Sign in to follow this  
NASSIR

Somalia Could Blast like the Storage area of Explosives

Recommended Posts

NASSIR   

Tranlated from an Italian Mag. Polveriera Somalia

 

Khatar dagaal oo Qarbiga ku lug yeelan karo

SOOMAALIYA OO U QARXAN KARTA SIDA GOOBAHA

LAGU KEEYDIYO BAARUUDDA

By Luciano Scalettari

 

Dagaalka u dhexeeya Dowladda fadhigeedu yahay Baydhabo iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, oo ay Itoobiya, Ereteriya iyo waddamo kale gacanta kula jiraan wuxuu dab ka hurin karaa gobolka oo dhan iyo degaanno kale.

 

Hadda ka hor khatarta waxa ay ku koobneyd dagaal sokeeye oo Soomaaliyeed oo dib u qarxa. Markan marxaladdu way ka duwan tahay: wuxuu isu beddeli karaa dagaal goboleed, ama aag saddexaad oo ay isaga horyimaadaan Qarbiga iyo kooxaha Islaamiga ah, marka laga tago Ciraaq iyo Afqaanistan.

Maalinba maalinta ka dambaysa marxaladaha siyaasadeed iyo milatari ee Soomaaliya ka jiraa way sii adkaanayaan. Labo bilood ka hor iska horimaadku wuxuu u dhexeeyey Dawladda ku meel gaarka ah ee rasmiga (ee hoggamiyo Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed ee ka dhalatey Shirweynihii Nabadda ee labo sano ka hor lagu qabtey Nairoobi) iyo Maxaakiimta Islaamiga oo bilihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay Muqdisho. Maanta marxaladdu aad bay isu beddeshey.

 

Marka hore labada dhinac waxa ay u “xuubsiibteen”: Xukuumadda iyo Baarlamaanka kmg ah oo u qaybsan koox doonaysa in heshiis lala galo Maxaakiimta iyo kooxda kale oo qiyaaseysa in ay adagtay sidii looga fursan lahaa dagaal. Dhinaca kale, kooxda mayalka adag ee xag-jirayaasha muslimiinta – oo ay ka mid yihin rag xiriir dhow la leh argagixisada caalamka iyo Al Qaacida – Kooxda mayalka adagi waxay awoodda kala wareegtey kooxda qunyar socodka ah.

 

Waxaa intaas dheer, in madaxda Maxaakiimtu ay u eg yihiin kuwo ku dhaqmaya istaraatejiyo isu dheell tiran. Taas oo ah dhinacna waxa ay soo saaraan bayaanno dabacsan oo loogu talo galey Beesha Caalamka laguna taageerayo wada-hadalka. Dhinaca kale waxa ay ku hawlan yihiin dhul ballaarsi aan kala har laheeyn kuna salaysan weerar milatari oo ay si isdaba joog ah ay kula wareegayaan degaanno konfurta Soomaaliya ah oo leh ahmiyad istarateejiyadeed.

 

Khatarta waxa ay ka socotaa dibedda

 

Hasa yeshee, khatarta dhabta ah ee hurin karta dagaalka ma aha mid salka ku haysa is-beddelkaan gudaha Soomaaliya. Waxa ay ka socotaa dibedda oo ay xaqiiqaddeeduna sii caddaneyso.

 

Haddii la eego caambaareeynta ay labada dhinac isweeydaarsanayaan, Itoobiya waxa ay Dawladda kmg ah si joogta ah ugu daabuleeysaa hub, qalab, ciidaan iyo taageero kala duwan (Maxaakiimta waxa ay gaareen heer in ay ku tilmaamaan tiro 35.000 nin oo ciidamada Itoobiya ahi in ay ku sugan Soomaaliya iyo 500 oo ah gawaarida qafilan). Ereteriya waxa ay caawisaa Maxkamadaha Islaamiga ah: wararka laga helayo Muqdisho waxa ay tibaaxayaan in ay si isdaba joog ah isaga gooshaan garoonka diyaaradaha Fujeeyra (Imaaradka Carabta) iyo Muqdisho diyaaradaha xamuulka qaada ee Antonov. Kuwaas oo caasimadda Ereteriya ka soo daadgureeya hub milatari iyo tababarayaal ciidaan. Waxaa kale oo sii dheer in ay Muqdisho ku sii qulqulayaan dagaal yahaniin iyo tababarayaal u dhashay dalalka Afganistaan, Bakistaan, Iiraan. Dalkan dambe, waxa uu danaynayaa khayraad ka mid ah kuwa ay Soomaaliya qaniga ku tahay sida yuraaniyamka. Sida la soo tabiyey saddex jeer bay khubaro ka socota Iiraan kormeer ku tageen Soomaaliya. Kuwaas oo ay ujeedadoodu ahayd in ay heshiis la galaan Maxaakiimta kuna gurtaan yuraaniyamka laga helo gobboladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Isku soo wada duuboo, durbaanadda dagaalkan intiisa badan waxaa laga tumayaa goobo ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.

 

Ifafaalaha soo shaac baxaya waxa ay noqon karaan kuwa mucjiso xambaarsan. Kenya waxa ay kordhisey cidanka u fadhiya soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya oo dhan. Taas oo ay sabab u tahay cabsida ay qabaan in ay ku soo xadgudbaan maliishiyada Maxaakiimta, khaasatan ka dib markii ay Maxaakiimta Islaamiga ahi la wareegeen gacan ku haynta magaalada istarateejiga ah ee Kismaayo. Kismaayo waa magaalo daked leh kuna taal meel aad ugu dhow soohdinta Kenya. Tallaabo tan la mid ah waxa ku dhaqaaqeey Maamul Goboleedka Puntland, oo ka taliya dhulka baaxadda weyn ee Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo illaa iyo haddeer xasilloon, horeyna aanay saameyn ugu yeelan xasillooni darrada ka aloosan koonfurta waddankan Afrikaanka ah.

 

Xasillooni darradani waa ay fideysaa. Waxa ay saameyn ku yeelatey Jabuuti, waddanka yar oo ku yaal Badda Cas una dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.;Waxa ay saamayn ku yeelatey koonfurta Itoobiya. Halkaas oo ay mucaaradka qowmiyadda Oromo – oo ku kacsan Dawladda Itoobiya – uu gacan saar la sameysatey Maxaakimta. Waxa ay walwal ku haysaa Somaliland; waa gobolka ay Ingiriisku ka talin jireen. Waxa halkaas ka socda abaabul ay hormuud ka yihiin kooxo Muslimiin mayal adag ah oo doonaya in ay la jaan qaadaan ilma adeeradooda Muqdisho.

 

Baaxadda uu walwalkani la eg yahay wuxuu sababey in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliland – oo ah gobol oo sannadahaan dambe sameeystey maamul iskiis u taagan uu dhowaan booqasho ku tago Addis Ababa, kana codsado taageero iyo in uu si aad qarsoodi u ah ula kulmo Madaweynaha Dawladda Soomaaliyeed Cabdullahi Yusuf.

 

Isku soo wada xooriyoo, qolooyin badan ayaa hurinaya dabkan, oo si ay halisi ku dheehan tahay ku ugu siqaya goobta ay baarruuddu taal (waxaa laga wadaa Soomaaliya). Dilkii loo geystey Soora Leonella Sgorbati iyo sawir qaadihii Sweden, iyo falkii dhicisoobeey usbuucyadii la soo dhaafey ee la doonayey in lagu dilo Madaxweynuhu waxa ay muujinayaan in iska horimaadku uu sare u kacey: laba nin oo sarnaa gaari baaruud ka buxdo baa is-miidaamiyey ayagoo doonayey in ay dilaan Cabdullahi Yusuf. Arrintaan waamid aan hore uga dhicin Soomaaliya.

