General Duke Posted December 22, 2006 Muqdisho: Maxkamadaha oo sheegay in Barri dagaal aan la arag ay qaadayaan . Jimce, December 22, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalladii labadii maalmood ee ugu danbeeyay dhacayay inaysan ahayn dagaallo waawayn, hase ahaatee kuwo aan horay loo arag maalinta bari ah inay bilaabi doonaan. " Ciidamadeennu wali weerar ma qaadin , laga bilaabo bari weerarku waa bilaaban doonaa " waxaa sidaasi yiri ku xigeenka afhayeenka maxkamadaha Sheekh Ibraahim Shugri. Maxkamaduhu waxay sheegeen inay qaadayaan dagaal aan joogsan doonin , cawaaqib xumadiisana ay arkaan ciidanka dalka Itoobiya. Sheekh Xasan Daahir Uways oo maxkamadaha madax u ah wuxuu sheegay inay qabteen maxaabiis aan tiradooda la qiyaasi karaynin , saxaafaddana ay usoo bandhigi doonaan. Sheekh Maxamuud oo asaguna kamid ah maxkamadaha ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidanka Itoobiya ay isu soo dhiibayaan ciidanka maxkamadaha , ayaguna ay qorshaynayaan sidii ay dalkooda si nabad ah ugu celin lahaayeen. Maxkamadaha Muqdisho waxay sheegeen inaysan dagaalkaba ka galin ciidankooda marka la eego 10% in kabadan, maalinta bari ah iyo wixii ka danbeeyana waxay ballan qaaden dagaal xooggan. Xiisadda deegaananda dagaalladu ka dhacayeen maalmihii ina dhaafay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalladu saamayn ku yeesheen shacab fara badan. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites