Xudeedi Posted July 27, 2010 Ku: Madaxweyne C/raxmaan Faroole, iyo xubnaha dawladda Puntland Ku: Isimmada, Odayaasha, iyo Waxgaradka Puntland Ku: Aqoonyahannada, indheergaratada iyo ururrada bulshada Ku: Shacab weynaha Puntland iyo cid kasta oo nabad danaynaysa… Waxan, haddaa nahay Jaaliyadda ********** ee Magaalada Seattle, ee Gobolka Washington, aan ugu baaqaynaa Masuuliyiinta Dawlad Goboleedka Puntland iyo kooxaha ka soo horjeeda, iyo shacab weynaha Puntlandba, in nabadda laga wada shaqeeyo oo dagaallada la joojiyo. Waxannu u aragnaa ciidammada Puntland duullimaadka ay ku qaadeen degaammadayada iyagoo u gacan dhaafay odayaashii iyo wax-garadkii dalka, gardarro aan geed loogu soo gabban. Waxan soo jeedinaynaa. 1. In miyirka la isticmaalo oo wax kasta wada hadal lagu dhammeeyo sidii odayaashu horay ugu baaqeen. Madaxweyne C/raxmaan Faroole marar badan baa odayaasha degaanku gogol u fidiyeen nabadeed, iyagoo sheegay inay iyaga masuuliyaddooda tahay inay wixii dhib u keenaya Puntland ay gacan ku qabtaan, laakiin, madaxweynuhu dhegaha ka furaystay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee odayaasha degaanku u soo jeediyeen. 2. In shacabka Puntland iyo dawladdooduba gacmaha isqabsadaan kuna dedaalaan inaan dagaallo ka hurin carrigan nabad weyntu ka jirtay. Taas waxa lagu gaadhi karaa in la xakameeyo colaadda aanna lagu degdegin dagaalka iyo gacma ka hadalka. 3. In guddi nabadeed loo sooco arrimaha ammaanka oo aan laga sugin laba nin oo qudha. Puntland nabaddeeda waxa saldhig u ahaa isimmada, odayaasha iyo shacab weynaha oo iska kaashaday nabad kuwada noolaanshaha dalka. 4. In odayaasha meelaha dagaalladu ka dhaceen ka soo jeeda la dhegeyso ra’ayigooda, isla markaa masuuliyadda ugu horraysa ay iyagu qaadaan. Lana hubiyo waxa meesha ku jira khaasatan laga saaro wararka ku-tiri-kuteenka iyo isku dirka ku salaysan. 5. In Madaxweyne Faroole ka daayo Puntland belo u yeedhyeedhka, sababtoo ah haddaad caalamka ku tiraahdo argagixisaa dalkayga joogta aan jirin, gurigaaga ayuunbaa ku ololaya. Tusaale, Muqdisho ayaa noogu filan oo far isku fiiqii hadda la garan la’ayahay meel laga soo qabto. 6. In Ciidammada milateriga degaannada ay tageen laga soo celiyo. Puntland waa beelo, beelina beel kale dhulkeeda kuma fidi karto iyadoo ka faa’iidaysanaysa maammulka dawladda. 7. In haddiiba ay jiraan ciidammo aan degaanka u dhalan oo buurtaa ku jiraa nin keliyana alla ha ka yeelee, dalka laga saaro. ‘Belo af la qabtay leedahaye, **** la qabto malaha.’ 8. In Dawladda Puntland magdhaw siiso dadkii ku waxyeelloobay dagaallada oo rayadka ahaa, illayn iyagu waxay galabsadeen lama arkee. Isla markaa, dawladdu ka fiirsato inay ku duusho degaannada aan dawladdu si fiican uga shaqayn. Dawladda maammulkeedu waan inuu gaadhaa meesha ammaan laga sugayo. 9. In isimmada Puntland iyo odayaashu u guntadaan, sidii horeba loogu yiqiin nabadaynta iyo joojinta dagaalkan sababi karaa burburka Puntland. Marnaba raalli waa inaanay uga noqon in maammulku ku tagri falo awoodda loo igmaday. Dadka Baaqa Ku saxiixan magacyadoo waa sidan: 1. Garaad Cali Yuusuf 2. AY. Maxamuud A. Cabdalla 3. Ismaaciil Maxamuud Cali Bayr 4. Cabdinasir Maxamed Siciid Diiriye 5. Nabadoon Cabduraxman Dubbad 6. Ibraahim Shire 7. Oday Cabdirisaaq Aw-yuusuf 8. Cabdullahi Yaaquub 9. Axmed Jaamac Maxamuud 10. Guuleed Cali Maxamuud 11. Axmed Shire Gaab 12. Sahra Cali Yuusuf 13. Aamina Shire Faarax 14. Foosiya Shire Faarax 15. Maxamed Xasan Suldaan 16. Axmed Maxamed Xirsi 17. Saalax Yuusuf Dabaraani 18 Cabdisamad Xaraare 19. Ahmed C/raxmaan Bahal Bari 20. Xaaji Maxamuud Ciise Gunti-Xabash 21. Xaaji Axmed Ciise Gunti-Xabash 22. Aammina Garmaqaate 23. Maxamed Axmed Yaaquub 24. Cabdirisaaq Shire Faarax 25. Luul Aw-Yuusuf 26. Cabdiraxmaan Axmed Jaamac 27. Aadan Timafaras 28. Xaliima Timafaras 29. Cabdinaasir Timafaras 30. Axmed Cawed Faarax 31. Cabdirisaaq Maxamuud 32. Cabdullahi Kismaayo 33. Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed 34. Ismaaciil Maxamed Ciise 35. Ciise Maxamuud Ciise 36. Cismaan Maxamuud Ciise 37. Maxamed Aargoos 38. Cabdi Yuusuf 39. Xuseen Maxamuud Ciise 40. Eng. Cali Siciid Madexey 41. Farxiya Timafaras 42. Maxamed Cabdi Cashuur Guddiga Odayaasha Jaaliyadda ********** ee Seattle. Email: maash68@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 27, 2010 6. In Ciidammada milateriga degaannada ay tageen laga soo celiyo. Puntland waa beelo, beelina beel kale dhulkeeda kuma fidi karto iyadoo ka faa’iidaysanaysa maammulka dawladda. So this is pure ssdf versus Maakhir , and there isn’t a terrorist cell in western bari region Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted July 27, 2010 Xaaji your finally birthing sense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted July 27, 2010 So Atam isn't a terrorist? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 27, 2010 ^^Obviously not maybe its majiyahaan all over again just like few years back Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted July 27, 2010 People need to let Faroole do what he's elected for and that's protecting the state from imminent threats of Shabaab. Safety and security of the state and its citizens should never be compromised. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted July 27, 2010 Ummmmm,,,,,these elders spoke 2 early,,,,,, hw do they feel now the guy they were siding with claimed to be member of the notorious group AL-Shabab. These guyz should be dealt with fiercefully,,,, we can not let breeding ground for these cazy boyz. And For the Makharis, let us not be like the Shoutherners who supported and hoboured Al-shabab when they were fighting Abdullahi Yusuf's Ethopian backed Government. n Blve me they regretted doing so. Let us togher fight these masked boys n whipe them out of our blessed land. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted July 28, 2010 ^The Link posted by Xudeedi says otherwise. Let's not ignore the root causes of Galgala/western Bari issue or prior conflicts that preceded this one. Quote Share this post Link to post Share on other sites