 

Waxaa la yaab leh in aanu joogsan wada hadalka tooska ah ee u dhexeeya Dowladda iyo Maxaakiimta, inkastoo ay dhacayaan falalkaan. Laba jeer bay illaa hadda ku kulmeen Khartuum, waddanka Suudaan, wada hadalkuna wuu socdaa: labada dhinac waxa ay caddeeyeen in 30 Oktoobar ay ka qayb geli doonaan wareegga saddexaad ee wada haddalada.

 

Taa awgeed, inta ay nabaddu jirto bay rajaduna taagan tahay. “Illaa iyo haddeer af ka hadalku isuma beddelin gacan ka hadal”, buu yiri Mudane Mario Raffaelli, Ergeyga Gaarka ah ee Dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya. “Waxaan u arkaa arrin wanaagsan, waayo waxa ay ila tahay in labada dhinac aanay si dhab ah u dooneeyn dagaal. Ama waxa la dhihi karaa ma wada doonayaan dagaal. Waxaa jira xoogaag culays saaraya in heshiis la gaaro. Kuwaas oo ogsoon in uu dagaalka ku dhammaan karo dhiig badan oo daata”. “Dhowaan waxaan booqday fariisinka Dawladda ee Baydhabo iyo madaxda Maxaakiimta ee Muqdisho” ayuu raaciyey Raffaelli. “Waxaan aaminsanahay in ay jirto fursad lagu heshiin karo. Shirka soo socda ee Khartuum waxaa looga wada hadli doonaa sidii loo dejin lahaa qorshe wada jir ah oo ku aaddan amniga Dalka. Taasi waa sidii ay Maleeshyada Maxaakiimtu ugu biiri lahaayeen Ciidamadda Xoogga Dalka, iyo sidii Dawladda loogu soo dari lahaa madaxda Maxaakiimta. Beesha Caalamku waxa ay ku adkeeysan doontaa sidii loo joojin lahaa fara gelinta ay wadaan waddamada u dhow Soomaaliya. Waa qodobbo xasaasi ah, horeyna loogu qaadi karo tallaabo lagu baajin karo dagaalka”.

 

Hasa yeeshee, usbuucyada la soo dhaafeey, bayaanadda ka soo yeeraya labada dhinac waay sii kululaanayaan. Madaxa Maxaakiimta Sheekh Shariif Axmed – oo lagu tiriyo qun-yar-socod – wuxuu iclaamiyey Jihaad ka dhan ah “ciidamadda Itoobiya oo soo weerarey, lana wareegey qeeybo ka mid gayyiga Soomaaliyeed”.

 

Harka Taalibaanka

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, maalmihii la soo dhaafey wuxuu si cad ugu eedeeyey Maxaakiimta in ay ka shidaal qaataan Taalibaanka iyo in ay la joogaan argagixiso ajnabi ah aad u fara badan. Gaar ahaan wuxuu Maxaakiimtu ku eedeeyey shirqoolkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsadey Baydhabo.

 

“Waa sidaas. Baaritaanka falkaas ka dambeeyey wuxuu si cad u muujiyey in shirqoolkan lagu soo abaabuley Muqdisho” waa sida uu noo xaqiijiyey Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari, Ergeyga gaarka ah ee Dawladda Soomaaliyeed u qaabilsan Midowga Yurub. “Waxaan innaba muran ku jirin in ay Maxaakiimtu jabiyeen ballan qaadkii dhigayey in labada dhinac midna aanu dagaal qaadin: qabsashada Kismaayo waa arrin aad halis u ah. Waana habdhaqan aan xilkas ahayn in dhanna nabadda la hadal hayo, dhinaca kalena lagu dhaqaaqo ficillo dhul ballaarsi milatari ah. Ummadda Soomaaliyeed si aad iyo aad u ba’an bay ugu dhibtootey dagaalka sookeeye ee 15 sano la soo dhaafeey ka socday dalka. Waxa ayna u baahan yihiin nabad iyo xasillooni. Inkastoo ay ku hadaaqaan Maxaakiimtu in ay doonyaan wanaagga, haddana waxa ay muujinayaan in ayan rabin wanaagga Ummadda Soomaaliyeed”.

 

“Waxaanu jeclaan lahayn in uu muuqalka nabadda ay la yimaadeen Khartuum uu dhab yahay” buu ku soo gabagabeeyey Ismaaciil hadalkiisa. “Hasa yeeshee waxaa muuqata in dhowr ka mid ah Madaxda Maxaakimtu ay doonayaan, ayagoo ka faa’ideeysanaya shabakadda caalamiga ee xag jirka, in ay la wareegaan dekedaha, garoonadda diyaaradaha, kheeyraadka dabiiciga iyo goobaha istarateejiga ah, iyo in ay waddanka ku beeraan xukun argagax ku saleeysan: bisha Barakaysan ee Ramadaan bay xabbad la dhaceen shacab aan hubeeysneyn oo ku mudaaharaadayey Kismaayo”.

 

Luciano Scalettari

Wargeyska Todobaadlaha ah ee

Famiglia Cristiana

 

Waxa maqaalka iyo tarjumaddiisaba noo soo diray

Yuusuf M. Ismaaciil

 

Nuqulka maqaalka asalka ah ee laga tarjumay qoraalkan oo af Talyaani ku qoran:

 

Polveriera Somalia (1)

Polveriera Somalia (2)

 

 

Credit to WardheerNews

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

"Baaxadda uu walwalkani la eg yahay wuxuu sababey in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliland – oo ah gobol oo sannadahaan dambe sameeystey maamul iskiis u taagan uu dhowaan booqasho ku tago Addis Ababa, kana codsado taageero iyo in uu si aad qarsoodi u ah ula kulmo Madaweynaha Dawladda Soomaaliyeed Cabdullahi Yusuf" Poveriera

 

 

Well-thought out argument about this issue.

 

Kulanka Dahsoon Dhexmarey

 

La iskuma hayo inuu jiro Siyaasad ama Heshiis Qarsoon oo lagu maamulaayey Goboladeenan muddo dheer. Heshiisyadaas qarsoon ee dhaxmarey labada Maamul ee Sland iyo Pland. Shicibka iyo Xisbiyada Mucaaradka midna waxba kama ogeyn. Fulinta heshisyadaas, hadba in yar oo dhaawac baa siyaasadooda gaadheeysay in muddo ah. Bacdamaa la aaminsanaa, shicibku uma fiirsan jirin wexey walaaqayaan illeen wax aan midho dhalineeyn baa loo sheegayey. Maantase, facsharkii ugu weyneyd baa soo baxdey. Waxa la ogaadey in labadan maamul aaney madax-banaaneyn. Labaduba ka amar qaata Dowladda Itoobiya. Diiwankana ugu qoran tahay magacyo qarsoon sida KIILKA 6 aad iyo 7 aad, oo ka tirsan Dowladda Federalka Itoobiya.

 

Ha iga hadho sheekadi raqiiska aheyd ee lagu maawelin jirey shicibka. Somaliya waanu ka go’ney, Etoobiyaa na icitiraaftey, Safiir Etoobiyaan ah baa Hargeysa fadhiya iwm.

 

Waata Shaadirkey huwanaayen laga xayuubiyey Bishii October 14, 06. Goorti Adis-ababa loogu yeedhey, bilaa shuruud baa sadax geesood la isu hor fadhiistey. Dowladdi isu-keentey oo meel ah, Mdne. Cabdullahi Yusuf Mweynaha Somaliya iyo Mdne. Cadullahi Maxamed Ducaale oo ah Wasirka Arimaha Dibada oo ka Wakiil ah Mdne. Daahir Riyaale. Madaxdaas baa la farey iney Ciidamada Sland iyo kuwa Pland ee degaanka Adhi-cadheeye isku hor fadhiya deg deg loo kala qaado (Dabcan awaamiirta Madaxda Sare waa loo hogaansami, ileen Kiilka 6 aad iyo kii 7 aad baanu nahay sida muuqata. Waxaanu dhowrnaa waa dhameystir, bilowgii hanaanka cusub).

 

Aloow, Adaa na abuurtey ceebteena noo astur. Ma tanaa noo dambeysey.

 

Arimahan soo kordhey; hadal heyn-teedu aad bey u badatay, labadii ruux ee meel wada taagan waxay is-weydinyaan su’aalahan. “Maxaa keeney in facsharkani dhaco xilligan xasaasiyaadka leh.” Maxaa loola jeeda in maanta miis la isugu keeno, weliba ciidamo laga wada hadlo. Iyadoo xasuusti qadhaadheyd ee dagaalki dhax marey oon reysan, taaso loo kaashadey wiil iyo abtigi oo la iska hor keeno. Raggi ku hoobtey, dumarkoodi oo gambadii cadeyd diifteedi weli hadhin. Toloow, danta khasabtey in si fudud daaha laga qaado sirta muddada dheer qarsooneyd oo fulinteeda loogu badheedhay maanta.

 

Mar labaad aan isweydiino, suura-gal ma tahay in si fudud loo qanciyo maatadan tabaaleysan ee rafaadkas dheer soo marey. Iyado lagu fahamsiiniyo iskashigan cusub inuu yahay mid lama-huraan ah. Cadow cusubi gondeheeda ka dhashey oo isku khasbey iney is-garabsadaan (waa Sland iyo Pland).

 

CAJIIB! RAGGANI GARASHO XUMAA. Akhristoow, bal adna is-weydi siduu u yiri ninkii jirey “MA’ ANAA WAALAN, MISE CADAN BAA LAGA HEESEYAA”.

 

Haddaan u noqdo su’aalahaas isku soo noq-noqoneya, iskuna dayo in aan saadaal ka dhiibto wararkaas dhiilada xambaarsan. Waxa yaqiin ah, in xasaasiyaad hor leh soo kordhey kana shidaal qaadanaya Kacdoonkaas saameyey GOBOLADA KONFURTA, lana xidhiidha Kacdoonka Islamiga ka curtey Xamar Waxa muuqata Kacdoonkaasi inuu saameyn weyn ku yeeshey Geopolitic-ga Aduunka, jaha-wareer weyn ku ridey Dowladihii Geeska Afrika siiba Itoobiya iyo Kenya ee deris nala ahaa.

 

Kacdoonkaani, muxuu saameyn ku yeelan kara SLand iyo PLand?

 

Jawaabtu: Waa waxba, haddi madax caadil ah oo danta Shicibkooda garaneysa jirto.

Hadaan sida kalena u dhigo: Anoo xiganaaya hadalkii ka soo yeedhey rag ku dhow-dhow Xukaamadda SLand. Sida Boqor Cusmaan Maxamuud Buur-madoow oo shir Jaraa-id ku Ic-laaminiyey in Jihaad la galo.

 

Gunaanad:

 

Guud ahaan qorshahan socda, wuxuu noogu muuqda in looga dan leeyahay sidii lagu joojin lahaa ifaalaha cusub ee soo koreysa, ugana imaanaya Beelaha dega Gobolada Togdheer iyo SSC oo mowqifkoodu ka duwanaadey Gobolada Sland iyo PLand. Maalinba maalinta ka dambeysa isu soo dhowaanaya si aan hore loo arki jirin; Isa soo dhowaashahani wuxu cabsi geliyey maamuladan fadhiidka ah, aan cadaadin mooye wax kale ogoon.

 

Qeybta Labaad, waxaanu kaga hadleynaa. SHICIBKA vs MAAMULADAN, iyamaa dalka wax u qabtey?

