Cowke Posted July 1, 2010 President Farole July 1 Speech Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted July 1, 2010 So middle finger forgot plands independence day feb 29th! lool. What a shame. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 Rudy do you ever have anything constructive to say? Did you even listen to the speech? It is powerful speech that touches upon history/politics/and nationalism of the somali people and the future solutions needed to bring this once glorious nation back onto it's feet!!! Stop criticising always because your criticism is not even constructive but destructive and it's attitudes like yourself that does no good for somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted July 1, 2010 Well do u have anything intelligent to talk about other than being a clan cheerleader for your uncle 24/7!! Naagees 24/7 aint kol at all! try something else sometimes! if u need any hints holla back. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 Munaasabada 1-da Luulyo Oo Laga Xusay Bosaaso (Sawiro) July 1, 2010 0 comments | leave your own! Munaasabad lagu xusaayay maalinta 1-da Luulyo ayaa habeenimada xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaaso,waxaana ka qaybgalay masuuliyin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Puntland. Masuuliyinta ka qaybgashay munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Bari Cawil Ilka dahab,Duqa magaalada Bosaaso iyo kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir iyo Saraakiisha Ciidanka iyo laamaha amaanka. Munaasabada oo ahayd mid si heer sare loo soo qaban qaabiyay ayaa ugu horeyn waxaa furay oo xirririnaayay Kuxigeenka Duqa magaalada Bosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir oo hambalyo iyo tahniyad u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel weliba ay ku suganyihin. Duqa magaalada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay xaalada iminka Soomaaliya ay ku sugantahay,wuxuuna sheegay in burburkii Dowladi dhexe ee Soomaaliya ay dadka Soomaaliyeed haysteen nolol wanaagsan iyo nabad.wuxuu Alle ka baryey in dagaalada iyo dhibaatada ka jirta dalka inuu ka dulqaado. Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa mahadcelin gaar ah ujeediyey Ciidanka Madaxtooyada oo u sheegay in ay surtageliyeen xuska munaasabada,wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimada loona baahanyahay in lagu noolaado nabad. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa isagu halkaa ka sheegay in degaanada Puntland si buuxda laga xusaayo degaanada Puntland. ”…Hada Caawa waxaa laga xusaaya degaanada Puntland 1-da luulyo,gobolada Waqooyi waa ay diideen kuwa Koonfureed nasiib uma aysan yeelan sababo awgeed…”,ayuu yiri. Dhamaan dadkii ka qaybgalay munaasabada ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay maalinta 1-da luulyo,waxaana inta ay socotay loogu duceeyey dhalintii Ururkii xornimo doonka ee SYL gaar ahaan 13-dhalinyaro ee halgameyaashi. Saacadu markii ay ku beegnayd 12:00-a.m oo saqda dhexe ayaa si toos ah la suray Calanka Soomaaliyeed,iyadoo lasoo xiray munaasabada 1-da luulyo ee goobta laga xusay. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 You Will Find Me In The Bossaso Darawish Division Dream Team In This Picture Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 1luuliyo oo si wayn looga xasusay xalay Caasimada Puntlaand (Sawiro) (Garowe) RBC: Waxaaa habeenkiii xalay lugu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Garowe munaasabad baalaran oo lugu xusayay 1 luuliyo oo ah xiligii is raaceen Gobalada Koofureed iyo Gobalada waqooyi Galbeed.ee Somaaliya Munaasabaada ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwyanaha Puntland iyo Golahiisa Xukuumada Golaha wakiilada Puntland xubna ka socda DKMG ah ee Soomaaliya Marti sharaf kale iyo dad wayane kala duwan. Xafldaa 1 luuliyo lugu xusayay ayaa ahayd mid si wayn xukuumada Puntland u soo maamustay waxaana ay socotay waqi dheer inkastoo munasabadaa lugu gaaray 12 habeenimo ee saqdi dhexe ee xalay xiligaa oo Calanka la suray sida caadada aheed. Waxaana halkaa ka hadlay xubna kala duwan oo iskugu jira waxagaradka Puntland sida wayan looga qaadariyo, Culumaa,udiin, maamulka Dowlada, kuwaas oo dhamaan sheegayay muhiimada maalintaa leedahay . Munaasabadaa ayaa sidoo kale lugu soo bandhigay gabayo intabdan looga hadlayay halgankii Soomaaliya u soo gashay sidii ay uga xuroobi lahayd gumaystihii xiligaa waxaana intabadan gabayadu sikugu jireen fanaka nuucaydiisa kala duwan Goobta munaasabadaa ka socotay ayaa aad loo adkeeyaya amnigeeda waaxana haklkaa ugu horayan ka hadlay Wasiirka maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxuuna sheegay wasiirka in munaasabadaa ay tahay mid muhiimad wayan uga fadhiso umadda Soomaaliyeed . Wasiira Dowlaha ayaa sheegay in Puntland si wayan u xusayso maalmahaa xasuuta mudan islamarkaana ay qayb ka tahay nmaalamaha xasuusta ku reebtay Shacabka soomaaliyeed meel kasta oo aay joogan. Munaasabada ayaa inta ay socotay waxaa qudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyiin kala duwan kuwaas oo dhamaan sheegay in ay ku farax san yihiin sida wax u socdaan loona baahan yahay in la sii xoojiyo dadaalka wadananimo ee puntland muujinayso. Ugu danbayntii markii la soo gaaray 12 habeenimo ee saqdi dhexe ayaa la suray calanka Soomaaliya oo markii ugu horaysay ay thay oo calan Soomaaliyeed ka babado dhul soomaaliyeed sanadii 1960 bishii luuliyo. RBC NEWS Xafiiska Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 1-da Luulyo Oo Si Weyn Maanta Looga Xusay Magaalada Gaalkacyo (Sawiro) Gaalkacyo (RBC Radio):- Maanta ayaa ah maalin aad ugu weyn shacabka Soomaaliyeed, waa maalintii ay gobolada Koonfureed ka xoroobeen Gumeystihii dalka qabsadey, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaa maanta oo kale sanad kastaa si weyn looga xusaa guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya munaasabado lagu weyneynayo maalintani qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ku asteysan maalin Soomaalidu ka xoroobeen gacantii gumeystaha shisheeyaha ahaa ee ku soo duulay gobolada dalka Soomaaliya. Gobolada uu ka dhisan yahay maamulka Puntland ayaa si isku mid ah maanta looga xusay munaasabada maalinta 1-da Luulyo, waxaana magaalooyinka sida weyn looga dabaal degay ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Dadweyne farabadan ayaa saaka barqadii isugu soo baxay fagaaraha xarunta dhexe ee xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dhigayey munaasabad qiima badan oo lagu xusayey 1-da Luulyo, waxaana ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Maxamuud Aaden Yuusuf (Muuro) oo ka mid ahaa Ururkii gobanima doonka Soomaaliyeed ee (SYL), Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Gudoomiyaha Jaamacadda PSU, haweenka Magaalada Gaalkacyo oo ku lebisan dharka xaafadaha Garsoor, Israac iyo Horumar, Dhalinyarada Isboortiga, iyo Dadweyne kale oo tira badan. Madaxweynaha Puntland Dr, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo khadka telfoonka kaga qeyb qaatay munaasabada ka dhaceysay magaalada Gaalkacyo ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray mas’uuliyiinta iyo shacabka Gobolka Mudug, isagoo Alle uga baryey in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo. Xafladani ayaa aheyd mid aad u balaaran, isla markaana socotay mudo saacado ah, waxaana hadalo qiima badan halkaasi ka soo jeediyey madaxdii ka qeyb gashay madasha munaasabadu ka dhacaysay ee xarunta dhexe ee xaafada Israac, waxaana ka mid ahaa Halgamaa Maxamuud Aaden Yuusuf (Muuro). Halgamaa Muuro ayaa si weyn oo faahfaahsan uga sheekeeyay taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray gobonima doonka Soomaaliya isaga oo sheegay in ugu dambeyntii rag dhalinyaro Soomaali ah ay naftooda iyo maalkoodaba u hureen in ay ka xoreeyaan dalkooda Gumeystaha ku soo duulay. Khudbad qoraal ah oo uu soo diyaariyey Halgamaa Maxamuud Muuro ayuu u wakiishay in uu madasha ka akhriyo Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Proff, Maxamed Jaamac Salaad oo ka mid ahaa ka qeyb galayaashii barnaamijkan lagu maamuusayey 1-da Luulyo helitaanka xornimadii gobolada koonfureed iyo midowgii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur Soomaaliya. Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Mudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa si weyn u soo dhaweeyay xuska munaasabada maalinta 1-da Luulyo, waxayna sheegeen in ay farxad u tahay in si nabad gelyo ah ay ku xusaan munaasabada maanta. Gaba gabadii munaasabada ayaa Madaxdii ka qeyb gashay xaflada iyo dadweynihiiba waxaa ay u dareereen dhinaca magaalada, iyaga oo socod dheer ku maray wadooyinka magaalada Gaalkacyo, ugu dambeyna tagey xarunta maamulka Gobolka Mudug. Waxaana gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo ay ka dhacdo ciyaar xiisa badan oo lagu maamuusayo 1-da Luulyo, ciyaartaasi oo dhex mari doonta xulalka kubada cagta ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso. RBC Radio Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 The Great Patriotic Galkacayo March Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 Great Patriotic Speeches By Puntland Traditional Clan Elders Can be heard below!!!! Islan Cisse Islan Maxamed Garaad Ali Ciid Boqor Abdullahi Ahmed Ali The Abwaans Of Puntland 1st July Gabays can be here below. Abwaan Jamac Kadiye Abwaan C/llahi Cawad Cawdgale Abwaanad Xalima Abdi Warsame Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 Ciyaartoyda Gaalkacyo & Boosaaso (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciyaar xiisa badan oo lagu maamuusayo munaasabada 1-da Luulyo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacdey Garoonka kubada cagta ee Cadood Stadium Gaalkacyo. Ciyaartani ayaa daawashadeeda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Halgamaa Maxamuud Aadan Yuusuf (Muuro) oo xubin ka ahaa Ururkii gobanima doonka Soomaaliyeed ee (SYL), Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad, Agaasimaha xarunta caafimaadka GMC Dr, C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacadde), Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudug Mustafe, iyo marti sharaf kale oo u soo daawasho tagey ciyaarta. Ciyaartani lagu xusayey munaasabada 1-da Luulyo ayaa waxaa isaga hor yimid labada xul ee ka kala socday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana labada koox la kala yiraahdaa Kooxda Comsed oo ka soo jeeda gobolka Mudug iyo Kooxda Iftin oo ka timid gobolka Bari. Ciyaarta oo ahayd mid saaxiibtinimo ah ayaa waxay lahayd xiiso gooni ah oo soo jiitay dhamaan ka soo qeyb galayaashii ciyaarta ka daawanayey Garoonka kubada cagta ee Cadood Stadium. Labada kooxood ayaa ciyaartoodii waxay ku soo dhameeyeen 3-2, waxayna halkaasi guusha ciyaartu ku raacday xulka kubada cagta ee Comsed oo ka mid ah naadiyada ama kooxaha kubada cagta ee heerka koowaad ee ka ciyaara gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Markii ay soo idlaatey ciyaarta ayaa waxaa kooxda kubada cagta ee Comsed la gudoonsiiyey koob aad u qurux badan, waxaana Halagamaa sare Maxamuud Muuro uu kabtanka kooxda Comsed C/risaaq Suufi gudoonsiiyey koobkii loogu talo galay in la siiyo labada kooxood hadba tii reysa, halkaasi oo ay dabaal deg ku sameeyeen kooxdii hanatay koobka kubada cagta ee lagu maamuusayey munaasabada 1-da Luulyo. