Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland goes forward: Presidential Local Councils Elections (Amendment) Bill....

Recommended Posts

G/Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka G/Deeganka,Mudanayaal Ka Dareeray Fadhiga Iyo Dareenkii Dadka laga Tirada badan yahay

 

Hargeysa(Qaran)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen xeerka Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Iyo Madaxtooyada.

 

Fadhigii Golaha Wakiilada JSL ee Maanta,oo uu hogaaminayay gudoomiyaha aqalkaas Md Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi {C/Raxmaan Cirro],waxa Golahu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka iyo kaabista xeerkaasi lagu sameeyay,iyadoo,markii hore cod gacan taag ah lagu meel mariyay Qodobka 22-aad ee Xeerkaas,oo ay ku kala aragti duwanaayeen xildhibaanada Golahu,qodobkaas oo la xidhiidhay in toos loo soo doorto murashixiinta Doorashada Dawladaha hoose iyo in kuraas gaar ah loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay.

 

Waxa fadhigaasi ka dareeray 20 mudane oo u badnaa xisbiga UDUB isla markaana ay weheliyeen xubno ka soo jeeday KULMIYE iyo UCID,hase yeeshee ,fadhigaas ayaa sii socday,waxana la bilaabay codbixintii.

 

30 Mudane ayaa ogolaaday meel marinta Xeerkan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Madaxtooyada,waxa diiday shan mudane waxa aan codayn 22 Mudane oo u badnaa xildhibaanadii Fadhiga ka dareeray,gudoomiyuhuna muu coday.

 

Xildhibaanada fadhiga ka baxay,oo aan wax ka waydiiyay waxa ay shirka uga dareereen ayaa shirgudoonka ku eedeeyay inay golaha horkeenayaan Xeerar ay ku jiraan qodobo khilaafsan Dastuurka,iyagoo ula jeeday Qodobka 22-aad ee xeerkan oo ku saabsan in Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay,loo xidho kuraas gaar ah oo aan lagula tartamin Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

 

Xeerkan oo ka kooban 66 Qodob,waxa loo gudbinayaa Aqalka Odayaasha Somaliland.

 

Dhinaca kale,waxa fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada goob joog ka ahaa dad ka socday beelaha laga tirada badan yahay iyo Haweenka.

 

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil,oo ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay,ayaa taageeray xeerkan,oo uu xusay in uu u hiiliyay Dimuqraadiyada Somaliland.

 

“Waan ku faraxsan nahay ansixinta xeerkan,waxa aan leeyahay xeerkani waxa uu u hiiliyay sidii ay doorashooyinka ugu soo bixi lahaayeen dadka la hayb-soocaa,waxana aan filayaa ilaahayna ka rajaynayaa inuu wax ka taro Aqoonsiga JSL”ayuu Yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil.

 

Sidoo kale ururada xuquuqul insaanka maxaliga ah,ee u dooda dadka la hayb sooco ayaa iyaguna soo dhaweeyay Xeerkan “Waxa aan soo dhawaynayaa xeerkan oo ah mid bulshada laga tirada badan yahay u suurto gelinaysa inay ka muuqdaan Maamulka Magaalooyinka Dalka,kuraasta loo qoondeeyay beelahan iyo Haweenkaba waanu soo dhawaynaynaa”ayuu yidhi Rashiid Cabdi Xuseen,oo ka tirsan Dalada Ururada Xuquuqul Insaanka Somaliland ee SHuro-Net.

 

Rashiid, waxa uu si kulul uga cadhooday Xildhibaanadii ka dareeray fadhigaas,oo uu ku dooday inay ka soo horjeedeen xeerka doorashada “Maanta waanu kala baranay golaha wakiilada ,inta doonaysa in dadka laga tirada badan yahay ay ka qayb-galaan hogaaminta iyo inta diidanba”ayuu raaciyay Rashiid Cabdi Xuseen.

 

 

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this