Cowke Posted March 26, 2010 Dab Khasaare Sababay oo Maanta Qabsaday Xero Qoxooti oo Ku Taalla Boosaaso (Sawiro) Boosaaso (RBC Radio) Dab xoogan oo khasaare sababay ayaa maanta baabi’iyey qeybo ka mid ah xerada qoxootiga ee ‘100 Buush’ ee magaalada Boosaaso. Dabkan oo bilawday saaka waaberigii ayaa burburiyey in ka badan 100 guri oo ka mid ah xerada qoxootiga halkaasi oo ay ku noolyihiin dad ka badan 5,000 oo barakacayaal ah. Khasaaraha rasmiga ee dabka ayaa la filayaa inuu ka bato inta la og yahay maadaama ay xerada qoxootiga ee gubatay tahay meel isku raran ah isla markaanu aanu weli jirin tiro koob rasmi ah oo lagu sameeyey. Shaqaalaha waaxda dab demiska Magaalada Boosaaso ayaa gurmad ay sameeyeen ku guuleystay inay dabkan demiyaan, wallow ay aad u koobnayd awooda ay leeyihiin shaqaalaha dab demiska oo ku shaqeeya hal gaari oo kaliya. Qaar ka mid ah dadka degan xeradan qoxootiga ee dabku qabsaday ayaa u sheegay RBC Radio in sidoo kale ay jirto hanti isugu jirta qalabkii jiifka iyo agabkii guryaha ee ay heysteen dadka barakacayaasha ah oo ku basbeeshay dabkan. Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabku uu ka bilawday guri ay reer deganaayeen iyadoo dabku uu markii dambe ku fiday guryaha aaga ka dhowaa oo dhan. Waxaa la arkayey dad badan oo ka mid ahaa dadkii ku noolaa guryaha gubtay oo ka firxanaya guryaha gubtay iyagoo carruurtooda gacmaha ku sita isla markaana raadsanaya meel ay carruurtooda la gaaraan. Waxaana gurmadka dadka kala qeybqaatay dadweynaha reer Boosaaso ee degan agagaarka xerada qoxootiga oo ku dhextaalla magaalada. Qaar ka mid ah dadka khasaaraha soo gaaray ayaa ku cataabay inaysan heysan meel ay ku noolaadaan ama ay hoy ka dhigtaan maadaama ay guryahoodii basbeeleen. Waxayna codsadeen in gurmad loo sameeyo. Masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada Boosaaso ayaa booqasho ku tegey xerada qoxootiga ee gubatay iyagoo soo eegay xaalada ay ku sugan yihiin qoysaska ay hoy la’aantu soo foodsaartay, waxaana baaq ay soo saareen masuuliyiintu kaga codsadeen dadweynaha iyo ganacsatada in la caawiyo dadka walaalahood ah ee ay dhibaatadu soo gaartay. Duqa magaalada Boosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje ayaa baaq uu soo saaray waxaa uu u jeediyey hay’adaha samafalka ee ka hawlgalka gobolka iyo ganacsatada degaanka inay gurmad u sameeyaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkan. Waxaana sida duqa magaaladu uu sheegay in galabta kulan ay la qaadan doonaan dhamaan hay’adaha samafalka si ay ugala hadlaan dhibaatada dabkan iyo sida wax looga qaban karo. Dabka noocan oo kale ah ayaa inta badan ku soo noqnoqda magaalada Boosaaso gaar ahaan xilliyada xaggaaga oo dabeyluhu ay ku badan yihiin magaalada. Waxaana maamulka degmada uu ku celceliyey in loo diyaargaroobo sidii looga hortegi lahaa dababka iyo in loo gurmado khasaaraha ka dhalan kara dababka noocan oo kale marka ay bilawdaan. Sawirada: Maxamed Xasan Quote Share this post Link to post Share on other sites