Saalax Posted November 24, 2010 Dr.Gaboose “ Somaliland iyo Ethiopia Waa Labada Dal Oo Daris Ah Oo ILAAHAY Isku Xidhay Wax Badani Ka Dhaxeeyaan” Hargeysa (OWN)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha Somaliland oo hada ku sugan magaalda London, Dr.Gaboose ayaa safarkiisu ku koobnaa caasimad wadanka Ethopia ee Adisababa. Dr.Gaboose ayaa maalintii shalay ka soo dagay gagaha dayuurahahee Cigal internainal ee magaalada Hargeysa, waxa halkaasi ku soo dhaweey xuno ka mida golayaasha Qaranaka. Dr. Gaboose waxa uu ka warmay socdaalkii ay ku tageen Dalka Ethtopia iyo sidii loo soo dhaweey isaga oo Saxaafada lahadlay waxa uu yidhi “Horta waxaan halkan ka raacay Safarkii Madaxweynaha Somaliland ee tagay Addisababa, waxaan filayaa inaad TV-yada ka daawateen sidii Weftigii madaxweynaha Itoobiya loogu soo dhaweeyay, wax allaalle iyo wixii dawladi maamuus lahayd waxay kala hadheen may jirin, 80-ka Malyan ee qof ee Itoobiya Raysal Wasaaraha xukuma Ku Xigeenkiisa ayaa soo dhaweeyay oo qaabilay Madaxweynaha, waligeedna may dhicin, Raysal Wasaaruhuna wuxuu u qaabilay si aad iyo aad u culus, wada hadalkii halkaasi ka dhacayna waxay ahaayeen kuwo aad u soo kordhiyay, wax laga wada hadlay arimo u badan oo xukhseeya labada dalba” Dr. Gaboose mar uu ka hadlayay nuxurka wada hadaladii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaarah Ethtopia, iyo kulan uu isagu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Fadaraalka ee wadankaasi waxaanu yidhi “ Madaxweynuhu intii uu joogay Addisababa, waxaan kula kulmay dhigayga oo ah Wasiirka Arrimaha Fadaraalka Itoobiya oo la mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa hoos yimaad Ha’yadaha na hoos yimaada Wasaarad ahaan, Waxaan ka wada hadalnay sidii labada dal wax u wada qabsan lahaayeen ee Arrimaha Nabadgelyada maamulkaba wixii khibrad ah ee ay na dhaamaan waa dal weyn oo taariikh dheer leh” Waxa kale oo uu intaas ku daray Dr.Gaboose “ waa dal soo maray caqabado badan oo wax laga baran karo. Waxa hadda noo furmay in imika wixii ka dambeeya aanu si toos ah u wada xidhiidhno Aniga iyo Wasaaradaasi, Somaliland iyo Itoobiya waa labada dal oo daris ah oo ILAAHAY isku xidhay oo wax badani ka dhaxeeyaan.” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Quote Share this post Link to post Share on other sites