Sign in to follow this  
Suldaanka

President's Speech on May 18

Recommended Posts

Bismillaahi Raxmaani Raxmiin

 

“Assalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuh.â€

 

Madaxda Golayaasha Qaranka, Madaxda Saddexda Xisbi Qaran, Madaxda Ciidamada Qalabka sida, Madax Dhaqameedyada, Culimaa’udiinka, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada iyo Dhammanba Qaybaha ay Bulshada ka kooban tahay.

 

Walaalayaal,

 

Mudanaayaal iyo Marwooyin,

 

Marka hore, Xuska dib ula soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ee Sannad Guuradii 14aad ee ka soo wareegtay Maalintaynu dib ula soo noqonay Xorriyaddeena oo ku beegan 18 May 2005, waxaan hambalyo iyo bogaadin u gudbinayaa Dhammaan Shacbiga Somaliland noocyada uu kooban yahay gudo iyo dibadba ha joogaane.

 

“Waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu ilaahay inoo aqbalo himiladeena ahayd inaan ka mid noqonno Qaramada Madaxa Banaan ee Caalamkaâ€.

 

Waxaan jecelahay, in aan warbixin idinka siiyo xaaladda dalka guud ahaan.

 

Hayaanka geediga taabo gellinta Qaranka JSL, wuxuu soo socday muddo 14 sanno ah, eebe galladiisa marba marka ka dambaysa qarankani, wuxuu ku tallaabsanayey horumar aan kaga kabanayno burburkii soo gaadhay ummaddeena, iyadoy Saldhig u ahayd dedaalkeena in aanu dhisanno qaran aan inaku leenahay oo danaheena u adeega.

Waxa xaqiiqo ah, in uu qarankani ka soo gudbay carqalado dhaqaale, Nabadgelyo iyo Siyaasadeed, taas oo ku suuro gashay taageerada alle iyo hab-dhaqanka aynu ku soo caano maalley ee wada tashiga, isu tanaasulka iyo aragtida midaysan ee marka ay joogto danta qaranimo, hadba inta talada haysaa hormoodka ka ahaayeen u ilo- bixinta dhibaatooyinka iyo carqaladaha kala duwan ee dalka la soo gudboonaada miisaan kasta ha lahaadaane.

 

Walaalayaal, 2002-dii markii la ii dhaaryey xilka Madaxweyne-nimo ee uu geeriyooday Madaxweynihii hore alla ha u naxariistee Marxuum, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxan idiinka ballan qaaday khudbadaydii 18 May 2002, in aan culays saari doono, gooni isu taagga Jiritaanka Somaliland oo noqon doonta mudnaanta koowaad.

 

Waxaan isla markiiba bilaabay in aan xawli galiyo laba arrimood, ta koowaad oo ahayd:-

 

Sidii qaddiyadeena aynu u gaadhsiin lahayn Caalamka, gaar ahaan dalalka Africa oo intooda badani ay ka qarsoonayd taariikhda xornimadeena.

 

Waxaan qoraallo ka hadlaya qaddiyadeena illa markii calanka aan helnay gaadhsiiyay, Wadamada Bariga, Waqooyiga, Koonfurta, Galbeedka Africa, iyo Europe, America iyo Asia.

 

Taas oo maanta aad wada ogtihiin, midhaha ka soo baxay oo garawsiiyay beesha caalamka inaan nahay qaran jira oo aan la dafiri karin waxay qabsadeen.

 

Arrintani kuma iman hadiyad, balse waxay ku timid shaqo ay xukuumaddu qabatay.

Qodobka 2aad ee aan ballan qaaday, wuxuu ahaa in aan taabo galliyo Dimuqraadiyadda iyo tartanka xorta ah ee Axsaabta badan, oo xukuumadda horayaallay intii aanu dhiman Madaxweynaheenii hore ee geeriyooday, Alla ha u naxariistee.

 

Waxa xusid mudan Doorashadii Deegaanada ka hor, mar aan ka hadlayey Xurunta Xisbiga UDUB in aan idhi “ Somaliland Doorashay ku iibsamaysaa ee kuma iibsamayso muddo la kordhiyo†iyadoo dadka in badani ay cabsi ka qabeen Doorashadu inay khalkhal Nabadgelyada galiso, waxa ilaahay mahadii inoo hirgashay doorashadii Deegaanka iyo Madaxtooyada, oo muddo kooban inoogu dhacday si mucjiso ah, oo goob joogayaashii caalamku ay aad ula yaabeen.

