, oo ay si buuxda Somaliland uga soo go’day dalwaynihii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee waxay dadka siyaasada u dhuun daloola aad u naaqishayaan waxa uu Madaxweyne Rayaale la shir iman doono khudbada sanad-guurada 17-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland Xornimada dib ula soo noqotay oo ku beegan 18 May

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this