Sign in to follow this  
MoonLight1

SOMALIA: The next TORA-BORA.

Recommended Posts

Al-Qaacido oo Somaliya kusoo qul-quleyso

 

 

Sida ey qortay wakaalada wararka REUTERS ayaa waxaa kusoo qul-qulaya dalalka Somaliya iyo Yemen dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Qacida, kuwaasoo kasoo hayaamaya dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Ciraaq.

 

Warkan ayaa waxa ey kasoo xigatay wakaaladu sarkaal ka tirsan quburada sirdoonka Mareykanka, waxaana warbixintaasi lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsan ururka argagixisada Al-Qacido ey si xowli ah ugu soo qul-qulayaan Somaliya iyagoona islamarkaa ku biiraya kana bar-bar dagaalamaya kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaan ee gacan saarka la leh ururka argagixisada aduunka ee Al-Qacida.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka Yemen ey sidoo kale galeen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Qacida, balse warbixinta ayaa lagu sheegay in ey aad u yartahay tirada gashay Yemen marka loo fiiriyo tirada dagaalyahan ee Al-Qacida ee mudooyinkii u dambeeyay galay dalka Somaliya oo ey horay ugu sugnaayeen in ka badan 1000-dagaalyahan oo ururkaasi ka socda.

 

Kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo mucaarad ku ah dowladda Somaliya ee uu garwadeenka ka yahay m/weyne Sheekh Shariif ayey warbixintu sheegtay in ey gabaad siiyaan dagaalyahanadan ka socda Al-Qacida, inkastoo ey horay u cadeeyay arinkaas oo eysan ka gaban.

 

Dowladda Somaliya ayaa dhinaceeda horay u sheegtay in dalka Somaliya uu khatar ku jiro oo ey usoo dagaal tageen kumanaan dagaalyahanno oo Al-Qacido ka tirsan oo kasoo hayaamay dalalka Afghanistan, Pakistan, iyo Ciraaq, waxaana ey dowladdu sheegtay in dagaalada iminka ka socda caasimadda Somaliya iyo gobolada qaar ee lagu laayay kumanaanka Somalida islamarkaana lagu barakiciyay ey hogaamiyaan kooxo ajaanib ah oo wajiyada u feydan yihiin qaarkood.

 

Si kastaba ha ahaatee wararka sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay ey Somaliya ku qul-qulayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxaha Argagixisada ayaa isa soo taraya, iyadoo horay u sheegay Mareykanku in ey ku sugan yihiin Somaliya in ka badan 1000-dagaalyahanno Al-Qacida.

 

 

Calanka.com:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this