Sign in to follow this  
ANWAR

Dowladda KMG ah oo amartay in laga guuro goobaha ciidamada xoogga

Recommended Posts

ANWAR   

Mogadishu 07, May.07 ( Sh.M.Network) War ka soo baxay xafiiska abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia Gen. C/laahi Cali Cumar ayaa lagu sheegay in looga guuro muddo 5 maalmood goobaha ay leeyihiin ciidamada.

 

War saxaafadeed ka soo baxay taliska xoogga dalka Somalia ayaa waxaa lagu amray dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee deegaan ka dhigtay xarumihii wasaaradda G/dhigga mudada 16 ka sano ah ee dalka jahawareerka uu ka jirey in ay si deg deg ah uga guuraan.

 

Xarumaha la xusay in laga guuro ayaa waxaa ka mid ah Villa Baydhabo, wasaaradda G/dhigga, xarunta shirkole, wasaaradda tolmada, dhismayaasha ku dhow warshadda caanaha, xarunta Kulyadda, 77, Axmed Gureey, Guulwadayaasha, Istaraatiijiyadda iyo xarunta Horseed ee xoogga dalka, xero ruush, Isbitalka xoogga, iyo xeryaha ciidamada cirka, dhulka iyo badda.

 

Amarkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa sareeye guud C/laahi Cali Cumar.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli dhowaan wareegto ka soo baxday taliska booliska lagu sheegay in la baneeyo xarumaha ciidamada booliska.

..........................................

 

LONG LIVE SOMALIA ARMY

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this