 

Doorashooyinkaasi, waxay daaha ka qaadeen oo ay u iftiimiyeen Beesha Caalamka, in aan nahay ummad qorshe iyo barnaamij taxane ah oo dal dhiseed leh, waxa inoo hadhsani waxay ahayd dhammaystirkii hannaanka Dimuqraadiyada oo ay inooga hadhsanayd taa Baarlamaanku.

 

Waxaad ogtihiin, sidii Mas’uuliyaddu ku dheehnayd ee aynu si nabadgelyo ah oo sharciga waafaqsan, aan arrintaa ugu furdaaminay, anakoo iskaashanayna Goleyaasha Sharci Dejinta.

 

Axsaabta Mucaaridka, Komiishanka Qaranka iyo Shacbiguba taageero buuxda ayay arrintaasi xal u helidda Golaha Wakiilada ka bixiyeen.

 

Waxa kaloo jirta, in Xukuumaddu xoogga saartay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tamarta iyo tayada ciidamada Amniga Guud ahaan.

 

Waxaad ogtihiin, illaa hadda in aaney ciidamadeenu darajooyin sidan, si qiimeyn loogu sameeyo mujaahidiintii dalkan halganka u soo gashay, darajooyinka ay mudan yihiina loo siiyo, dufcaddii u horeysay ayaa kasoo qallin jabisay Kulliyadd Ciidan, kuwaas ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee aan ku bilaabayo darajo siinta Ciidamada, inta aanu dhammaan sannadkan hadduu eebe yidhaa.

 

Kuwa kale, waxaan u diri doonaa kulliyaddaha Ciidan ee dalalka aanu saaxiib-ka nahay iyo kulliyad ciidan oo aan dalka ka samaynayno, taas oo noqon doonta Xaruntii hore Ciidamada ee Cadaadley oo loogu diyaarin doono Saraakiisha Ciidamada Somaliland inta hadba u qalanta, iyadoo ay maamuli doonaan macallimiinna ka noqon doonaan Saraakiishii waaweynayd ee dalkan u dhalatay, taas oo wax wayn ka tari doonta, habka dhismaha ciidamada Qaran uu leeyahay oo hore uga maqnayd dhismaheena.

 

Waxaad garan karaysaan hawshaasi in aanay ahayn hawl dhib yar, idinkoo og mudada ay soo qaadatay ee ay jiitamaysay.

 

Dadka u badan ee qorshaha loogu tallo galay waa Mujaahidiintii SNM ee dalkan u soo halgantay.

 

Waxa Kale oo ay Xukuumaddu bar bar waday ka sokow Dhismaha Ciidanka, Dimuqraadiyadda, Dib-u dhiska wadooyinka iyo guud ahaan dhammaan barnaamijyada horumarineed inta hadba awoodu saamaxayso.

 

Waxa xusid mudan, in waxyaabahaa inoo qabsoomay ee ay ka mid tahay Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha ay wada jir u suurto galiyeen Xukuumadda iyo Shacbigu, Caalamkuna qiray sida warbixinihii u dambeeyay ee ay qoreen:- Royal Institute, ICG

( International Crisis Group) , South African Institute of International Affairs iyo warbixintii ay inaga soo saareen wadamada daneeya arrimaheena sida Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale, iyo warbaahinta caalamiga ah sida, Al-Jazeera, Gulf Information Center, Sub-saharan Informer iyo BBC-da.

 

Khasaarihii aafada Roobabku dalka u geysteen, Xukuumad ahaan waxba ka hagran mayno, waana waajibaad qaran oo Xukuumadda saaran, wixii taagtayo ahna waanu ku hawlan nahay sidii aanu u wax uga qaban lahayn.

 

Waxa dhawaan halkan inoogu yimid,wefti ballaadhan oo ka socda African Union-ka (AU) oon ku martiqaaday dalkeena si ay qiimeyn ugu sameeyaan, waxaan mudannahay una horgeeyaan wadama Africa oo aad ogtihiin waxay idinka ballan qaadeen.

