Sign in to follow this  
General Duke

TFG Mogadishu population working together to restore security...

Recommended Posts

Dowladda Federaalka iyo Waxgaradka xaafadaha gobolka Banaadir oo bilaabay olole looga hortegayo kooxaha shacabka dhexdiisa hoobiyaha ka tuura

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 24/02/07

 

Magaalada Muqdisho oo maalmahan ay ka dhacayeen falal lagu wiiqayo nabadgelyada laguna weerarayo xarumaha ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ee caawinaya ayaa iminka u muuqda in iminka laga hortegayo kooxaha dagaal mindhicireedka ka wada shacabka dhexdiisa, iyadoo gantaalo dhowr ah oo laga genay xaafadaha Muqdisho ay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah, tiiyoo madaafiicda jawaabta ah ee ka imaaneysa dhinaca Dowladana ay qasaase midkaas la mid ah geysteen.

 

Labadii toddobaad ee ugu dambeysay ayaa kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen Waxgaradka, dhallinyarada xaafadaha magaalada iyo ciidamada Dowladda Federaalka iyo waliba Saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Muqdisho waxay kulamadooda uga wadahadleen sidii looga hortegi lahaa kooxaha falalka qaraxyada ah ka fuliya xaafadaha gobolka Banaadir.

 

Xaafadaha Warshiigley, Caymiska, Trebuunka, Tusbaxle, Black Sea, Howlwadaag, MBC, Siinaay iyo meelo kale ayaa sameystay ciidamo madani ah oo suga amniga xaafadahaasi, waxaana degaanada qaarkood ay ciidamada madanigu ku soo rogeen bandow ku eg in baabuurtu socodkeedu hakanayo wixii ka dambeeya 8:00 habeenimo ama saddex saac qofba sida uu u yaqaano, halka socodka dadkana uu ku eg yahay ilaa 9:00 habeenimo, iyadoo cidii jebisa amarkaasina ee la soo qabtana jeelka la dhigi doono.

 

 

 

 

Tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeen inta badan xaafadaha gobolka Banaadir oo ku timid kulan ay yeesheen waxgaradka iyo dadka ay talada ka go'do ee xaafadahaasi ku dhaqan iyo Dowladda Federaalka ayaa durbaba wax ka bedelay jawigii ay hore ugu sugneyd Muqdisho, kadib markii kooxaha baabuurta yar yar iyo kuwa Homeyda wata ee qaraxyada fuliya ay waayeen meel ay wax ka ridaan, howshoodiina ay iminka ku soo koobantay oo kaliya inay si dhuumaaleysi ah gantaalo u tuuraan.

 

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan xaafadda Waaberi ayaa u sheegay weriyaha Somaliweyn in dableydii ka dambeysay dilka Guddoomiye ku xigeenkii Degmada qaarkood gacanta lagu soo dhigay, halka lagu raad joogo cidii ka dambeysay falkaasi foosha xun, isagoo sheegay dhinaca kalena in xaafadaasi ay sameysatay ciidamo madani ah oo sida uu sheegay ay wada shaqeyn buuxda kala dhaxeyso Dowladda Federaalka, isagoo intaasi raaciyay inay ciidamada dowladda ku wareejiyeen kooxo meelo kala duwan oo xaafadaasi ka tirsan damacsanaa inay halkaasi madaafiic uga tuuraan xarumaha dowladda iyo kaabayaasha bulshada Muqdisho.

 

Dhinaca kale Taliyaha ciidamada madaniga xaafadda MBC Axmed Maxamed Nuur ayaa uga digay kooxaha maleeshiyooyinka nabad dhibayaasha Muqdisho ah inaanay isku dayi Karin isla markaana ay gacan bir ah ku qabanayaan cidii lagu arko iyadoo ku kaceysa tallaabooyin wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasiloonida degaankooda, isagoo sheegay in maleeshiyooyin ay ciidamadiisu ka soo qabteen meelo kala duwan oo xaafadda MBC ka tirsan, kuwaasoo sida uu sheegay isku dayay inay Hoobiye ka tuuraan xaafadaasi, isagoo sheegay in iyaga iyo gawaaridii ay wateenba uu ku wareejiyay ciidamada Dowladda Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this