Sign in to follow this  
General Duke

Qaynyare is a man out of his depth...

Recommended Posts

Qanyare oo sheegay in aan isbahaysigu dagaalka joojin doonin

 

20040211135832qanyare203.jpgQanyare

 

Wasiirka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Qanyare Afrax, oo ka mid ah xubnaha Isbahaysiga aan hoggaamiyaha lahayn ee la dagaallanka argagixsada, ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan ilaa ay dalka ka sifeynayaan waxa uu ugu yeeray xubnaha alqaacida.

Waxaan u dagaallameynaa, ayuu yiri Qanyare, in aan laamaha alqaacida ka nadiifinno waddankeenna, dagaalkana waan sii wadi doonnaa.

 

Markii la weydiiyay sida uu ku garan karo qofka alqaacida ah maaddaama uu Soomaali la dagaallamayo, Maxamed Qanyare waxaa uu ku jawaabay su'aal kale.

 

Waxaa uu yiri: Yey ahaayeen kuwa burburiya meesha aad joogto {London}? Ururkee ka tirsanaayeen kuwa dadka rayidka ah dilayay ee tareennada London qarxinayay, xaggee ka yimaadeen?

 

Waxay idiinkugu yimaadeen soo galooti ahaan ka dibna waxay billaabeen in ay idin dilaan.

 

Qorshaha al Qaacida ayaa sidaas ah waxayna u dan leedahay in ay dal kasta xaqirto.

 

Markaa waa in kooxda al Qaacida aan ka cirib tirno dalkan, ayuu raaciyay Qanyare.

 

Maxaa isbahaysigiinnu doonaayaa si looga helo in uu joojiyo dagaalka iyo dilka dadka rayidka ah ayay ahayd su'aasha kale ee la weydiiyay, Maxamed Qanyare, wuxuuna ku jawaabay:

 

Waxaan rabnaa in kooxda al Qaacidada ah ay keenaan dadka dambiilayaasha ah ee ay hayaan.

 

Waxaad ogtahay, ayuu yiri, in la qarxiyay safaaraddii Mareykanka ee Kenya, dayaarad ay Israa'iil leedahay, Hoteelka Paradise ee Mombaasa, safaaradda Mareykanka ee Dar es Salam.

 

Weriyaha ayaa markaa ka dhex galay oo yiri Arrimahaas midkoodna kama dhicin Soomaaliya. Marka maxaad ula dagaallamaysaan dadka Soomaaliya jooga si xal loogu helo dhibaatooyin ka dhacay Kenya?

 

Ma ahan cadow Mareykan oo keliya ee waa cadowga qof kasta. Adiga laftaada waa kuu cadow.

 

Dembiilayaashaasi, ayuu ku daray Qanyare, dalkan Soomaaliya ayay joogaan, dad ayaa ilaalinaya.

 

Beesha caalamka ama duqeyda Soomaaliyeed ma keeni karaan wada xaajood gacan ka geysta sidii nabad lagu gaari lahaa mar la weydiiyay Qanyare wuxuu yiri:

 

Yaad la xaajooneysaa?

 

Ma waxaad la xaajoon kartaa dembiilayaasha halkan jooga.

 

Haddii dooddaadu ay tahay dad Mareykan ah ayay qarxiyeen ee Soomaali may qarxin, waxaan kuu sheegayaa in caalamka oo dhami uu iska kaashanayo in sharciga la soo hortaago dembiilayaasha.

 

Sababta aan ula dagaallameyno dadka al Qaacidada ahna waa sababtaas.

 

Qanyare waxaa uu beeniyey in Mareykanku taageero Isbahaysiga uu isagu xubinta ka yahay, wuxuuna ku tilmaamay in ay arrintaasi ay tahay borobagaanda.

 

Xaggeed hubka iyo lacagta ka heshaan markii la weydiiyay Maxamed Qanyare waxaa uu yiri hubka iyo lacagta awalba waan heysannay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this