General Duke Posted April 13, 2007 Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo Shuruud adag ku xiray Odayaasha Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble inay soo gacan geliyaan Dhamaan Dhalinyaradii hogaaminaysay Posted to the MOL April 13, 2007, 1:29 pm Saraakiisha Ciiidamada Ethiopian-ka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shuruudo adag ku xiray odayaasha dhaqanka Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble qorshaha ay ku doonayaan in la kala qaado ciidanka ka dib dagaalkii dhawaan ka dhacay. Warar si hoose ay u heshay Shabakadda Mudugonline.com ayaa sheegaya in shuruudahaasi ay ku gacan seyreen odayaasha ****** isla markaana arrinkaasi dartiis uu wadahadalka halis ugu jiro inuu bur buro. Saraakiisha Ciidamada Ethiopian-ka waxaa ay sheegeen in ay ogol yihiin in ka bixitaanka goobihii ay yimaadeen hadii 3 shardi ay kasoo baxayaan odayaasha dhaqanka ee Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble,waxaana ay kala yihiin:- 1-In ay soo dhiibaan dhamaan saraakiishii hogaamineysay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay Ethiopia sheegtay in ay ahaayeen kuwo taabacsan Maxaakimta. 2-In ciidamada dowladda FS loo fasaxo dhamaan degmooyinka kala duwan ee Muqdisho in ay ka howlgalaan isla markaana ay sameeyaan howlgallo ay ku sugayan amaanka magaalada. 3-In odayaasha beesha ****** ay kamid ah noqdaan qeybaka beeshooda ku matalaya shirka dib u heshiisiinta isla markaana ay joojiyaan hurinta Colaadaha ay ka wadaan Caasimadda Somaliya. Shuruudahaasu ayey soo bandhigeen saraakisha Ciidamada dowladda Ethiopia waxaana la sheegay in ay ku gacan seyreeyn odayaasha dhaqanka isla markaana ay ku ballameen labada dhinac in ay kulan kale ka yeeshaan. Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites