Sign in to follow this  
SOO MAAL

Heshiis Qarsoodi ah oo Dhexmaray M/waynayaashii hore ee S/land iyo Puntland.

Recommended Posts

SOO MAAL   

Heshiis Qarsoodi ah oo Dhexmaray M/waynayaashii hore ee S/land iyo Puntland.

 

 

sr2410.jpg

 

Madaxweyanaha%20_%20maxaashi.jpg

 

 

020504_cigaal.jpg

 

riyaale3.jpg

 

Heshiiskan oo Dhexmaray Labadii Ruugcadaa Mr Cigaal iyo Yuusuf... {C/qaadir Jilbis}

 

Markii ay Burburtay Xukuumaddii Soomaaliya Dalku wuxuu u kala Jajabay Reer Reer iyo Qowsqows Qolo walbaana waxay isugu uruursatay Meeshii ay Deegaan ahaan ka soo jeeday.

 

Maamuladda S/land iyo Puntland waxay ahaayeen Meelo Runtii aan Dagaal lagu Hoobtaa ka Dhicin Huleelkii Jeneral Ma,ed Siyaad Barre ka dib.

 

Labada Gobol waxaa ka dhashay Labo Ruugcadaa in kastow Siyaasadda ku kala horeeyeen, Waa Marxuum Max,ed X Ibraahin Cigaal iyo Col C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Marxuum Cigaal markuu arkay Rajo La,aanta Koonfurta Soomaaliya wuxuu Goostay in uu Samaysto Maamul uu dadkiisa ku Dejiyo, kuna Sugo Bal in uu mar uun M/wayne ka noqdo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf oo isna ka Quustay Shirar badan oo uu arkay in Hungo lagu Baday ayaa Qishay Naqshadii Cigaal oo uu u arkay in uu Gul lataaban karo ku Gaadhay.

 

C/laahi wuxuu abaabulay Shirwayne lagu qabtay Garoowe waxaana loogu Doortay M/waynaha Maamulka Puntland.

 

Labada oday oo la sheegi jiray in ay dhawr jeer isu hiliyeen, Sida Markii C/laahi Yuusuf Talada Laga qaaday oo uu Cigaal u Tafaxaytay sidii uu ugu Soo celin lahaa Meesha, wuxuuna ku Caawiyay Dhaqaalo badan.

 

Nimankan odayaasha ah Midkoodna Faragelin Toosa kuma Samayn jirin Arimaha Sool iyo Sanaag, waxayna iska Ilaalin jireen in wax iska hor imaad ihi ku yimaado.

 

Odayaashan oo Labaduba Jeclaa in ay mar uun ku Fadhiistaan Kursiga ugu Sareeya Dawlada, waxaa isa soo guray waqtigoodii waxayna arkeen iyagoo Cimriyaystay, isla markaana ay aad u liidato Saadaasha Nabadda koonfurta Soomaaliya.

 

Halkaa ayay ka Bilaabeen Bilowga Heshiis ku dhawaaday in uu Midha dhal noqdo.

 

Heshiiska ayaa waxaa ugu Mihimsanaa in la mideeyo labada maamul isla markaana la qaybsado Awoodaha Dawladnimo.

 

Waxaa ka mid ah Qodobada sida Tooska ah loogu Heshiiyay, In Caasimadu Noqoto Ceeri Gaabo iyo In Lakala Qaato M/waynaha iyo Ra,isal wasaaraha.

 

Arinta keliya ee la isku qabtay waxaa ay ahayd Sida laga Yeelaayo Gobolada Sool iyo Sanaag, oo Qoloba ay Fikrad soo jeedisay.

 

Garabka C/laahi Yuusuf iyo Max,ed Cabdi Xaashi waxay qabeen in labadaa Gobol Afti laga qaado loona yeedho Goobjooga yaal Caalami ah.

 

Halka Cigaal iyo Riyaale ku Doodeen in ay Aftida iyagu qaadaan la iskana dhaafo Goobjoogayaasha.

 

Arintan ayaa Raga u wadawadaynayay waxaa ka mid ahaa Lataliyiihii C/laahi Yuusuf Mr Ashari oo iasu Booqasho Galaa bixin jiray Hargaysa iyo Garoowe.

 

Mar aan wax ka waydiiyay arintan Max,ed Cabdi Xaashi waxaa i xaqijiyay in ay jirtay, wuxuu intaa ku daray in ay arintii ku dhamaatay Cigaalow Sool iyo Sanaag ka wayn Dad aad adigu Afti ka qaado.

 

Arintan ayaa hadii ay Suuroobi lahayd waxay dhabar jab ku noqonlahayd Hogaamiyayaasha Koonfurta Soomaaliya, waxaana halkaa ka dhalan lahayd Dawlad si wacan u Shaqaysa, waxaana la iska iloobi lahaa ku Xidhnaanta Muqdisho.

 

C/qaadir Jilbis

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this