Sign in to follow this  
Emperor

Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister

Recommended Posts

Emperor   

Patrizia Sentinelli "Talyaanigu waxaa uu dhiirr gelinayaa howsha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya jooga.

 

Inkastoo dowladda Talyaanigu ay horay dhowr jeer u muujisay in ayan xoogaa ku niyad sameyn howsha ciidamda nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya ayaa hadana waxaa maanta ay xukuumadda Talyaanigu ka dhawaajisay in ay arrinkaa taageereyso.

 

Inkastoo dowladda Talyaanigu ay horay dhowr jeer u muujisay in ayan xoogaa ku niyad sameyn howsha ciidamda nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya ayaa hadana waxaa maanta ay xukuumadda Talyaanigu ka dhawaajisay in ay arrinkaa taageereyso.

 

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga Patrizia Sentinelli oo maanta Muqdisho soo gaartay ayaa iyadoo ka hadleysay shir jaraa'id oo ay ku qabatay xarunta Villa Soomaaliya waxaa ay tiri "Talyaanigu waxaa uu dhiirri gelinayaa showsha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya jooga"

 

"Waxanu doonaynaa in la suura geliyo xilli ay ciidamada Itobiyaanku ka bixi karaan Soomaaliya,waxaana xilligaasi la gaari karayaa marka ay ciidamada Afrikanku soo wada gaaraan dalka Soomaaliya,arrinkaana waanu dhiirrigelineynaa"ayay tiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga Signora Sentinelli oo maanta Muqdisho timid .

 

Waxaa ay intaa ku datary signora Sentinelli in dalalka kale ee Afrikaanka ciidamadooduna aanay wali soo gaarin dalka Soomaaliya ay ka dhaadhicin doonaan in ay so de dejiyaan ciidamadii ay balan qaadeen si muhiimadda la hiigsanayo loo gaaro.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmoyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaniga oo la kulantay madaxda sare ee dowladda KMG ah

Click here to find this article in english

 

Mogadishu 19, May.07 ( Sh.M.Network) Wafdi balaaran oo ay hogaamineyso wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaadatay madaxda sare sare ee dowladda KMG ah ee Somalia.

 

senti1.jpg

Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga Patrisia Sentinelle oo u warantay warbaahinta

 

senti8.jpgWasiir K/xigeenka arimaha dibadda Somalia oo ku soo dhaweeyay Airaporka wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga Sentinelli

 

senti4.jpgMadaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi oo ka soo baxay goob ay kulan kula qaateen Sentinelli, wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saddexda mas'uul ee ugu sarreeya dawladda oo qaabilay Patrisia Santineli

 

 

Saddexda mas'uul ee ugu sarreeya dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga gabadha lagu magacaabo Patrisia Santineli.

 

Wafdiga ay hoggaamineysey wasiir kuxigeenku ayaa waxaa qaabilay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, waxana ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

Patrisia Santineli, ayaa sheegtay in Talyaanigu uu dhirri gelinayo isla markaasna taageerayo shirka dib u heshiisiinta qaran ee dhowaan lagu qabanayo caasimadda isla markaasna dawladda Talyaanigu ay su buuxda u taageersan tahay dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Patrisia Santineli ayaa sidoo kale sheegtay in Talyaanigu uu gacan weyn ka geysanayo sidii xasilooni iyo nidaam loogu soo dabbaali lahaa waddanka Soomaaliya.

 

Cabdi-Jamaal Macallin Axmed

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mss. Santinelli ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay inay Muqdisho timaado markeedii ugu horreysay, waxayna sheegtay inay walwal ballaaran ka qabtay Muqdisho intii aysan imaan, balse ay hadda dareemayso in xaaladdu ay ka duwan tahay sidii ay filaysay oo ahayd mid walwal badan.

"Waxaan filayay in xaalad kacsan aan ugu iman doono Muqdisho, balse waan faraxsanahay hadda, waxaana u mahadcelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay noqoto mid wanaagsan oo dunida laga dareemo wanaaggeeda"
ayay tiri wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Mss. Pertizia Santinelli oo hadal siisay saxaafadda.

Madaxda Dowladda ee kulanka ay la yeelatay ayaa waxay dhankooda sheegeen in dowladda Talyaaniga ay si weyn u daneynayso arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in talyaaniga uu si weyn ugu ololeynayo in Dowladda Soomaalyia ay ku guulaysto himiladeeda.

 

 

Dhanka kale, Santinelli oo ka hadashay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in Talyaaniga uu shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya ku bixinayo lacag fara badan uuna si weyn u raneynayo inay ka soo baxaan go'aanno wax ku ool ah oo ummadda Soomaaliyeed dariiqa hagaagsan.

 

Xigasho Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi Talyaani ah kii ugu balaarnaa oo yimaada Somaliya wixii ka dambeeyay Burburkii ayaa soo gaaray Muqdishu

Posted to the MOL May 19, 2007, 10:09 am

 

Wafdi balaaran oo ay hogaamineyso wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli ayaa maanta ka soo degay garoonga caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Wafdigaan oo ka kooban 9 xubnood oo uu ka mid ahaa Ambassador cusub oo Talyaaniga u soo nagacaabay dalka Somalia oo la yiraahdo Stephen Dijack ayaa isla maantaba waxay kulamo gooni gooni la qaateen madaxda ugu sareysa dawlada KMG ah sida Madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo gudoomiya baarlamaanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli (midig) oo uu soo dhaweynayo wasiir ki xigeen arimaha dibada Somaliya Hussein Elabe Fahiye

 

 

Waftiga ayaa sidoo kale kulamo la qaatay gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi oo waftiga ka siiyay warbixin la xiriirta qorshaha shirka dib u sheesiinta iyo meesha ay u wax marayaan iminka.

 

 

 

 

 

Kulankaas ka dib ayaa wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee Talyaaniga Patrisa Sentinelli oo la hadhashay saxaafada madaxa banana waxay sheegtay inay dawlada Talyaaniga ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahayd hawlaha dib u heshiisiinta iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

 

 

 

 

 

Madaxweyne Yuusuf iyo ra'iisal wasaare Geedi oo isku diyaarinaya inay soo dhaweeyaan waftiga Talyaaniga.

 

 

Wasiir K/xigeenka ayaa sheegtay in dawladu talyaani hadda u qorshaysay qarash ay ku caawin doonto qabsoomida shirka dib u heshiisiinta iyo wlaiba arimaha lagu sugayo amniga oo ay gacan ka gaysan doonaan sidii loo maal galin lahaa in Somaliya la keeno ciidamo Afrikaan oo badala kuwa Itoobiya oo kooxaha qaar ka soo horjeedaan. Wasiir K/xigeenka ayaa ugu dambeyntii ku baaqday in loo badaxbaneeyo howlaha dib u heshiisinta gudiga qaran ee uu madaxda u yahay Cali MAhdi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli (midig) oo uu soo dhaweynayo wasiir ki xigeen arimaha dibada Somaliya Hussein Elabe Fahiye

 

 

Isku soo duuboo safarka wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli ayaa mid guul ku dhamaaday lana isla wada fahmay waxyaabihii laga wada hadlay. Waxaana moodaa in dawlada Talyaanigu ay iminka boorka ka jafayso doorkeedii taariikhiga ahaa ee Somaliya.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

The Italian government on Saturday pressed Ethiopian troops to pull out from lawless Somalia and urged the rival factions there to observe a truce ahead of a key reconciliation conference in June.

"I expressed the position of my government that Ethiopian troops must withdraw," she told a press conference in the Kenyan capital Nairobi, after visiting Rome's former colony.

"Security can only be realised through a ceasefire ... the problem of insecurity must be addressed in a correct manner," Sentinelli added.

"I presented on behalf of the Italian government one main request. That the reconciliation conference really be conducted in an all-inclusive manner," added Sentinelli, the only top Italian envoy to visit Somalia in recent years.

Clearly, the Italians want Somalis to decide their own future without outside interference. Its very interesting to see how the Ethio-American aliance react to the Italian position.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Italy, US, Kenya, Ethiopia, Egypt and all countries rest except the rogue state Eretria are with the TFG... Marka ha is wareerin

 

Italy TFG-da way aqosnatahay, Lacagta shirtka dhibka uheshiisiinta way bixinaysaa, ambassador usoo magacawday Somalia, high ranking european official hodling ministerial position ayay usoo dirtay Mogadishu to meet Somali leaders... What more do u want...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this