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 JUURILE:-1da july oo laga xusay degamda waaciye iyo gobolada dalka somaliya qaarkood Manaasibada 1 Luuliyo oo ah Markii ay Xoriyada qaateen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta ayaa Maanta laga Xusay qaybo ka mida Gobolada Dalka Soomaaliya.Waxaan manta munaasabad aad loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada Bulshada waxay ka dhacday Degmada Waaciye waxaana ka dhex muuqday Ururka Daryeelka Carururta Puntand ee Punco oo ahaa ururkii hogaaminayey manaasabada waxaana khudbad ka soo jeediyey manaasabada Gudoomiya Bood-ka E e Ururka Punco Max,ud C/laahi Sheekeye oo ka waramay Maalinta 1July sidoo kale waxaa asugana aan ka maqnayn Ururka Horumarinta Danaha Hawenka ee Wido waxaana dalo ka jeediyey ku aadan manaasabada Gudoomiyaha Ururka Wido Murwo Khadra Max,ed Ciiraale waxaa sidoo kale lagu soo dhoweyey Gudoomiyaha Degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan oo tahniyad iyo hambalyo u direy Shacabka Soomaaliya gudaha iyo dibada jooga uguna Hambalyey maalintii xoriyada qaatay Dalka Somaliya iyo israaca waqooyi iyo koonfur dalka somaliya ayaan dhamaan umada soomaliyeed u hambalyeynayaa maalintaas . Markii la fiiriyo Gobolada Puntland ayaa waxaa ka dhacday Munaasibado lagu waynaynayo 50 guuradii ka soo wareegtay Maalintii ay Xoriyadda qaateen Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya islamarkana ay la Midoobeen Gololada Waqooyi iyo koonfur ee Dalka Soomaaliya. Magaalooyinka Waa weyn ayaa Xalay ilaa iyo saakay waxaa ka Socday dabaal degyada si weyn loogu weeyneeynayo Munaasabada 1 Luuliyo oo ah Maalin ku wayn Shacabka Soomaaliyeed,waxaana Maanta Munaasabadahaasi qaar ka hadlay qaar ka mida Mus,uuliyiinta Puntland waxana ay diirada kuwada saareen qudbooyinkooda Munaasabada 1 Luuliyo. magaalooyin badan oo ka tirsan dalka somaliaya ayaa waxaa ka dhacday Xaflado si weyn looga Xusay Manaasabada 1 luuliyo oo ah markii ay ka xoroobeen umada soomaaliyeed gumaysigii talyaniga iyo ingiriiskii iyo israacii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfuta waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweeyne aad u farabadan kuwaasi oo watay Borar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo. Munaasabadahaan ka dhacday qaybo badan oo ka mida dalka Soomaaliya ayaa waxaa inta badan lagu soo Bandhigay qaybaha kale duwan ee muujinaya wax yaabihii lagu Xasuusan jiray Munaasabada 1 luuliyo gaar ahaan Xisbigii SYL ka tur jumayay munaasabada markii la raacdeeyay gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingariiska iyo israaci laba Gobol ee wadanka Soomaaliya. Inkastoo Munaasabadahaan si weyn looga Xusay qaybo ka mida dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa jira in ay munaasabadaan ku soo beegantay xili aad u adag islamarkaana ay qaar ka mida gobolada dalka ay ka jiran dagaalo ay dad rayid ah ku dhimanayaan kaasi oo u dheexeya dhinacyada Siyaasada dalka Soomaaliya isku haya. Isku soo wada duuboo Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Xoriyada qaatay sanadkii 1960 bishii June oo ay ka Xoroobeen gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska ku waasi oo gumaysi ba’an ku hayay shacabka Soomaaliyeed taasi oo dhalisay in ay aas aasman 13 kii SYL oo ahaa dhalinyaradii dalka Soomaaliya Xoriyada u soo hooyay. sahal muuse deg/waaciye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 2, 2010 Bossaso Peace Caravan Bus that participated in the 1st of july parade. Quote Share this post Link to post Share on other sites