Sign in to follow this  
Siciid1986

Warbixin Ku Saabsan Muuqaalka khayriyada Gudmo-biyo-cas: Deegaan Hodan Ah...

Recommended Posts

gudmo3.jpg

 

gudmo4.jpg

 

gudmo6.jpg

 

 

Warbixin Ku Saabsan Muuqaalka khayriyada Gudmo-biyo-cas: Deegaan Hodan Ah Oo Dawlada Somaliland Moogan Tahay! Mise waabay Ilawday?

 

 

 

Ceerigaabo (Oodweynenews)- Gudmo waxay dhacdaa galbeedka magaalad ceerigaabo una jirta 95 km juqurafi ahaan waa meel udhaxay xeebta iyo oogada ahna dhulka loo yaqaano Guban, Gudmo waa meel camiran Xagaa iyo jiilaalba sababtoo ah waa meel aan aad u kululayn marka loo eego gubanada kale. hadaba hadaynu eego dadka Gudmo waa meel kulansatay oo ay ku nool yihiin dad tiro badan oo gaadhaaya ilaa 19400 oo qof , lagana heli karo dhamaan qabiilada ay soomaalidu ka kooban tahay badankooda , waana kuwa ugu faca weym magalooyinka kuyaala G/sanaaga .

 

Hadaba inagoo ka warami doona qaar kamid ah taariirkhdii ay gudmo soo martay , dhaqamadeeda dhaqaalaheeda , qaabka iyo muuqeeda ,Nimcooyinka uu Ilaahay ku manaystay ,ka madhnaan shaha Hayaayadaha Dawliga ah iyo kuwa maxaliga ahba, wax qabadka shacabka , ku tiir sanaanta wax soo saarkooda , xaga suugaanta iyo sii haysashada dhaqanka kiisii wacnaa , istaraatiijiyada wadooyinka ufuran .tan amniga iyo tan dhaqaalahaba.

 

Intaynaan utegin waxyaabahaas oo dhan ee ay khaas ka la noqotay , bal aynu taariikhdeeda wax ka tilmaano , gudmo waa magaalo fac wayn oo lasoo yiiley ilaa mudo ku dhow 65 sano markii hore waxay ku bilaaban tahay iyadoo ahay rugtii beeyada laysugu keeni jirey lahaydna halwado oo ufuran dhinaca xeebta oo qudha halkaasna laga dhoofinjirey dekadaha Xiis Shalcay Berber iyo weliba maydh, dhamaantood bucshadaha ka soo digana dekadahaas wuu soo gaadhi jirey iyadoo lagusoo bedeshey beeyadii iyo haragii ay dhoofiyeen , lana soo waridey bucshado cusub sida raashin dhar weel qalab kala duwan mid dhismey iyo mid farsamoba , sidaas daraadeed gudmo malahay wado isku xidha dhica Oogada marka laga reebo ta soo wareega ah ee xeebaha ka soo laabanaysa , hadaba waxyaabah layaab kaleh ee ah wax qabadka bulshada taas oo aanay dawlad iyo haayadoba aanay ka taageerayn wax qabadkeeda oo bulshadu udhar adaygtay siday uga midhi dhalin lahayd, horuumarka dalkeeda waxaana ka mid ah wadada dheer ee isku xidha Oogada iyo xeebta sida Ceerigaabo iyo Gudmo ama Yufle, iladgugma ,Daryare, suudho Gudmo , Daris Xiis Shalcay ilaa ber bera iyo xaga bariga oo dhan .wadadaas oo ay bulshada halkaas taalaa iska kaashadeen cidkastoo aragtaana aanay uqaadanayn in ay bulsho samaysay ayna moodayaan in kenbeniyaal shisheeye sameeyeen.

 

 

Hadaba bal aan khayraadkeeda wax ka taabano , Gudmo waa meel khayrad aad ubadan leh , kagana duwan wadanka intiisa kale marka loo eego , gudmo waa meel ay hoos yimaadaan deegaano aad u balaadhan oo iyana ay ku hareeraysan yihiin khayraad aad ufara badan .