 

Hadaba, cidda ka masuugaysa waxbqabadkaasi, ee leh jar baan ka laad laadnaa miyey Nasteexo u yihiin, lexo jeclo se ma ka haysaa jiritaanka Somaliland?

“ Waa su’aal dadweynoow aan idinka idiin daayeyâ€.

 

Beryahan, waxa soc socda in Axsaabteena Xisbi ka midi uu Goleyaasha Qaranka (Golaha Wakiilada) uu qaar ka mida ku baayacayo $ 1500 (Kun iyo shan boqol oo dollar) qaata oo Madaxweynaha rida.

Walaalayaal, Madaxweynaha aad maalin cad doorateen, shakhsiyaad kun iyo shan boqol qaatay inay ridaan miyaad geydaan. Dadka noocaas u fikiraya mayna caayeen ummadnimadiina oo aanay ku gefayn qaranimadeena?

 

Waxaanse leeyahay, ragga hammuunta u qaba madaxtinamada kursigoow, anigo oo saddex sanno kursiga ha laguu kordhiyo la leeyahay, ayaan badka soo dhigay anoo leh Somaliland doorashay wax ku gaadhaysaa xataa haddii layga helayo kursiga.

 

Waxaan idin leeyahay saddex sanno ayaa idiinka hadhay in aad kursigan tartan u gashaan ummadda Somaliland waxay go’aansatay in nidaamka Dimuqraadiyadda ee Caalamku ku nool yahay ay ku noolaato.

 

Inqilaab dhalanteed ihi suuro gal kama noqonayo Somaliland, shacbigii I doortay, ayaa ilaashanaya jiritaanka Qaranka. Waxaanse u arkaa ujeedada aad ka leedihiin arrimaha aad wadaan, in uu naxdin, niyad jab iyo filanwaa ku ridayo inta saaxiib-ka inala ah ee jecel Somaliland iyo inta ka soo qayb qaadatay dib-u-dhiska iyo horumarka Dimoqraadiyadda Somaliland.

 

Wuxuu tilmaan bilaw ah u yahay, in Caalamka ina fiirsanayey isku qanciyo in Somaliland la mid tahay qaybaha kale ee Somalia oo aanay waxba dhaamin.

 

Waxay abuuraysaa, kala shaki iyo qaybsanaan ku timaada dadweynaha midoobay ee Somaliland. Waxayna sabab u noqonaysaa ama xalaal ka dhigaysaa in lagu tunto oo la xurmayn waayo shuruucda dalka u taalla.

Waxay daliil iyo markhaati u tahay, in laga soo horjeedo Doorashada soo socota, balse marmarsiiyo laga dhiganayo muran iyo dood lagu mashquuliyo Dawladda iyo Shacbiga, si looga jeesto Doorashada la cayimay September 15keeda 2005. Taas oo aan u arko inay tahay qaybtii ugu dambeeyay ee qaranimadeena sharci ka dhigayey.

 

Waxaan leeyahay dadka fikraddaa wada, ma aha dad dan ka leh dalka iyo shacbiga ku nool intaba, balse waa dad u adeegaya cadawga Somaliland oo markay kaabiga isa soo taagto aqoonsiga Somaliland dagaalkii ugu dambeeyay ku qaadaya.

Arrinta khal khal gelinta ee socota, waxay taageero u yihiin inta jecel Somaliland fur-furkeeda iyo baabiinteeda.

 

Safarkaygii u dambeeyay markaan soo marayey Addis Ababa, dad baa igu yidhi “ Haka biqina dibad ee gudihiina ka baqaâ€. Arrintaasi way ii dhadhami wayday wakhtigaasi, haddayse ii muuqataa wixii la ii sheegayay.

 

Ummad yahay, xalaal maalin cad baa la quutaa, Dibadda Cadawga ka imanaya aniga iyo Xukuumaddayda ayaa idinkaga filan, ee idinkana, waxaan idiinka magan ahay, Makasta gudaha ee wax duminaysa

 

Waxaan leeyahay maamuus ka xayuubinta Madaxweyne, waxay ku urur santay khiyaamo Qaran (High Treason) iyo ku xad gudub Dastuur, sida ku cad Qodobka 96aad ee Dastuurka Qaranka JSL.

