Jacaylbaro Posted March 31, 2008 Hargeysa- (Hormoodnews)Qarax bam oo laga maqlayey meelo badan ayaa xaley gilgiley guri ku yaal shacabka Hargeysa.Qaraxan oo aan wax khasaare ah aan geysan ayaa lala beegsadey guriga wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cabdi Xasan Buuni. Lama garanayo ujeedada qaraxa iyo cidda ka dambeyseyba, haseyeeshee booliiska ayaa sheegey in ay wadaan baadhitaan la xidhiidha qaraxan. Mudane Buuni ayaa warfidyeenka u sheegay in xilliga qaraxau dhacey oo aheyd saqdii dhexe uu ku sugnaa guriga isaga iyo saddex qof oo kale, balse aaney cidna qaraxaasi wax ka soo gaadhin. Bamka oo ka qodey dhulka meel muuqata waxa uu gilgiley guriga sida uu sheegey wasiirku. Sannadkii hore ayay aheyd markii qaraxyo macmal ah tiraba laba jeer lagu qarxiyey guryo ka mid ah Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites