Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 11, 2007 I lately started following waxa kasoo yeero, laga soo sheego, ka socdo deegaanka Bari. It is unbelievable. The corruption. The xadgudubta. The beenta. You can't just believe it anymore wax aad rumeysato kasoo yeero deegaankaas. The worse, however, waa wax aan loo dulqaadan karin, which is publishing counterfeit shilin Soomaali. Dad sheeganaayo 'authority' ayaaba mashiinkii lagu daabacaayi lacagta been abuurka keensaday meesha, oo si naxariis daro ahayn u daabaco each week. The whole shilin Soomaali is counterfeit post-civil war, laakiin awal at least every three or four years ayaa once la keeni jiray, those lagu soo daabaco in Indonesia, Thailand, South Korea or Malaysia. As sicir barar as they made those once four or three years, at least masaakiinta sanado ayee ka neefsan jireen, unlike the bold, naxariisdaradda maanta ka socoto Bari. It is a monthly thing now, heck even seems a weekly. Sicir barar [inflation] kaliya ma keenaan, ee waxee keenaan kalsooni la'aan ku dhacdo the already wretched shilin Soomaali, oo heer ganacsadihiina bilaabaan inayba aqbalin shilin Soomaali. It is xaasidnimo aan loo aaba yeelin. Read on. Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad-gobaleedka Puntland oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyo daabacaadda lacagaha Shillin Soomaaliga ee been abuurka Xildhibaan Salaad Barafuun, oo ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaan-gobaleedka Puntland, ayaa ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda ee Puntland, Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” inuu ka dambeeyo Lacagaha Shillin Soomaaliga ee been abuurka ee lagu daabacayo Puntland. Xildhibaanka, oo maanta ka hadlay furitaanka Barlamankaasi, ayaa sheegay inuu Wasiirka Maaliyadda ka mas’uul yahay qorshaha Makiinadaha lacagaha faalsadda daabaca lagu keenay Magaallooyinka Garowe iyo Bosaaso, waa sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Guddoomiyaha Barlamaan-gobaleedka Puntland,waxa uu maanta soo hor dhigay Golaha Wakiilladda mooshin la xiriira in tallaabo laga qaado Dowladda Puntland oo iyadu lagu tuhunsan yahay inay ka dambeyso Lacagaha been abiirka ee lagu daabaco gudaha Puntland, Lacagaha Shillin Soomaaliga ee sida xawliga ah loogu daabacayo Puntland, ayaa waxa uu abuuray sicir-barar xooggan, iyadoo qiimaha Boqolka Dollar lagu sarrifayo lacag dhan Laba Malyan oo Shillin. Dhinaca kale, Lacagaha Shillin Soomaaliga ee lagu daabaco Puntland, waxa uu sicir-barar xooggan ka dhaliyey Goballadda Dhexe, iyadoo Ganacsatadda iyo dadweynaha ka cabanayaan sicir-bararka ka dhashay Lacagaha sida xooggan loogu soo qufayo Wershadaha daabaca Lacagaha ee la keenay Goballadda Puntland. Dowladda Federalkka ee Somalia, waxa qeylo-dhaan ah ama tallaabo ah kama qaadin Lacagaha Shillin Soomaalifga ee been abuurka ee lagu soo daabaco Puntland, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia cambaareeyeen arrintaasi, iyagoo sheegay inay xadgudub ku tahay Axdi-qarameedka DFKMGS. Xigasho ---------------- Qiima dhimistii uu Cade Muuse ku dhawaaqay oo noqotay hal bacaad lagu lisay Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaa xili Go'an u qabtay in uu ahaan doono qiimaha sarifka Dollarka deegaanada puntland hal sicir, kaasi oo ay waxba ka soo naasacadaan waayeen hore ayuuna cade muuse qabtay wakhti kama danbaysa oo ay ku jaan gooyna doonaan sarifka lacagta qalaad kaasi oo qiimihiisa ay dawladu ku sheegtay 16 sh.so. ah Si kastaba waxba kama naasa cadaan hadalkii Cade Muuse waxaana loo qaatay ruwaayad uu madaxwaynuhu ku hamiyayo ama uu alifay taasi oo ku dhamaatay guul daro maadaama Go'aankiisii madaxwayne nimo uu noqtay mid ay waxba ka socon waayeen. Qiimaha sarifka Lacagta qalaad oo sii siqaya marba marka ka danbaysa ayaysan hadana jirin cid wax ka qabatay ilaa iyo xiligan dad badan oo dan yar ah ayaan awoodin in ay helaan waxyaabaha noloshooda muhiimka u ah maadaama aysan kaafin karin noloshooda. Qiimaha sarifka ayaa isu taagay laba milyan oo xiran waxaana hawada galay ama kor u kacay qiimihii lakala siisan jiray raashinka mana jirto ilaa iyo hada cid isku dayday in ay arimahaasi wax ka qabtaan dadbadan oo ku dhaqan deegaanda Puntland ayaa cabsi wayn ka muujinaya sicir bararkan iyaga oo sheegay in hadii ay sii socoto kor u kaca raashinak iyo dollarku ay puntland ahaan doonto meel laga kala hayaamo oo looga safro deegaano kale sida Somaliland oo uusan sarifka Dollarku ka kicin deegaanadaasi oo ay dawlada halkaasi ak jirtaa ay si wayn u xakamaysay qiima Go'ana ay u samaysa. Si kastaba Madaxwayne Cade Muuse ayaa ku fashilmay siyaasadii qiimaha sarifka dollarka waxaana loo aanaynayaa sare u akcaya ku yimdi in ay dawladu mas'uul ka tahay maadaama ay dawladu keentay dalka makiinadaha sameeya Lacagaha Falsada ah kuwasi oo si xawli ah u soo gala suuqyada puntland keenana sixir barar dhaqaale iyo mid bur burin ah xaga dalka. Samaynta lacagaha been abuurka ah ayaa ah kuwo ku badan Puntland waxaana lagu sameeyaan meelo badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Qardho, Camro, iyo Garoowe . Xaalka qoysas badan oo reer puntland ah ayay ku adkaan doontaa hadii uu sidan ku sii kaco qiimaha lakala siisto sarifka dollarka iyada oo aysan jirin xakamayn ka imaan kartaa dawlada uu madaxda ka yahay Cade Muuse oo u muuqda mid un u gaarsanaya dollarka oo kalaiya islamarkasina aysan u muuqan masuuliyad darada uu ku dhaqmayo iyo sida uu Madaxawynuhu u baabi'inayo dalkisa hadii ay dhacdo barakac wayn oo ku yimaada dadwayaha ayuu Cade Muuse ka gali doonaa dalkiisa baal mugdi ah isaga oo hada isku haysta hal il tii kalena ay sii dhacayso waxana uu ahaan doonaa madaxwaynihi ugu horeeyay oo dadkiisa bara kiciya una hayaamiya dallal kale. Xigasho --------------- Suuqa Boosaaso oo maanta albaabada loo laabay Ganacsada magaalada dekada ah ee Boosaaso ka ganacsada ayaa maanta waxee albaabada u laabeen ganacsigooda iyagoo ka cabanaya kor u kaca sida xawliga ah uu kor ugu kacayo qiimaha doolarku. [sNIP] Ganacsatan ayaa sheegay in ay aad u khasaareen tan iyo markii uu bilaabmay kor u kaca doolarku, waxayna sheegeen inay u buuxdo lacag badan oo Sh. So. ah, taasoo aad u qiimo dhacday, oo ay khasaaro ku tahay marka ay doolar u badalaan. Xigasho This is pure xaasidnimo iyo maxaa iga galay, by already men in fattened bellies trying to squeeze out the little shilin masaakiinta danyarta ah u hartay, haddeeba wax u hareen. Waxaas ayaa maamul sheeganaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted July 11, 2007 ^True true true, this bafoon have to be dealt with, he knows for sure that he's going in few months time and takes advantage as most as he can, It's getting far too worse and the sort of Daabacaad business is affecting Puntland more so than the rest of Somalia, suuqa Boosaaso waaba la xiray and for almost a week shaqo kama socon, sicir bararki cirkuu tagay, tuugo iyo xaaraan kunaaxyaal haday madax kuu noqdaan waxaan ayaa dhacayso, ninkaan waa lagu qaldamay beentiisi hore ayaa run loo mooday iyo iyadoo la islahaa waa nin Qurbo soo joogay muddo horayna reer Koonfu iskaga ahaa oo wuu dhib yaraan doonaa maamulki hore laakiin dib danbaaan loogu noqon doonin insha'alaah wax uharaaba iska yar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 11, 2007 WELCOME TO AFRCA .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 11, 2007 Puntland niman muddo qatanaa bay gacanta u gashay...mardhow bay fulayaane xoogaa ha loo kaadsho. The sad thing though is markay iyagu wabxaan, kuwa hor leh oo qatan oo car-cartoodi qabaa baa qabsan doonna! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 23, 2007 Puntland On Life Support: Part II Just when you would have thought that things could not get any worse in Puntland with the well documented corruption and human rights abuses, including the Robert Mugabe style burning down of a sprawling shanty town at the outskirts of Bosaso city—where more than two hundred and fifty homes were destroyed—Cadde Muse seems to be going off the deep end. Cadde’s time in power is becoming increasingly costly for the hardworking, law abiding people of Puntland. He is actively subverting the rule of law to which he was sworn to uphold. For starters, he is seeking to summarily dismiss both the City Council and Mayor of Bosaso city for the bogus offenses of failing to tow the line. And it gets worse by the day. Cadde's administration is undertaking schemes so unimaginable and alarming, that even the most hardened felons would probably hesitate to act upon them. It has to do with his lunatic plot to sell off Somalia’s famed, but fragile, coral reefs eco-system (that supports diverse marine life) at the Gulf Aden coast, piece by piece, to be shipped abroad by the shiploads to foreign buyers . He either does not understand the consequences of the long term ecological disaster resulting from his catastrophic sale of one of Somalia’s key intrinsic natural resources, a resource that took untold thousands of years to form, or he is unfazed by his fixation with the enormous perils attendant to his penchant for absolute rule. Either way, Cadde’s corrosive activities represent a clear and present danger to every Somali man, woman and child for abusing the power that was entrusted in him by the people of Puntland. Unfortunately, his aggressive and often illegal policies are destroying the goodwill among the partners of the regional administration, hastening the dissolution of the partnership. As of today, he has attempted to arrest the Speaker of the Parliament for calling for an audit of the government’s finances and for not accepting an illegal decree. The Speaker is at the present time free, thanks to forces loyal to the constitution and beholden to Cadde Muse or his rubber stamp courts. One would think that such diligence on the part of the Speaker would be welcomed by the Chief Executive, especially at a time when revenues are going up in double digits while government employees are unpaid for months at a time. But in Cadde Muse’s Puntland, you would be mistaken. Why would opening the books provoke such a visceral reaction? Perhaps the prospect of finding embarrassing financial discrepancies is a strong motivation — that is if books were kept in the first place. Reasonable people will agree that Puntland today is a hypocrisy, not a democracy; therefore, waiting over a year or so for elections is an exercise in futility and a costly one at that. Puntland can not and should not be allowed any more to be run like a personal flea market. By now, even the most ardent supporters of the present administration, whose motto has been, Ilaahow Cadde Muse Xoolo sii aan ka xoogsannee, must come to terms with the dire and desperate conditions their fellow Puntlanders are burdened with and muster the courage to take the drastic measures this situation calls for. Puntland is on life support—whether or not Puntlanders are able, or willing to resuscitate it remains to be seen. Stay tuned. Onkod Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 19, 2007 There is something seasonally that goes in Bari as well. It is a new, iska indhatirid xasuuq and its season already has started. Sadly, it is so familiar these days. Each season it starts in late Agoosto or early Siteember. It is xasuuq because the authorities who claim to rule there give it a blind eye, so corrupted in bed with those who are doing these xasuuqs, so ruthless that they routinely badda ku daadiyo masakiinta ummadda Soomaaliyeed -- women, elders and children included -- oo rafaad iyo qaxar meela kale ugu soo qaxay dalka, desperate for a new life. Liibiya, with a lot more vast shore land to patrol, Soomaalinimana meelba iskugu jirin, tries hard to prevent these kind of incidents happening in their country and prosecutes their gangs. Imagine kuwii Soomaalinimadii sheeganaaye waxaas ku dhaqmaayo season in, season out. -------------- Maydadkii Tahriibayaal Soomaali ah oo laga daadiyey dooni ka soo qaaday Dekedda Bosaaso oo laga helay Gacambiyoodka Baabulmandab ee dalka Yeman Sagaal qof oo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku geeriyootay, 48-kalena waa la soo badbaadiyey, kadib, markii lagu daadiyey Gacan-biyoodka Cadan ee dalka Yeman. Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yeman, ayaa waxay maydadkii sagaal qof oo Soomaali ah ka heleen Xeebta Baabul-mandabka ee Xeebaha dalka Yeman, kadib, markii ay ******** inay dooni waday Tahriibayaal Soomaali ah oo ka yimid Xeebaha Goballadda Puntland si khasab ah loogu daadiyey halkaasi. Wakaaalladda Wararka ee dalka Yeman ee SABA, oo aynu warkan ka soo xiganay, ayaa waxay sheegtay in maydadka laga helay Xeebta ay kala ahaayeen 8-qof oo dumar ah iyo hal nin, kuwaasi oo ay Ciiddamaddu ku aaseen meel aan ka fogeyn Xeebta. Mas’uul u hadlay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yeman ee ka hawl-gala Gacan-biyoodka Cadan, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay gurmad u fidiyeen, soona badbaadiyeen 48-qof oo Tahriibayaal Soomaali ah, kadib, markii ay qeylo-dhaan taageero weydiisteen iyagoo ku hafan raba badda. Dhinaca kale, Tahriibayaasha la soo badbaadiyey ayaa waxaa lagu wareejiyey Hay’adaha Ammaanka, kuwaasi oo u sii gudbiyey Xeradda Qaxootiga ee Degmadda Kharas ee Gobalka Lahaj. Toddobaadkii hore, in ka badan 56-qof oo isugu jirta Soomaali iyo Ethiopian ayaa ku geeriyootay Xeebaha dalka Yeman, kadib, markii so xoog leh doonyihii ay ula socdeen looga daadiyey, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah maydadka lagu shubay aashito, halka kuwa kalena baangado lagu dilay. Xigasho [With sawirka meydadka.] Quote Share this post Link to post Share on other sites