 

Ma African Union-kii, aan u keenay in qaddiyadeena ay Africa horgeeyaan baa khiyaamo qaran noqday oo dambi laga dhigayaa?

Ma Doorashadii Baarlamaanka ha la gallo baa dambi Dastuuriya noqotay, oo ummad-yahay muddo dheer aad sugayseen?.

Isku soo wada duub, shacbi weynaha mid baan leeyahay, Golaha Wakiiladana mid baan leeyahay, Xisbiga Kulmiyena mid baan leeyahay.

 

 

Golaha Wakiilada, inta sida khaldan u fikiraysa, waxaan leeyahay, iska daaya marmarsiiyo aan meel lahayn oo u diyaar garoobo in aad tartanka Doorashada ka qayb gashaan oo ha noqonina “kuwii 100-ka soomay ee bakhtiga ku afurayâ€.

 

Xisbiga Kulmiye, waxaan leeyahay ixtiraama Dimuqraadiyadda u hana qaaday ummadeena.

Ummada Somaliland-na midab kaliya ayey leedahay, ee midabo kala du duwan ha u samaynina.

Xilkana, tartan doorasho oo kaliya ayaad ku iman kartaan, ee iska daaya riyooyinka kale inaad ku firkirtaan oo aad kursi ku heshaan.

 

Shacbigana, waxaan leeyahay indhihiina fura, dhegihiinana fura, cidda u guntatay bur-burinta qaranimadiina heegan u ahaada.

 

 

Waxa baryahayn la is waydiinayey falkii ciidanka Booliiska iyo Xisbiga Kulmiye ay iskaga horyimaadeen, habeenkii markii uu ii soo sheegay Wasiirka Arrimaha Guduhu, koox Ciidanka Booliiska ka tirsan iyagoo ku dabajira Idaacadda uu Guddoomiyahoodu sheegay inay ka dambeeyeen, waxaan isla markiiba amar ku bixiyey in Xisbigaasi xaruntooda iyo alaabtay haystaanba faraha laga qaado, anigoo isla markaana u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliiska, in habka loo maamulay aanu fiicnayn marka horeba, waxaanan amar ku bixiyey in Axsaabta Xarumahooda aan dib loo tagin, haddii sharci jabin ay ku kacaanna, nidaam sharciya loo maro.

 

Haddii Idaacado aan sharci ahayn dalka la keeno, Dalku wuxuu noqonayaa sida Muqdisho, oo ardaa walba furan doono Idaacad u gaar ah, taas oo aan dani ugu jirin ummaddeena, waxaan ku boorinayaa Xisbiga Kulmiye inuu Idaacaddaas iska xidho, Xisbiga iyo dalka midna dani uguma jirto.

 

Xukuumaddu, waxay ballanqaadaysaa TV iyo Idaacad, inkastoo ay dib u dhaceen. Axsaabta qaranku si siman bay uga faa’idaysanayaan, waxase reeban aflagaado iyo cay shakhsi .

 

Guntii iyo gebo gabadii .

 

Xukuumadda Somaliland, waxay dar-dar gelinaysaa siyaasadeedii dhaqan dhaqaale oo uu saldhig u yahay suuqa xorta ah, iyadoo diyaarisay shuruucdii maalgalineed ee loo baahnaa, dhiirigalinaysana maal gashiga shisheeye iyo kan wadaniga ahba.

Dhiiri gelinta Dhammaystirka hannaanka Dimoqraadiyadeed oo ay u soo horeyso tan Golaha Wakiilada, kuna xigi doonto tan Guurtidu sannad ka dib.

Adkeynta Nabadgelyada iyo fidinta Maamulka.

Xukuumadda Somaliland, waxay dar dar galinaysaa hawlihii ictiraaf raadinta.

Iyadoo Xukuumadda Somaliland, dhawraysa Dastoorka iyo shuruucda ka farcamaysa, cidna uga habran mayso cidii waxyeelaynaysa Nabadgelyada iyo Xasiloonida Dalka.