 

Bal aan qaar ka mid ah khayraad ka iyo dhaqaalaha ay leedahay Gudmo aan tilmaano

 

1. Geed xabkeedka oo dhan iyadoo hoy u ah ,sida beeyada oo dhamaanteed ay ku taalo lagana helaayo noocyadeeda oo dhan , sida moxorka (fooxa) maydiga labadaas nooc oo loo yaqaano Beeyada oo usii kala baxda dhawr qaybood oo xabko ah sida Musabi Buddo Koorib Marbuush iyo qolof , qaybaha Xabkaha waxaa kaloo kamid ah Malmala oo laga guro geedka dhidinka loo yaqaano , xabag cadaadeedka iyo qaarkaloo badan oo ah geed xabkeed ukhaas ah gudmo iyo nawaaxigeeda .

 

 

 

Muuqaalka xabagta beeyada ee Maydiga (Musafi)

 

2. Xoolaha nool oo ah lafdhabarta soomaalida oo ay gudmo qani kutahay

 

3. Beeraha oo gudmo ay leedahay beero badan iyo kuwo kale oo degaan ahaan ku wareegsan.kuwaas geedaan ahaan ku wareegsan waxaa kamid ah beeraha waaweyn ee layidhaahdo Daris oo dhaca dhinaca Bariga Gudmo una jira ilaa 4km waa beero aad ubalaadhan oo laga beero khudaarta noocyadeeda kala duwan , xabxabka oo wakhtigeer uu aad uga soo go’o uuna gaadho meelo far badan oo dalka ka tirsan sida Ceerigaabo Burco Berbera iyo weliba dhinaca bariga sida Badhan iyo boosaaso waxaad garan gartaa waxsoosaarka gaadhaaya goboladaas oo dhan in uu yahay khayraad badan , Darisi waa beeraha wax soosaar keeda ugu weeyni uu yahay cunada adag sida Galayda iyo hadhuudka , kadibna iyagu dib usiticmaala baaqigana ganacsi ahaan usii iibiya , Beeraha waxaa kaloo kamid ah Buluuluco , Qooxalehe, iyo deegaano kale oo balaadhan oo hoos yimaada sida suudho iyo dheef lo’aad dhamaan beerahaas aynu soo sheegnay waxay ku yaaliin deegaamo ka tirsan Gudmo biyo cas , waana beer wiyeer dhamaantood , si toos ah loo beeto wakhti kasta.

 

Muuqaalka Daris iyo Waxsoo saarka ay leedahay sida Xabxaka , Galayda iyo Noocyada Khudaarta eek ala Duwan

 

4. Qoriga sida dhamaska oo aad ugu fara badan iyo geedka Madaahda oo haatan meesha keliya ee ay dalka kaga sii hadhay san ay tahay udmo oo qudha ,qorigeedana laga sameeyo alaab fara badan oo kala duwan sida Albaabaan, Daaqadaha , kuraasta , Miisaska iyo weliba Roomadaha guryah lasaaro (qoray saarka guryaha, halka balkeedahan guryaha iyo hoon soonyinka lagu dhisto xadhkona laga sameeyo .

 

Muuqaalka Qoriga iyo khayraadka ugaarka ah ee Gudmo biyo cas

 

5. Xiga yo xaskhusa oo laga sameeyo dhamaan noocyada Xadhkaha kala duwan, khasatan laga sameeyo dhirta ay ka mid yihiin Mooliga iyo Xaskushuba ,

 

6. Maydhada oo iyna ukala baxda dhawr qaybood , gudmo waa meesha keliya ee haatan dalka kagaga hadhay, waxaana loo isticmaalaa qaybo kala duwan sida dermooyin , cawsaska oo lagu sameeyo , kolyaha alaabta lagu guro , saladaha , dhiilaha , haamaha iyo doobiyada , qaar kaloo badan oo kala duwan , geedka maydhada layidhaahdo Mar waa cunto oo waa geedkii lagu baxsaday 1918-1922 waagii saydika Maxamed cabdule xasan iyo Gumaystuhu uu dagaalka qadhaadhi dhexmaraayeen , waageedka leh midho timirta oo kale ah lana yidhaahdo Awaag waa nooc timirta kamid ah , geedkaas oo aad gugu badan ,

 

Hadaba waxaa iswaydiin leh waa meel sidee u eg gudmo maxay kaga duwan tahay dalka intiisa kale dhaqmadeeda iyo qaabkeeda , hadii aynu ku horano wax yaabaha layaabka leh ee gudmo u khaaska ah aduunkana aanay meelina lawadagin , lana odhan karo waxay kamid miyhiin Mucjisooyinka Caalamka waa Biyo dhawr nooc ah oo meel wada maraaya sida biyo macaan iyo kuwo qadhaad , biyo kulul iyo biyo qabow oo meel wada maraaya oo hadii aad saqa dhexe aad ubaahato biyo diiran aad helayso hadii aad ubaahato kuwo qabona aad helayso , waa meesha keliya oo adoo fadhiya aad labadaada gacmood kula qabanaysid biyo macaan iyo kuwo qadhaadh , kuwo kulul iyo kuwo qabow ,

 

Biyaha layaabka ah ee ay Gudmo ku khaaska tahay qaar qabow qaar kulul , qaar macan iyo qaar qadhaadh

 

Dhinaca kalena waa meesha keliya ee laga helo geedka looyaqaan Madaahda ama timo dheerta oo ah geed faa’iido badan leh aadna udheer oo gaadha ilaa 80 Miter geedkaas oo ah mid hadeer ka dabar go’ay dalka intiisa kale .

 

Gudmo waa magaalo cagaaran oo dhinacyo badan ay ka xidgan dhir kayn ah iyo beero ay ku wareegsan yihiin .

 

Xaga dawlada iyo wax qabdkeeda Gudmo waa meel la odhan karo dawladu way ilowdey amaba umaba diiwaan gashana marka la eego sida aanay uga war hayn , ama waxay ka wardoontaa wakhtiga doorashooyinka oo sanduuqay geysataa , waa meesha keliya ee dadka intaas le’eki ku noolyihiin ee aanu joogin qof shaqaale dawladeed ahi , maleh goob dadka cashuurata lagaga qaado , maleh goob boolis oo dadka amingooda laga ilaaliyo , waa meesha keliya ee dadka bulshada intaas le’egi ku dhaqantahay ee aanay madaxda gobolka iyo degmaduba weli tegin kuna taala galbeedka Magaalada Ceerigaabo hoosna timaada degmada ceerigabo , waxaa la odhan karaa Gudmo mataqaano macayada madaxda gobolka Degmada amaba dawlada oo dhan laakiin waxay qaar kamid ah kamaqashay cidaacada BBC landan , weligeed halmar ayaa waxaa soo maray wefti uu hugaaminaayey wasiirka wasaarada Qorshaynta qarak Mr Sanyare , waxaa la odhankaraa halkaas mar ayay arkeen cid sidata shaadh dawladeed oo sare marka laga reego boolika oo marmar taga , malaha goobo caafimaad MCH iyo dhakhtarba , dhinaca iskuulada waxaa jira hal iskuul dugsi H/Dhexe oo ay bulshadu iyadu gacanta ku hayso halka halmacin aanu dawlada mushahar ka qaadan ,aanayna ku jirin tabarbarada macalimiinta (Scott ) , ayna qalabka dadkoodu u iibiyaan , mar aanu waraysi layeelanay Maamulaha Dugsiga Gudmo biyo cas, maamule Saciid cali shaywaal waxa uu noo sheegay in aanay dawladu wax waxtar ah oo xaga wax barshada ah oo lasheegi karo in aanay kasoo gaadhin,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this