Sign in to follow this  
General Duke

Somali Ambassador to Russia on a visit to Finland..PICS

Recommended Posts

Danjiraha Soomaaliya ee Raashiya, oo safar ku jooga Finland.

 

Waxaa baryahan safar shaqo ah ku soo Gaaray Dalkan Finland Danjiraha Soomaaliya Ufadhiya Dalka Raashiya Caasimadiisa Mosko Maxamed Maxamud (Handule).

 

Safiirka howlaha ugu muhimsan ee uu dalka Finland u yimid waxaa ka mid ahaa sidii ay dowlada Finland iyo shacabka Soomaliyeed ee ku nool dalkan Finland sidii ay u taageeri lahaayeen in Soomaliya lagu soo dabaalo nabad waarta. Waxaa kaloo Safiirka uu dowlada Finland uu kala hadlay sidii xiriirkii hore ee wanaagsanaa dib loogu soo celin lahaa loona bilaabi laha mashruucyadii qiimaha badnaa ee dowlada Finland ay ku caawin jirtay shacabka Soomaliyeed sida Mashruuci Tiibida iyo dhisidii xooga korontada ee Magaalooyinka Kismaanyo iyo Baydhabo.

 

Safiirku wuxuu kaloo la kulamay madaxda dalka ugu saraysa sida xafiiska Madaxweynaha dalka Finland iyo barlamaan dalka iyo wasaarada Arimaha dibada, waxaa kaloo safiirku uu la kulmay safiirada wadamada Maraykanka Talyaaniga Konfur afrika iyo hayada CRD ee Madaxweynihii hore ee dalka Finland Marti Ahtisaari ee xafiiskiisa Helsinki.

 

Safiirka waxaa si diiran Finland ugu soo dhoweeyay dadka soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland Qaybaheeda kala duwan sababtoo ah dadka soomaaliyeed waxay aad uwada garanayaan Danjirahan Cusub ee dalka ruushka umatala Dawlada Soomaaliyeed waxay kaloo aaminsan yihiin inuu safiirka aaminsanyahay soomaalinimo dhab ah uuna dadka soomaliyeed ugu shaqeeyo si daacad ah kuna dheehan wadaninimo.

 

Dowlada Finland waxay safiirka u balan qaaday inay udirayaan wafdi xildhiibano ah oo u soo kuur gala xaalada dalka soomaliya. Waxaa kaloo dowladu ay u balan qaaday in xiriir diblomaasiyaydeed dib loo soo celinayo iyo in ummada soomaliyeed ee ku nool dalka finland lagu taageero inay dalkooda wax u qabtaan kana qayab galaan Shirka dibuheshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, Dowlada Finland waxay kaloo balan qaaday inay tageerayso shirka dib u heshiisiinta ayadoo dhaqaalaha umarindoonta IGAD .

 

Safiirka wuxuu kaloo booqday bandhig buugaagta Afka Soomaliga iyo suugaanta oo ay soo bandhigeen abwaano soomaliyeed ay ku qaban qaabiyeen magaalada Helslinki ee dalka Finalnd waxaana isku soo dubarida oo sanadwalba soo qaban qaabiya Scansom publisher Mohamed Sheikh Hassan, Bashir Osam, Khalid Ali Gul

 

Safiirku wuxuu u mahadceliyay abwaanada iyo qorayaasha sida ay afka hooyo iyo dhaqankii soomaliyeed ugu hawal galeen, waxaa kaloo uu safiirku umahad celiyay masuuliyiintii magaalada Helsinki oo suurtagalisay inuu qabsoomo Carwadani lagu soo bandhigayay Qoraalka Afka Hooyo iyo waliba Suugaanta Soomaaliyeed waxaa kaloo safiirka uu dadka soomalyeed ku guubabiyay inay dhaqankooda iyo Afkooda hooyo aysan ka tagin Ubadkoodana baraan si ay mustaqbalka u anfacaan Dalkoodiy Hooyo

 

Wixii warbixindheeraad ah kalo soo xiriir Ali Qassim aliequal@yahoo.co.uk

 

Radiowarsan / Helsinki

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiiro ilaa 35 gaaraya oo dhowaan la hor keenayo Golaha Wasiirrada

 

Waayaha.net

 

Warar ku dhowdhow xafiiska Ra'iisal wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed Cali Max'ed Geeddi ayaa sheegaya in maalmaha Arbacada ama KHamiista fooda inagu soo haya golaha wasiirrada la hor keeni doono Dane-jirayaal tiradooda lagu sheegay ilaa 35Dane-jire oo dowladda FKMG Soomaaliyeed wakiilo uga noqon doona dowlado kala duwan oo qaaradaha dunida ku kala yaala.

 

Sida warka lagu sheegay Dane-jireyaashan ayaa waxaa ka mid noqon doona Xubno siyaasadda horay loogu yaqaanay oo aad muhiim u ah, isla markaasna waxaa si rasmi ah markii u horeysay xilalkoodii Dane-jirnimo loogu magacaabayaa Max'ed Cali America oo isaga hadda si aan rasmi ahayn u sii hayay safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, iyo C/kariim Faarax Laqanyo.

 

Warkan ayaa intaa ku daraya in safiirradii horay u jiray ay suurto gal tahay in is-bedel lagu sameeyo ama qaarkood ay waayaan xilkoodii, waxaana jirtay eedaymo horay u soo baxay oo sheegayay In Mdn. Cali Max'ed Geeddi ay marar badan is qabteen isaga iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Mdn. Ismaaciil Hurre Buubaa arrimo la xiriira niman badan oo Dane-jirayaal sheeganay oo ay labada nin isaga hor yimmaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this