 

 

Wa Billahi Towfiiq,

 

Barkhad Ciise

 

 

Xaqsoor69@yahoo.com

 

Source: Dhahar Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Waxkastaba haddii dagaal maxkamadaha & Itoobiya qarxo shacabka soomaliya waxaa aay si hiil iyo hooba leh u garab istaagayaan maxaakiimta. Itoobiya xal uma hayso Somalia, Cabdullahi Yuusufna waa aay lugoysay waxaase iiga sii daran caqligiisa siiyey inuu weli itoobiya ka dhursugo. Geedi waa u dhamatay waa Amxaar, balse CY waxaa la yiraa waa nin dantiisa u galo ama u mara meel waliba balse this time I am afraid itoobiya ayaa ka ciideenaysa oo waxaa u dhaanta hal mar intuu diyaarad kore XAMAR ka dago. :D MAxkamaduhu maxay ku suubin lahaayeen oo kale? haddii aay u badato 20 karbaash oo la shaqayn cadow islaam ayeey ku dhufan lahaayeen deedna waxaay u ogolaan laheeyeen inuu inta ka dhiman madaxweynanimadiisa uu sii dhameysto inta uusan ku wareejin Aweys :D

 

Xagga kale the pressure is on for Ethipia Eriterea waxay qabsatay magaalo kale oo ahaa kuwii la isku hayshaystay, waxaayna xadka soo dhoobtay ciidan gaaraya illaa 10.000 oo askari. Waxaay kaloo remote-ka u haysaa ONLF, UICs, Oromada so all in all I hope and I pray that Ethiopia will soon open the gates of hell for it self.

 

Ha qaraxdo baan Illaah ka baryey, ciddii u daran tahay waaba la ogaani

Share this post


Link to post
Share on other sites

Camir thanks for forwarding that, it was a good read...

 

Taa awgeed, inta ay nabaddu jirto bay rajaduna taagan tahay.
“Illaa iyo haddeer af ka hadalku isuma beddelin gacan ka hadal”,
buu yiri Mudane Mario Raffaelli, Ergeyga Gaarka ah ee Dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya.
“Waxaan u arkaa arrin wanaagsan, waayo waxa ay ila tahay in labada dhinac aanay si dhab ah u dooneeyn dagaal. Ama waxa la dhihi karaa ma wada doonayaan dagaal. Waxaa jira xoogaag culays saaraya in heshiis la gaaro. Kuwaas oo ogsoon in uu dagaalka ku dhammaan karo dhiig badan oo daata”.
“Dhowaan waxaan booqday fariisinka Dawladda ee Baydhabo iyo madaxda Maxaakiimta ee Muqdisho” ayuu raaciyey Raffaelli. “Waxaan aaminsanahay in ay jirto fursad lagu heshiin karo. Shirka soo socda ee Khartuum waxaa looga wada hadli doonaa sidii loo dejin lahaa qorshe wada jir ah oo ku aaddan amniga Dalka. Taasi waa sidii ay Maleeshyada Maxaakiimtu ugu biiri lahaayeen Ciidamadda Xoogga Dalka, iyo sidii Dawladda loogu soo dari lahaa madaxda Maxaakiimta. Beesha Caalamku waxa ay ku adkeeysan doontaa sidii loo joojin lahaa fara gelinta ay wadaan waddamada u dhow Soomaaliya. Waa qodobbo xasaasi ah, horeyna loogu qaadi karo tallaabo lagu baajin karo dagaalka”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Allamagan, Isn't the courts org just like "Somaliland" and "Puntland", a grassroots movement? The U.N will recognize the ICU as a "building block" if it establishes state apparatuses

 

 

ICU should be part of the government and that is the main objective of both sides. They agree on the end to be a one nation under one flag, but they differ on the means to achieve it and ICU indeed recognizes TFG as its government, but some members with parochial attitude and clannish agenda try to create an image favorable to ICU in terms of legitimacy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this