Xukuumadda Somaliland waxay sii xoojinaysaa hawl galkeedii Gobolka ee ku wajahnaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale ee wadamada aynu jaarka nahay oo ku dhisan tixgelin, sinaan iyo cadaalad.

Xukuumadda Somaliland iyadoo Caalamka kala mida, ka hortagga argagixisada, sida Dastuurka qaranku dhigayo, waxay sii wadaysaa hawlgalkeedii ku wajahnaa la dagaalanka Argagixisada.

Xukuumadda Somaliland, waxay si hagar la’aan ah u sii wadaysaa wax ka qabadka Cudurka dilaaga ah ee HIV iyo Cudurada kale ee faafa, iyadoo soo bandhigtay siyaasad heer qaran ah oo ku wajahan cudurada faafa.

Xukuumadda Somaliland, waxay sii wadaysaa dedaalka ay ugu jirto camal abuurista da’yarta, Mujaahidiinta iyo cududa kale ee shaqo gali kartaba.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland, waxay sii wadaysaa dhiiri gellinta haweenka iyo jiilka cusub sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha siyaasadda, heer deegaan iyo heer qaranba.

 

Xukuumadd ahaan, waxaan diyaar u nahay wada shaqeyn fiicanna la yeelan doonna, dhammaan Axsaabta Qaranka, Mucaarid iyo Muxaafidba, waana loo baahan yahay, waana lagama maarmaan, Mucaarid ku salaysan dhisid (constructive criticism), waanan soo dhaweynaynaa, hase yeeshee, waxaan idinka waaninayaa in aanu dalkan Dimoqraadiyada curdinka ah ku dhisani u baahnayn dhibaato iyo Mucaaridad indho iyo dhago la’, isla markaana, waxaan ugu baaqayaa Axsaabta Qaranka, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidii aynu wada jir ugu hirgelin lahayn doorashada fooda inagu soo haysa ee Golaha Wakiilada oo ku beegan 15 September 2005.

Aqoon yahanka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, “Baaq Qaran†ayaan u soo jeedinayaa, waxaan idinku martiqaadayaa Doorashada Baarlamaanka ka dib, anigoo martiqaad u fidinaya ugu yaraan illaa 100 ( boqol) Aqoon yahan oo noocyada kale duwan ee cilmiga aqoonta u leh, taas oo aan uga dan leeyahay, in aan ku fallan qayno qaran ahaan, sidii dalkan aanu ugu samayn lahayn Barnaamij lagu horumariyo kaabayaasha Dhaqaaale, oo Xukuumaduna ka faa’idaysato tan iyo kuwa kale ee ka dambeeyaba.

 

Waxaan leeyahay arintaa ka fikira oo u diyaar garooba, wakhtiga anigoo dib idiinku soo sheegi doona.

 

Ugu dambayn, waxaan shacbiga Somaliland mar labaad ku hambalyaynayaa Xuska 14aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad ka digtoonaataan, iskana ilaalisaan, wararka lagu majaro habaabinayo si dalka fidno loo galiyo.

 

 

“Ilaahaw noo hiiliâ€

 

Wa billaahi tawfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo xustay 18-ka May

 

Maanta oo ay ku beegan tahay sannadguuradii 14aad ee ka soo wareegtay maalintii lagu Dhawaaqay goonni isutaaga dalka la baxay Somaliland , ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu khudbad uga jeediyay saaka dadweyne kumanaan ah, oo isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Rayaale, oo maanta sacab badani u dhacayay, wuxuu ku dheeraaday qaddiyadda goonni isu taagga Somaliland, oo uu sheegay in uu xoogga saaray sidii caalamka gaar ahaan Afrika uu u gaarsiin lahaa.

 

Wuxuu sheegay in uu qoraallo gaarsiiyay wadamada bariga, woqooyiga, koonfurta, iyo galbeedka Afrika, iyo wadamada Mareykanka iyo aAsia, qoraalladaasi oo uu ku tilmaamay in garowshiiyo beesha caalamka uu kaga helay waxay qabsatay ayuu yiri Somaliland.

 

Mr. Rayaale wuxuu kaloo sheegay in ciidamadiisa qalabka sida, oo aan derejo lahayn dhowaan loo yeeli doono jaranjaradii derejooyinka ciidamada, isagoo sheegay in dufacaddii u horreysay oo saraakiil ciidan ah, oo ka soo qalin jebisay kulliyad ciidan lagu bilaabi doono derejo siintaasi inta aanuu dhammaan sannadkani.

