Sign in to follow this  
Somalina

Al Shabaab oo gowracay oday dhaqameed Hiiraan caan ka ah

Recommended Posts

Somalina   

Al Shabaab ayaa shalay gowrac ku dilay meel fagaare ah, mid ka mid ah odayaal dhaqameedyada aadka looga yaqaanno gobolka hiiraan.

Dilka oo shalay galab ka dhacay tuulada Jiiqeey oo 21 Km waqooyi galbeed kaga began degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa yimid markii ay goor hore oo galabnimadii ah Al Shabaab soo qabteen wiil uu dhalay odayga la dilay, waxayna ku khasbeen inuu u geeyo aabihiis, oo ay isna gacanta ku soo dhigeen. Al shabaab oo odayga wata ayaa degdeg ugu wargeliyey in dadka deegaanka ay isugu soo baxaan meel fagaare ah, halkaasoo ay dhigta dhiigga ugu dareen nabadoon Maxamed Daangaab oo ahaa oday dhaqameed aad looga yaqaanno deegaannada gobolka Hiiraan, da’diisuna ahayd 76 jir.

Gawracaas oo lama filaan ahaa ayey dadkii isu soo baxay argagax ka qaadeen, ka dibna waxaa si khasab dadka kula hadlay mid ka mid ah ragii watay maleeshiyada Al Shabaab oo u sheegay inay tahay farriin ay u gudbinayaan dadka deegaanka Jiiqley, halkaasoo hadda ka hor weerar loogu gaystay Al Shabaab, loogana dilay in ka badan 10 nin oo maleeshiyadooda ka tirsan mar ay halkaa marayeen.

Ninkaas Al Shabaab ka tirsan wuxuu dadkii dhagaysanayey ugu hanjabay haddii mar kale weerar lagu qaado ama dadka deegaanku ka hor yimaadaan Al Shabaab in dilal kale oo gawrac ah ay u gaysan doonaan dadka la yaqaanno ee bulshada magaca iyo sumcadda ku dhex leh.

 

Waa markii ugu horraysay taariikhda Al Shabaab iyo tan soomaaliyaba ee maamul deegaanno soomaaliyeed ka taliya uu si foolxun fagaare ugu dilo shaqsi bulshada qiimo ku dhex leh, oo welibana dadweynahana loo sheego in ruuxaas uusan dambi gaysan, laakin loo gawracay si inta kale ay farriin ugu noqoto.

 

Source: Bar-kulan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waa dhacdo aad iyo aad u fool xun, Allah ha u nariistu marxuumka

 

 

Waxaanu Allah ka baryaanaa inuu dadka Muslimiinta ah ka qabtu dhalintan shabaab la baxay ee diintu ku cusub tahay, khalad weyn bey ka fahmeen diintii

 

Qofku hadii uu danbi galo, waa in maxkamad la geeyaa, maxkamad la hor keenaa, mudo socota, xukunkana waa inay ridaan dad ku takhasusay sharciga islaamka ama mid kale

 

Lakiin in muwaadin in meel fagaara ah lagu gowraco ayadaaba ah danbi weyn

 

 

Soomaalia waxey ka hor muslintay wadamada carabta iyo kuwa muslimiinta intooda badan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin ku saabsan dil Hooyooyin loogu geystay Beledweyne

 

Weerarkaan oo dhacay shalay abaaro 12 duhurnimo ayaa waxaa ku geeryooday hooyo Soomaaliyeed oo da’ ah halka ay ku dhaawacantay mid kale.

 

Falkaan naxariis darrada ah ayaa waxaa gaystay labo wiil oo yar yar kuwaas oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 14 jir iyo 15 jir, waxaana ay ka tirsanaayeen carruurta yar yare ee Alshabaab ay ka soo duufsadeen reerahoodii.

 

Hooyada dhimatay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhuubo Garwayne waxaana da’deeda lagu sheegay 60 ilaa 70 sano inta udhaxaysa, taas oo ku howlaneyd Sameynta Salliyada (Dirin), xaafad ku taalla Gudaha degmada Beledweyne.

 

labo wiil oo yar yar ayaa u yimid Maama Dhuubo oo iska joogta halkii ay ku soohaysay (falkineysay) dermaha, waxaa ay ku dhaheen salaadda aada, waxay ku tiri salaadda waa ii dhawran tahay waana aadayaa, markaas ayaa labada wiil kii yaraa jeedal (karbaash) ku bilaabay, iyaduna waxay la qabsatay jeedalkii kaddibna wiilki la socday ayaa xabad ku furay
, sidaas ayay ku geeryootay” ayuu yiri goobjooge ku sugannaa meel u dhaw halka uu falkaasi ka dhacay.

 

Wararka aanu ka helayno Beladwayne ayaa intaasi ku daraya in hooyadaan aanay caafimaad qabin oo ay wax uga dhimanaayeen maskaxda isla markaana ay ahayd qof waayeel ah oo nolosheeda ka soo saran jirtay samaynta saliyada (Dermaha).

 

Haweenayda dhaawacantay ayaa iyana waxaa lagu magacaabaa Mayran Goobe, waxaana da’deeda lagu sheegay inta udhaxaysa 50 ilaa 60 jir, waxaa ay la joogtay hooyada geeriyootay Dhuubo Garwane, rasaasta ayaa haleeshay iyadoo hadda lagula tacaalayo goob caafimaad oo ku taalla Beladwayne.

 

Weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee maleeshiyada Al-shabaab ay ku hayaan haweenka Beladwayne ayaa walwal ballaaran ku dhaliyay haweenka halkaasi ku nool kuwaas oo mucjiso iyo la yaab ay ku noqotay markii ay arkeen rag ku tartamaya dilka haweenka si sharci darro ah, taas oo ka sakoow ay ka soo horjeedo Diinta Islaamka haddanna ka baxsan dhaqanka dadka Soomaaliyeed oo ku salaysnaa in aan haweenka la dilin iyo guud ahaan dadka loo yaqaano Birimagaydada.

 

Dhawaan ayay ahayd markii labo gabdhood oo da’ yar ay isla maleeshiyada Shabaabku ku dishay meel fagaare ah oo ku taalla magaalada Beladwayne, iyagoo ku eedaynaya in ay u basaasayeen dawladda Soomaaliya, taas oo ay beeniyeen ehellada gabdhahaas, hase ahaatee waxaaba su’aali ka taagan tahay dilka dadka u shaqeeya dawladda Soomaaliya oo uu sal u yahay ku dhaqanka shreecada Islaamka.

 

Duurjoogtaan ayaa diin iyo wax inay xukumaan kuu sheeganaayo. Actually, duurjoogtada weyba ka daranyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaalayaal ogaada ilaaha weyn al shabaab waxey sameeynayaan ilaaha la xisaabtamaya maalinta qiyaama ciqaabta ay muteysten ay helaayaan. Ducada badiya inshallah waxaan waa dhamaahee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Subhaan Allah. Waa arin la yaab leh.Ilaahay ha u naxariisto marxuunka. Al-shabaab waxaays iyo wax ka daranba waa soo wadaan ha sugi waayina.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this