Sign in to follow this  
General Duke

Simple conditions.. for clan chiefs

Recommended Posts

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo Shuruud adag ku xiray Odayaasha Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble inay soo gacan geliyaan Dhamaan Dhalinyaradii hogaaminaysay

Posted to the MOL April 13, 2007, 1:29 pm

 

 

Saraakiisha Ciiidamada Ethiopian-ka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shuruudo adag ku xiray odayaasha dhaqanka Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble qorshaha ay ku doonayaan in la kala qaado ciidanka ka dib dagaalkii dhawaan ka dhacay.

 

Warar si hoose ay u heshay Shabakadda Mudugonline.com ayaa sheegaya in shuruudahaasi ay ku gacan seyreen odayaasha ****** isla markaana arrinkaasi dartiis uu wadahadalka halis ugu jiro inuu bur buro.

 

Saraakiisha Ciidamada Ethiopian-ka waxaa ay sheegeen in ay ogol yihiin in ka bixitaanka goobihii ay yimaadeen hadii 3 shardi ay kasoo baxayaan odayaasha dhaqanka ee Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble,waxaana ay kala yihiin:-

 

1-In ay soo dhiibaan dhamaan saraakiishii hogaamineysay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay Ethiopia sheegtay in ay ahaayeen kuwo taabacsan Maxaakimta.

 

2-In ciidamada dowladda FS loo fasaxo dhamaan degmooyinka kala duwan ee Muqdisho in ay ka howlgalaan isla markaana ay sameeyaan howlgallo ay ku sugayan amaanka magaalada.

 

3-In odayaasha beesha ****** ay kamid ah noqdaan qeybaka beeshooda ku matalaya shirka dib u heshiisiinta isla markaana ay joojiyaan hurinta Colaadaha ay ka wadaan Caasimadda Somaliya.

 

Shuruudahaasu ayey soo bandhigeen saraakisha Ciidamada dowladda Ethiopia waxaana la sheegay in ay ku gacan seyreeyn odayaasha dhaqanka isla markaana ay ku ballameen labada dhinac in ay kulan kale ka yeeshaan.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this