 

Ma sheegin madaxweynuhu kulliyadda ciidan ta ay tahay, laakiin warar xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in ay tahay kulliyad ciidan oo ku taalla dalka Ethiopia oo saraakiil Somaliland ah ku soo tababarteen Dhowaan.

 

Wuxuu caddeeyay in saldhigii milleteriga ee Cadaadlay uu noqon doono xarun lagu diyaariyo saraakiisha ciidamada.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin khudbadda sannad guurada 14aad ee goonni isu taagga Somaliland ee uu u jeediyay kumanaanka dadka ah ee isugu soo baxay beerta xorriyadda, wuxuu si kulul ugu weeraray mucaaridka isagoo sheegay, waa siduu hadalka u dhigaye, in axsaabta xisbi ka mid ahi uu golaha wakiillada ku baayacay xildhibaankiiba 1500 dollar si loo rido ayuu yiri madaxweyne maalin cad la doortay.

 

Madaxweyne Rayaale wuxuu yiri " Inqilaab dhalanteed ahi suurtagal kama noqonayo Somaliland, shacbigii I doortay ayaa ilaashanaya jiritaanka Somalilandâ€.

 

Wuxuu ku eedeeyay dadka wada mooshinka maamuus ka xayuubinta madaxweynaha, siduu hadalka u dhigay, kuwa aan dan iyo lexajeclo ka lahayn dalka iyo shacbiga oo wada ayuu yiri khal-khal gelin, iyo furfuridda midnimada shacbiga.

 

Wuxuu ugu danbeyntii madaxweynuhu ugu baaqay golaha wakiillada in ay iska daayaan ayuu yiri marmarsiinyo aan meel lahayn, oo ay u diyaar garoobaan tartanka doorashada.

 

Wuxuu kaloo ugu baaqay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE in uu ixtiraamo dimuqraadiyadda u hanaqaadday ummadda, laakiin madaxweyne Rayaale wuxuu markii ugu horreysay ka hadlay falkii ciidamada boliisku ku galeen xarunta KULMIYE, isagoo caddeeyay in uu u sheegay taliyaha boliiska in loo maamulay hab aan fiicneyn, isagoo sheegay Rayaale in uu amar ku bixiyay in axsaabta xarumahooda aan dib loo tegin, oo loo soo maro ayuu yiri nidaamka sharciga.

 

Munaasabado kale, oo loogu dabbaaldegayo maalinta goonni isu taagga Somaliland ee 18ka may, ayaa waxay ka dhaceen saaka badi magaalooyinka waaweyn , hase-yeeshee, Hargeysa waxay u ahayd markii ugu horreysay ee 14kii sannadood ee ugu danbeeyay lagu qabtay dabaaldeggan fagaaraha beerta xorriyadda, oo ahayd goobtii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga qotomiyo 26kii june 1960kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Leader asks nationals to unite against enemies of Somaliland's existence

 

May 18, 2005 2:57pm

 

The president of the Republic of Somaliland, Hon Dahir Riyale Kahin, today addressed the Somaliland people at the Freedom Square in Hargeysa.

 

The occasion was to mark the 14th anniversary of Somaliland's independence and secession [from the rest of Somalia], with celebrations going on till this moment.

 

Addressing the public, President Kahin touched on internal and external political affairs, the economy and security issues. He began by congratulating the Somaliland people and asked God to accept their aspirations to become one of the [recognized] nations in the world.

 

He said, soon after taking over the office in 2002, he promised on how to strengthen democratic (?institutions) and how to inform the international community about Somaliland, which has yielded fruits today.

 

The president said the government was putting extra efforts to achieve international recognition, and urged the public to unite against anything that could harm or oppose the existence and recognition of Somaliland.

 

He said constructive opposition was acceptable issue, but (mere opposition) is not required in this country. He called for a joint work and cooperation towards the country's development, reconstruction and ways of exposing that to the outside world.

BBC Monitoring

 

 

Copyright © 2005 BBC Monitoring/BBC. Source: Financial Times Information Limited

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this