Sign in to follow this  
General Duke

President, PM and Police officers meet in Jowhar..

Recommended Posts

Saraakiisha Booliiska Somaliya oo xaflad loogu qabtay Magaalada Jowhar

 

 

ciidamo_booliis0.jpg

 

Jowhar:- Waxaa magaalada Jowhar Sabtidii lagu qabtay shir loogu talo galay shaqo gelinta saraakiisha Booliiska Soomaaliya ee tababarka kusoo qaatay dalka Dibadiisa.

 

Sarakiishan oo isugu jira kuwii tababarada kusoo qaatay dalka Ugandha iyo kuwo cusub oo ka yimid dalka Sudaan, ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan uga soo jeediyey madaxda dowlada Federaalka.

 

ciidamo_booliis01.jpg

 

Shirkan oo ay ku sugnaayeen Madax ay kamid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Raysalwasaaraha, Taliyaha Booliiska, Wasiirka Gaashaandhiga, Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore iyo xubno kale oo badan ayaa lagu dhiiri geliyey Saraakiisha Booliiska in ay hawshooda gutaan.

 

Saraakiishan oo isugu jira beelaha kala gedisan ee dalka Soomaaliya ayey horey dowlada Federaalka ugu qoondeysay in ay noqdaan kuwo bilaaba dib usoo nooleynta ciidamadii booliiska ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo khudbad kasoo jeediyey munaasabadii shalay ayaa u sheegay Saraakiishaasi in ay yihiin kuwo laga sugayo xil aad u culus loona baahan yahay in si hagar la'aan ah ugu shaqeeyaan Qarankooda.

 

 

Sidoo kale waxaa kamid ahaa madaxdii halkaasi ka hadashay Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Saraakiisha Booliiska laga sugayo in ay ka hawlgalaan gobalada dalka, isla markaana ka codsaday Taliyaha Booliiska in si wanaagsan saraakiishan la isugu dhafo is ay beelaha kala duwan isu dhex galaan.

 

Waxaana la sheegay in saraakiishan loo kala diri doono gobolada dalka Si ay dib ugu bilaabaan hirgelinta ciidamada Booliiska ee degmooyinka uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llaahi Yuusuf "Dawladihii hore ee inaga horeeyey waxay u burbureen ciidan la'aan"

 

Jawhar - 13.Nov.05 Iyadoo maalintii shalay uu ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi uu ka qayb galay munaasabada lagu sagootinayey saraakiishii booliiska Soomaaliyeed ee tababarka ku soo qaadatay waddanka Uganda si ay gobollada dalka uga hawl galaan, ayaa maantana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Munaasabaddan oo iyana qayb ka ahayd sagootiska saraakiisha booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta ka qayb galay ra’iisal wasaaraha, guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, Cismaan Cilmi Boqorre iyo xubno kale.

 

 

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlayey saraakiishaas ayaa sheegay inuu isaga laftiisu soo maray marxaladaha ay haatan marayaan saraakiishani, waxana uu taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Cali Madoobe ka codsaday in uu saraakiisha u kala diro gobollo aanay u dhalan si ay ad adayg u muujiyaan.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la helo booliis, garsoor iyo xabsiyo waxana uu carrabka ku dhuftay in dawladihii isaga ka horreeyey ay u baabe’een ciidan la’aan.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysul_Wasaaraha_DFKMG.jpg

 

Raysul Wasaaraha DFKMG Somalia Oo Maanta Kulan La Qaatay Saraakiisha Tababarka Usoo Dhamaaday

 

Raysul wasaaraha DFKMG ee Somalia Prof. Ali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan la qaatay saraakiishii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Ugandha.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cali Xasan Looyaan “Cali Madoobe .†ayaa warbxin u gudbiyay Raysul wasaare Prof. Geedi waxuu ku sheegay in saraakiishan tababarkii ay ku soo qaateen Wadanka Uganda ay ka soo hooyeen guul lama ilaawaan ah.

 

 

Jeneraal Cali Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay gutaan waajibaadkii uu dalkooda kaga baahnaa kaasoo ah ka shaqeynta amniga dalka.

 

Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Geeddi oo ka hadlay ugu dambeyntii halkaasi ayaa sheegay in looga baahanayahay saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyeed in ay gacan buuxda ka geystaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka.

 

 

Waxuuna sheegay Prof. Geedi in uu ku kalsooni qabo in ay wax ka badali karan ilaalinta Nabadgelyada dalka oo dhan hadii ay howlahooda dib u bilaabaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo intaasi ka dibna sheegay in loo baahanyahayin sida ugu dhaqsaha badan u guda galaan howlahooda.

 

Sidoo kale Ra'iisul Wasaaruhu waxuu cambaareeyay dilkii loo geystay Wiilka Gudoomiye xigeenka 2-aad ee baarlamanka Cusmaan Cilmi Boqore oo uu sheegay in ay ka dambeeyaan kooxaha Burcadda ah ee shirqoolada ka wada magaalada Muqdisho.

 

 

Raysul_Wasaaraha_DFKMG1.jpg

 

Raysul_Wasaaraha_DFKMG2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this