General Duke Posted October 6, 2008 Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho. 6. oktober 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo kaabayaan ciidamada nabad sugayaasha Africa ay ku soo dhawadeen goobo galabta laga soo tuuray Madaafiic ku dhacday Agagaarka xarumaha dawladda Soomaaliya qeyb ka mid ah. Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa galabta qaaday talaabooyin ay ku beegsanayeen goobo ay ku tuhunsan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markii ay Kooxahan Hoobiyayaal ku tuureen Agagaarka Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya. Warar hoose oo ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in la qabtey qaar ka mid ah dad lugu tuhmayo in ay leeyihiin Masuuliyadii weeraradaasi oo ay ciidamada dawladdu markiiba tageen goobihii ay ku tuhmayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya Ama laga soo tuuray Hoobiyayaasha socdey. Sarkaal sarre oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gantaalaha garabka laga tuuro oo labo ah laga soo riday gudaha suuqa bakaaraha, taasna waa mid keentay in ay ciidamada dawladda Soomaaliya beegsadaan goobahaasi. Dadkii galabta dhintey waxaa tiradooda ay ku sheegeen saraakiisha caafimaadka ee magaalada Muqdisho 21 qof, dhaawacna lama shaacin tiradiisa ilaa & Imika waxa ayna ciidamadda dawladda Soomaaliya xireen wadooyinka soo gala Suuqaasi, waxaana la filan karaa in ay ciidamadu diidan yihiin in ay Suuqa ay galaan dad kana soo baxaan. Maanta ayaa ciidamada dawladda Soomaaliya ay qabteen sadex qof oo ay ku jiraan rag lugu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwasoo lugu qabtey halka ay waayahaan ka socdeen rabshadaha ee degmada Dharkeenleey, waxa ayna wararku sheegayaan in ay nimankan la qabtey loo gudbiyey Laamaha baaritaanada ee dawladda Soomaaliya oo su'aalo weydiin ku bilaabay. Qabashada ragan & hoobiyayaashii lugu qaaday Xarunta Madaxtooyada looga taliyo dalka Soomaaliya, ayaa ay isla xiriiriyeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo ay la xiriirtay AllPuntland diideyna in magacyadooda la xigto. War walba oo xaqiiqo ah kala soco www.AllPuntland.com Maxamuud Siciid Cabdi AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites