Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Puntland security forces capture would be highjackers

Recommended Posts

Cidanka ammaanka Boosaaso oo qabtay labo nin oo isku dayey afduub diyaarad ka kacday garoonka Boosaaso.

 

Boosaaso, Nov 02 - Ciidanka ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ku tallaabsaday fal afduub diyaaradeed ah, taas oo ka dhacday garoonka diyaaraha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Diyaaraddaan oo ahayd nooca rakaabka qaada oo ay la ahayd shirkadda Dallo Airlines ayaa waxaa afduubtay labada nin oo sida la sheegay ku hubaysanaa baskoolada kuwaasi diyaaradda afduubtay kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaraha ee magaalada Boosaaso ee Bandar Qasim Airport, isla markaana wadaha diyaaradda ku wargaliyeen in uu ka dajiyo garoonka degmada Lasqoray ee gobolka Sanaag sida laga soo xigtay qaar ka mid ah rakaabkii diyaaraddaasi saarnaa.

 

Diyaaradda ayaa dib ugu soo laabatay garoonka diyaaraha ee magaalada Boosaaso oo ay markii hore ka kacday, halkaasi oo ay isku gadaameen ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso isla markaana ay ku qabteen labadii nin ee falkaan afduubka ah gaystay oo sida la xaqiijiyey midkood uu dhawac ahaa xilligii ciidanku gacanta ku dhigeen.

 

Nimankaan oo sida la sheegay ku hubasynaa baskoolado ayaa la dagaallamay ciidanka ammaanka, mana jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa toona, marka laga reebo mid ka mid ah labadii afduube oo dhaawac soo gaaray sida ay idaacadda Daljir u xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Boosaaso.

 

Diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa oo badqaba ayaa u kicitimay magaalada Jabbuuti ee caasumadda Jamhuuriyadda Jabbuuti oo ay markii hore ku sii jeeday.

 

Labadii nin ee gaystay falka afduubka diyaaradeed ah oo mid dhaawac yahay ayaa hadda lagu hayaa xarun bileyska Boosaaso ay leeyihiin halkaasi su’aalo lagu weydiinayo, waxaana sidoo kale la qabtay hal nin oo kale oo la sheegay in uu falka wax ka ogaa.

 

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ay soo saareen saraakiisha amnigu, hase ahaatee waxay tilmaameen in ay wadaan baaritaan la xiriira ujeedda afduubka iyo wixii looga gol lahaa.

 

C/fitaax Cumar Geedi,

Idaacdda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

ajaanib_duuleysa.jpg

ajaanibta.jpg

 

Bosaso: Tafaasiil Afduub lala damacsanaa Diyaarad

2 Nov 2, 2009 - 7:32:14 AM

 

Ajaanib ka duuleysa garoonka diyaardaha Bosaso

 

Waxaa maanta 2 Nov,2009 ka baxsatey afduub lala damacsanaa mid kamid ah diyaardaha rakaabka ka qaada Puntland kadib wax-yar kadib markii ay ka kacdey garoonka magaalada Bosaso.

 

Sida Garowe Online ka ogaatey sarakiisha ciidamada Amaanka ayaa Labo nin Bistoolad ku qabteen dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa kuwaasoo ku amrey duuliye-yaasha in ay ku dagto Laaqorey.

 

Gudaha Terminalka Bosaso

 

Wararkaan ayaa sheegaya in duuliye-yaashii xirteen albaabkii laga galayey qolka laga hago diyaarada kadibna dagaal uu dhexmarey rakaabkii iyo afdubayashii taasoo sababtey rasaas dhacday islamarkaana dhaawacday mid kamid ah afduubayaasha.

 

Rakaabka diyaarada ayaa markii dambe ka awood roonaadey afduubayaasha iyada oo si nabad dib ugu soo cagadhigatey Garoonka Bosaso halkaasoo ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigeen labadii nin oo siku dayey in afduubkaan.

 

Labadaan nin oo mid dhaawac yahay ayaa waxaa waxaa iminka gacanta ku haya ciidamada amaanka Puntland kuwaasoo su'aalo waydiinaya.

 

Lama oga kooxaha ay ka tirsan yihiin iyada wadanka Somalia jiraan ururo siyaasada kala duwan aaminsan.

 

Diyaradan oo mar kale dib u kacdey ayaa waxa wararka qaarkood shegayaan in ay saarnaayeen labo qof oo u dhashay dalka Jarmalka kuwaasoo saxafiyiin ahaa.

 

Ciidamada amaanka Bosaso ayaa mar dambe xirey Wariye dhagjar oo suxufiyiintaan ku marti galiyey Puntland.

 

Garowe Online ayaa xiriir la sameysay saraakiisha amaanka si uu wax uga ogaado sababta loo xirey suxufigaan iyaga oo u sheegey iney baarayaan xiriirka u dhexeeya afduubka la damacsanaa diyaarada iyo saxafigaan kasoo ka amababixiyey Garoonka Bosaso.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in afdubyaashan damacsanayeen iney qafashaan labadaan qof oo Jarmalka islmarkaana la galaan buuraleyda ku xeeran degmada Lasqorey.

 

Dowlada Puntland gaar ahaan Wasaarada amniga ayaa baaritaan ku haysa sababta keentey in hub lala dhaafo iridaha lagu baaro rakaabka diyaarada ka raacaya Garoonka Bosaso.

 

Dhowaan ayey aheyd markii maamulka Puntland iridaha u furey Terminalka cusub ee magaalada Bosaso kaasoo leh dhamaan agabkii loogu tala galey garomada calamiga ah.

 

Garowe Online,Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this