Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Garaad's Coallition Failed ------ Devision is in the Making

Recommended Posts

Shir beryahanba uga socdey tuulada Tukaraq ee gobolka Sool,qaar ka mid ah garaadada iyo odayo-dhaqameedka kale ee gobolada Sool,Sanag iyo Buuhoodle ayaa odayashii halkaas ku sugnaa ku kala qaybsmeen fikirka siyaasadeed.

 

Odayaashaas oo ahaa taageerayaasha Puntland ayaa dhowaan ka soo cadhooday Garoowe oo 6 bilood ku sugnaayeen,kadib markii ay quus ka istageen maamulkii ay ka rajaynayeen in uu ku celin doono Laascaanood oo cid ka hor taagani aanay jirin.

 

Odyaasha ku sugaan Tukaraq oo hada badankoodii dib ugu noqdeen Garoowe,qaarna u ambabaxeen dhulkoodii ayaa waxay u kala qaybsameen qaar aaminsan in wadahadal lala galo maamulka Somaliland,iyo qaar aad u taageersan Puntland oo heshiis gaar ah kala dhexeeyo raga madaxda ka ah maamulkaas.

 

Shirkan ayaa burburay kadib markii 5 garaad soo jeediyeen in wadahadal lala galo maamulka Somaliland,maadaama dadku kala qaybsan yahay,maamulka Puntlandna aanu dan ka lahayn dhulka SSC,taasoo ay ku gacan saydheen qoladii taageersanayd maamulka Puntland,halkaasna ay ka bilaabtay bur bur guud oo ku yimaada shirkii odayaasha.

 

Dhanka kale qaar ka mid ah odayaashii halkaas ku sugnaa ayaa waxay isla markiiba la xidhiidheen madaxda maamulka Puntland,iyaga oo u sheegay in garaadada qaarkood heshiis hoose la galeen Somaliland,taasina waxay keentay in uu maamulka Puntland uu soo saaro qoraal uu ku war gelinayo odayaasha inay ka guuraan Tukaraq.

 

Odayaashaas oo ay ku jiraan Garaado si weyn looga qadariyo deegaankaas ayaa waxay qayb ka noqdeen siyaasadaah foosha xun ee ka tagan Soomaaliya,iyagoo ilaaway in xilka dadku u doortay aanu ahayn mid siyaasadeed,balse uu yahay mid dhaqan iyo nabad raadineed.

 

Odayaasha Tukaraq ku kala tegey ayaa waxay hada ka hor ka soo saareen magaalada Boocame go'aamo u badnaa in la dagaalamo,kuwaas oo aan marnaba hirgelin,maadaama dadka SSC oo yaqaan waxa uu dagaal yahay,iyo dhibaatadiisa aanay dheg jalaq u siin in iyaga oo kala qaybsan la isku hubeeyo oo reerka dhexdiisa colaad laga abuuro.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa hada u socda qaar ka mid ah Garaadada *********** iyo maamulka Somaliland wada hadalo horudhac ah oo lagu wada xidhiidhayo khadka taleefoonka,waxaana la filayaa in wadahadal toos ah la iclaamiyo dhowaan.

 

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

LASCANOD: Kadib burburkii ku yimi shirkii isimada Mandaqada SSC ee uga socday deegaanka tukaraq ayaa waxaa soo baxaya odhaahyo iyo hadal hayn ku aadan sababaha keenay burburka iyo waxa ka danbeeya ama saamaynta xooga ku leh.

 

Urrurka NSUM oo dhawaanihii danbe la aasaasay ayaa warar lagu baahiyay saxaafada lagu sheegay inay aqoonsi ka heleen isimada SSC, inkastoo ay umuurtaas gaashaanka ku dhufteen isimadu,iyagooo sheegay inaanay marnaba waxba ogayn aqoonsiga iyo wararka lagu baahiyay saxaafada.

 

Hadaba waxaa la xaqiijiyay in qaar ka mid ah isimadu ay xidhiidh hoose la sameeyeen taasoo sababtay in urrurkaasi uu sheegto aqoonsiga isimada SSC,

 

Shirkii isimada SSC ee dhawaanahan danbe ka socday deegaanka tukaraq oo uu ku yimi burburku sababo ah fikrado ay soo jeediyeen qaar ka mid ah isimadu taas isimadu qaar si aada uga biyo diideen.

 

hadaba fikirka isimada soo jeediyeen ee ahaa in wada hadal lala galo Somaliland ayaa fikradeeda la sheegay inuu iska lahaa urrurkaa NSUM oo warar hoose sheegayaan in uu dhaqaale ku bixiyay sidii wada hadal looga geli lahaa arrinta laascaanood, taasoo qoraalo badan oo saxaafadu qortay horey ugu sheegtay in ururkaasi aaminsanyahay in si siyaasad ah xal loogu helo arrinta Laascaanood.

 

Isimada ayaan weli ka warbixin kana hadal khilaafka u dhexeeya iyo burburka ku yimi shirkii tukaraq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TUKARAQ: Shirkii dhawaanihii ugu danbeeyay uga socday isimada SSC deegaanka Tukaraq ayaa uu ku yimi burbur si aada layskugu maandhaafay qorshayaal ay soo jeediyeen qaar ka mid isimadu.

 

 

Shirkan oo isimadu indhawaale u fadhiyeen deegaanka tukaraq ajandihiisana ku sheegeen inuu yahay mid lagu soo xoojinayo cahdigii lagu heshiiyay shirkii Badbaado3 ee dabayaaqadii sanadkii hore ay ku yeesheen isimada,cuqaasha iyo waxgaradka beesha *********** deegaanka boocame.

 

Burburkan ayaa ilo lagu kalsoonyahay uga warameen shabakada lasanod.com sababaha keenay, iyadoo uu burburka shirkani uu sabab u ahaa kadib markii shan isim oo ka mid isimada SSC ay soo jeediyeen in wadahadal lala galo maamulka dhulkii haysta ee somaliland.

 

Taasoo isimada intii kalena ay gaashaanka ku dhufteen,taasoo markii danbe sababtay in shirkii si degan u dhaco odhaahyo umuurtan ku saabsana lays waydaarsaday balse gabagabadii kulankaa ay isimada intii mowqifka in wada hadal nabadeed la galo ay ku hadheen tukaraq iyagoo intii kalena ay gaadheen garoowe.

 

Shanta isim ee soo jeediyay in wada hadal nabadeed lala galo somaliland ayaa u hadlayay sidatan''''waynu ogayn waa inagii wada hadal inoo socday qaar ka mid ah wasiirada maamulkaas,wax badana waynu ogayn in lagu heshiiyay markaa waxaan soo jeedinaynaa in wada hadal nabadeed la galo.

 

Intaas ka bacdi waxaa hadalka qaatay qaar ka mid ah isimadii ka biyo diidanaa in dhankastuu ahaadaba wada hadal lala galo somaliland,iyagoo sheegay inaanay marnaba ogolaanayn in wada hadal lala galo nimankaas dalka kusoo duulay waxa ay dalka ku haystaana xoog tahay.

 

Sidoo kale Caaqil Xaaji Maxamuud Cumar Camey oo ka tirsan cuqaasha waawayn ee SSC kana soo jeeda gobolka buuhoodle ee cayn,ayaa gaashaanka ku dhuftay isagoo sheegay inaanay marnaba macquul ahayn qorshahaas ay soo jeediyeen isimadaasi''' isimadii intii aaminsan arrintaas ama soo jeediyay ma matalaan gobolka Cayn namana matalaan dalka waa lagu soo duulay xoog ayaana lagu qabsaday mana aha in aan wada hadal wax ku raadino ayuu yiri caaqilku.

 

Shirkan isimada SSC ayaa indhawaydba soo jiitamayay iyadoo uuna wali kasoo bixin wax qodobo oo cusub amaba lagu sii xoojinayo qodobadii ay horey isimadu ugu heshiiyeen.

 

 

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Odyaasha ku sugaan Tukaraq oo hada badankoodii dib ugu noqdeen Garoowe,qaarna u ambabaxeen dhulkoodii ayaa waxay u kala qaybsameen qaar aaminsan in wadahadal lala galo maamulka Somaliland,iyo qaar aad u taageersan Puntland oo heshiis gaar ah kala dhexeeyo raga madaxda ka ah maamulkaas.

Afnugaal.com

This paragraph is where the credibility of this article falls apart. See, as agreed in boocaame, "wadahadal" of either kind was never on the table in Tukaraq. The point of the Tukaraq consultations was the organization of a military response, be it by SSC or Puntland. It would have been believable if the article said that there was a difference of opinion wither the effort would be spearheaded by SSC clans or puntland but to say they disagreed on something that was never on the table, wither talks should be state to state or SSC and Sland, gives the authers away.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Bugland wuxu ku khafiifay SSC iyo Puntland. Garaadada sharafta leh, kaalintooda way kasoo baxeen laakiin Cade Muse iyo Afqurac baa toodii gabay. LA way ka bixidoontaa gacanta fidmaada ee SL and you can take that to the bank.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   
Che ,LOL..You saw the first tittle too,I did and choose to ignore Jac little rant! Wilku meel baa laga haya! :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Don't change the subject and be evasive. It is not about the news and even if it is, the title of the first article is "Shirkii Odayo-dhaqameedka *********** uga socdey tuulaa Tukaraq oo lagu kala tegey" as reported by Afnugaal not " Blood Thirsty Garaads ". Waa anshax xumo waxaas, and not politically smart thing to do if man completely devoted to this secessionist.

 

I guess ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa. I thought you were actually better but you were weaved from thread as Suldaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa anshax xun kuwa dagaal iyo dhiig muslin ku baaqaya ee u guntan habeen iyo maalin sidii ay maatada ugu khamaari lahaayeen ,,,, they should be ashamed. Waxa ka sii anshax xun kuwa kula midka ah ee difaacaya ee raba dadka dhimanaya inay debedda iyo TV yada ka daawadaan lakin aan lahayn xiniinyo ay qori ku qaataan oo ay ragga isku arkaan ,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Spare me the dramatics. Don't see any difference between the thugs you support and the people you parade everyday from the rest of Somalia.If you care about people, you wouldn't have supported those who disrupted and risked peace in Northern Somalia. You have no qualms about seeing people perish as long as they are not part of your little cult and here you have audacity to tell me that men who want to live peacefully in their lands are being warmongers. Have some common sense and stop throwing fits like little girl. I know you would go any length to support your phantom government but do it some measure of decency that's if you are capable of doing that.

 

Jimco Wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I support my government and i support any government for Somaliland ,, that is what made me survive ,, that is what made me different from those vampires you support on Qabiil bases name them what you want ,,,,,,,,,

 

Peace and stability is my first name and no one is allowed to break it say it politician, businessman, garaad, suldaan, arday, etc.

 

Good to know that some of them are back to their sense and calling for peaceful negotiations after all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this