Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Dr Bashi, Pro Toogane 150 other NRC;PICS

Recommended Posts

bashishirka.jpgDr. Baashi & Jaaliyadaha Dibadda Oo Hadallo Ka Jeediyay Shirka Dib U Heshiisiinta Q.

--

Muqdisho, Somaliya (Calanka) 29-Agosto-2007

 

In ka badan 150-xubnood oo ka socday jaaliyadaha dibadda ayaa waxa ey kasoo qeyb galeen shalay shirweynaha dib u heshiisiinta ayaa waxaa halkaas hadallo kasoo jeediyay gudoomiyayaasha jaaliyadahan oo ugu horeeyo gudoomiyaha jaaliyadaha dibadda Xasan Cabdi Camalow (Ghiaccio) iyo xoghaynta jaaliyadahan Dr. Maxamed Cabdullaahi Axmed (Baashi).

 

Gudoomiye Camalow ayaa ka jeediyay shirka dib u heshiisiinta qodobo dhowr ah oo ey ka mid yihiin in wasiirada aanan lagu koobin oo kaliya xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Xildhibaanada balse laga soo qaato jaaliyadaha dibadda ee iyagu qaarkood aqoon sareysa leh waxna kusoo kordhin kara xaaladda dalka Somaliya.

 

Wuxuu sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha kuna booriyay dowladda in safaaradaha laga furayo dibadaha ey marka hore dowladdu ku hor mariso wadamada ey Somalida ku badan yihiin si ey waxa ugu qabtaan Somalida ku dhaqan wadamadaas.

 

 

Gudoomiyaha ka dib ayaa waxaa microfonka lagu wareejiyay Dr. Maxamed C/laahi Baashi oo ah xoghayaha jaaliyadaha dibadda oo isagu ka jeediyay halkaa qudbad aad u dheer oo u dhacday sida tan.

 

Qudbadii Dr.Baashi:

 

SHIRKA DIB-U-HESHIISIIINTA QARANKA SOOMAALIYEED

 

Qudbadii jaaliyadaha dibadda

 

Shirgudoonka shirka dib u heshiisiinta ,xubnaha sharafta leh ee ka soo qeyb galay shirka,duubabka dhaqanka soomaaliyeed,gabdhaha iyo dhamaan ergada sharafta leh naga gudooma salaam diiran.

 

Anigoo ku hadlaaya magaca guddoomiyaha iyo kan jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibada ku nool waxaan mahad gaar ah u celineynaa shir gudoonka shirka oo xilweyn iska saaray isu keenidii iyo dajintii ka soo qeyb galayaasha shirka meel kasta oo ey joogeen taasoo eysan sahlaneen xilliga manta lagu jiro.

 

Mudane Gudoomiye uma baahna in aan waqti ku lumiyo sababihii ku kalifay jaaliyadaha dibada in ey isaga tagaan dhulkoodii hooyo hadana waxaa lagama maarmaan ah in la xuso inteenii damacsaneyd in ey helaan meel ey dhibaatadii ka jirtay dhulkooda uga baxsadaan hadana ey usuuroobi weyday waxaana tusaale noogu filan (inta ey baduhu qaadeen, inta ey bahaluhu cuneen iyo inta aan lagaraneeeynin meesha ey ku sugan yihiin ilaa iyo manta) hadana waxaan is tusnay in nolol maalmeedka dadka badankiisu ku xiran yahay soomaalida qurba joogta ah.

 

 

Anagoo taaska anba qaadeeyna hadii aan nahay jaaliyadaha isaga yimid shanta qaaradood waxaan fursadaan qaaliga ah uga faa iideysaneeynaa in aan idiin sheegno, in ummadda soomaaliyeed ee qurbaha ku nool uu ku dhacay dhaqan guur dhinac walba ah iyo iyagoo aan ku haysan wax xurmad ah iyo xorriyadii ey ku lahaayeen meelaha ey joogaan hadaba waxaan is tusnay inaan ka qeyb qaadano nabadeynta iyo dib u dhiska wadankeena .

 

Hadaba jaaliyadaha soomaaliyeed waxey taageerayaan qodobadii ey saxiixeen odoyaasha dhaqanka beelaha soomaaliyeed iyo culumaa udinka, wexey kaloo ku qanacsan yihiin shirkaan oo noociisa ah kii ugu horreeyay ee wadanka gudihiisa lagu qabto, ergooyinka oo u madax banaanaa rayi dhiibashadooda mujiyayna in soomaalidu aayeheeda ka tashan karto una baahneyn faragalin shisheeye iyo arrimahaaas aan soo sheegnay oo helay maamul ku haboon daadihinta shirkaas iyo afkaar ka mideysan najixinta shirka .

 

Jaaliyaduhu waxey mahad gaar ah u dirayaan ergooyinka shirka oo aqbalay in dib u heshiisiinta xal u tahay ummadda soomaaliyeed kuna gaaraan midnimadooda iyo qaranimadooda, baaqoodana waxey ku soo gaba gabeeyeen soomaaliyey (qabiil xun ma jiro ee qof xun baa jira ee aan iska qabano)

 

Hadaba si loo gaaro u joodoyinka shirka loo qabtay waxaan talo ku soo jeedin laheeyn. I

1-In beesha caalamku ka geysato taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed si wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiintu u noqodo soo celintii nadaamkii qaranimo.

 

2-In dib u heshiisiinta lagu saxiixay muqdiso laga dhaqan galiyo gobolada iyo dagmooyinka oo dhan si ey nabadeyn buuxda u gaarto.

 

3-In dabagal lagu sameeyo qodobadii lagu heshiiyay dhaqan galintooda..

4-In murq iyo maskaxba aan isugu geeyno si fursadaan qaaliga ah eysan markale nooga lumin iyo ugu danbeyntii halku dhageenu ha ahaado soomaliya waa mid koox iyo qabiilna uma qeybsanto.

 

SOOMAALIYA HA MIDOWDO

 

SCW

DIYAARIYE

 

Dr. Maxamed Cabdullaahi Axmed (Baashi)

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Dibada Ee Shirka dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed

Xasan Cabdi Camalow (Ghiaccio)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Jaaliyadda Dibada Ee Shirka dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed

Xasan Cabdi Camalow (Ghiaccio)

Is this Xasan Camalow of Washington DC of reer Camalow? If so,walle Somalia wax baa umaqan. Gediid,Confirm this bal smile.gif

 

 

bashishirka4.jpg

 

Look at his body Language? The face,posture & the eyes depict a frightened man. What are the chances of him yapping about his rivals as he did when he was in Vancouver,behind a computer?

 

Its Home to roost for Toogane i guess? Will he now become the minsiter for Propaganda?

Share this post


Link to post
Share on other sites

F-BROWN, If he was so frightened he would not be there would he now?

 

Anyhow all the threats and the hot air made by the clown courts and their ever desperate supporters is coming to naught.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Duke:

F-BROWN, If he was so frightened he would not be there would he now?

 

Anyhow all the threats and the hot air made by the clown courts and their ever desperate supporters is coming to naught.

Asalaam Aleykum Brother Duke?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Nice pics, thats for the report Duke.

 

Togane is in Somalia, Ooh at last, I thought he will never get back to Mogadishu after his **Stuff** out on holliday chilling in Hawai.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this