Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Adan Madobe attacks case closed Parliment rejects any talk of Sea deal

Recommended Posts

Muqdisho: “ Lama furi karo heshiisyada Badda ee ay diideen baarlamaanka Soomaaliya” Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.

15. oktober 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah Aaden Maxamed Nuur ayaa kaga dhawaaqay caasumada dalka Soomaaliya ee Muqdisho, in aysan jiri karin cid dib ufuri karta heshiiskii ay galeen dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya, isla markaasna ay diideen Mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay taasi tahay mid ka soo horjeeda Sharuucda udagsan dalka Soomaaliya.

 

Aaden Madoobe oo war-fidiyeenada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in aysan haba yaraatee jiri karin, cid dib ufuri karta qodobada heshiiskaasi, isagoo sheegay in ay taasi diideen mudanayaasha baarlamaanka KMG ah oo ay ku sheegeen kuwa looga soo horjeeda xornimada dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka baarlamaanka ayaa ka hadlay warqad ka tagtay Xaafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya oo uu saxiixay C/rixmaan Ibi, wuxuuna ku sifeeyey warqadaasi mid qalad ku ah sharciga udagsan TFG-da, isagoo uga digay Wasiirada dawladda Soomaaliya in ay ka fiirsadaan go’aamadooda iyo qaraarada ay gaarayaan, oo uu ku sheegay kuwa Qatar galinaya Madax banaanida Soomaaliya.

 

“ Lama furi karo heshiiskii Kenya, waxaa guud ahaan baabiyey qaraarkii baarlamaanka Soomaaliya ee ay gaareen 11-Ogoosto-009, cid ka hadli karta oo diidi karta heshiiska baarlamaanka KMG ah, ma jirto awooda ugu sareysa ee dalka waa baarlamaanka, lagamana hor imaan karo” Ayuu yiri Hadal hayeenka baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur.

 

Sheekh Aaden Madoobe ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku dhacayeen canaan kulul oo uga imaanayay Mudanayaasha baarlamaanka oo ku eedaynayay in uu ka aamusan yahay dal la dhacayo, oo uusan waxba ka oraneyn, ayadoo isaga lugu diray liiska dad lugu sheegay kuwa ushaqeeya dalal Shisheeye, balse ku jira hanaanka Siyaasadeed ee dawladda Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Aaden Madoobe ayaa ka jooga dawladdii uu hogaaminayay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, taasoo aad uga soo horjeeday in marnaba laga tanaasulo taako ka mid ah ciida Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaasna rumeysneyd in aysan waxba heshiis ah lagali karin dalal Shisheye, inkastoo xukuumadan hada ay gashay heshiisyo badan oo shaki ba’an ku abuuray dadka wadaniyiinta ee laabtooda ku weyn tahay Madax banaanida iyo Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoonka Barlamanka oo sheegay in aan dib loo furi Karin heshiiskii badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

 

Posted: 10/15/2009 5:02:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Gudoonka sare ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in aan dib loo furi Karin heshiiskii dhinaca badda oo ay horay u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

 

Shir gudoomiyahaasha kulamada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh aadan Max’ed Nuur Madoobe ayaa looga hadlay wadatashiyo ku saabsan furitaanka kalfadhiga Barlamanka iyo warbixino ay u soo bandhigayeen gudoonka Barlamanka Shir gudoomiyahaasha gudiyada Barlamanka.

 

Kadib kulankaasi ayaa waxaa saxaafadda kula hadlay Xafiiska gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe kaasoo wax laga weydiiyay warar dhawaanahan soo baxay oo sheegayay in warqad ka socota Xafiiska Ra’iisul wasaaraha loo gudbiyay Qaramada Midoobay si dhex dhexaadin ay uga dhex furto heshiiskii dhinaca badda ee wadamada Kenya iyo Soomaaliya oo ay horay u diideen Mudanayaasha Barlamanka dowladda kMG ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa sheegay in heshiiskaasi ay joojiyeen Barlamanka islamarkaana aysan jirin dib u soo nooleyn ku aadan Heshiiskaasi.

 

Heshiiskii dhinaca badda ee dhawaan uu diiday Barlamanka ayaa ahaa mid dhaliyay murun xoogan oo ka dhaxeeya golayaasha Barlamanka iyo Xukuumadda KMG ee Soomaaliya taasoo dhalisay gabi ahaanba in heshiiskaasi la joojiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this