General Duke Posted February 13, 2009 Al Qaida oo ku baaqday in lala dagaalamo Dowlada Somaliya Friday, February 13th, 2009 at 6:56 pm Horseed Media Jabuti, Jabuti Abu Yahya Al Libi oo kamid ah hogaamiyaasha AL Qaida ee Qaarada Afrika ayaa maanta shaaciyey Filim uu ugu baaqayo kooxaha taageera inay la dagaalamaan Dowlada cusub ee Soomaaliya. Al Qaida ayaa dowlada cusub ee Soomaaliyeed ku tilmaamay mid ay soo dhistay Dowlada Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigay Abu Yahya Al Libi oo maanta filim ku shaaciyey shabkadaha internetka. Hadalkan ka yimid Al Qaida ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii uu Afhayeenka Al Shabaab Abu Mansuur uu wareysi uu siiyey Horseed Media ku sheegay inaysan la heshiin doonin dowlada uu hogaamiyo Shiikh Shariif Axmed. Abu Mansuur ayaa ku tilmaamay dowlada Soomaaliyeed mid lamid ah tii kahoreysay asagoo ku nuux nuuxsaday inay sii wadi doonaan dagaalkooda. Al Qaida ayaa hanjabaadan soo saartay ayadoo uu Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed magacaabay Ra’iisul Wasaarihiisa soo dhisi doona Xukuumada cusub. Hadaba waxay shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan xiliga fursada ay u heli doonaan nabada iyo in ay dib uga soo kabtaan dagaaladii dalka iyo dadka Soomaaliyeed la degay 20kii sano ee lasoo dhaafay. Source: Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites