Sign in to follow this  
General Duke

FAALLO: MUNAASABADAHA MUDISHO :The fake army for hire of Gen Galaal

Recommended Posts

FAALLO: MUNAASABADAHA MUDISHO

 

Haddii aad doonayso inaad dhigato xaflad ama aroos ama dhalasho ah maxaad u baahan tahay?. Ugu horayn maad raadsatid masrax aad u wayn oo ku qalabaysan daahyo bilic leh, kuraas badan iyo miisaan. marka xigga raadso koox fannaaniin ah oo ku hubaysan dhar qurxoon oo isku eg iyo iyo durbaano IWM.

Ogow in masraxa iyo kooxda fanku kaa sugayaan qadar lacag ah oo kiradooda ah. Bal ka waran haddana sidoo kale inaad rabto inaad ka dhigato Magaaladda Muqdisho riwaayad siyaasadeed. Way sahlan tahay howshaas oo kale haddaad u baahato waxaad kala xiriirtaa generaal Maxamed Nuur Galaal. Generaalku wuxuu haystaa ilaa 600 oo xirmo oo ah dirayskii ciidamaddii Soomaaliyed oo uu ka dhaxlay ciidamaddii UNISOM, wuxuu kaloo haystaa xooggaa durbaano ah. Dirayskaas oo feeraysan ayaa waxaa lagu kaydiyaa jananka gurigiisa.

 

Marka Hoggaamiye u baahdo in loo ciyaaro xaflad ayaa waxaa lala soo xiriiraa jananka, dabadeed gorgortan ka dib haddii lagu heshiiyo qandaraaska ayaa galaal rag isagu jira odoyaal iyo dhallinyaro ka soo aruuriyaa xaafadaha Huriwaa iyo bakaaraha, dabadeed dirayska ayaa loo galiyaa waana la gaardisiiyaa iyadoo laga dhigayo in ciidamaddii qalabka siday ee Soomaaliya inaysan xagtini gaarin. Wuxuu jeneraalku yiraahdaa, "Anigoo ku hadlaya magaca Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxaan u diyaarnahay inaan midnimadda iyo nabadgalyadda qaranka Soomaaliya aan sugayno oo aan loo baahnayn Ciidamo Shisheeye. Anagaa walaahi ku filan". :D

 

Mahadi ha gaartee, BBCda Yuusuf Garaad baa ka faa'iidaysata fursadaas oo riwaayadda oo cusbaysan gaarsiisa shanta qaaradood. dabadeed, xafladdii intaas bay ku dhamaataa oo dharka dirayska ahaa ayaa la codsadaa in meesha lagu baxsho si loogu cesho hoyga Galaal. Ka dibna jananku wiilashii buu guntiga kiiba xooggaa u galiyaa

oo yiraahdaa " waad mahadsantihiin waa inoo mar kale, anaa idinla soo xiriiraya munaasabad kale haday timaado". ;)

 

Dhawaan xafladaan munaasabadlaha ah oo aan soo sharaxnay ayaa ka dhacday magaaladda Muqdisho ka dib markii koox Baarlamaanka ka tirsani ay goosteen inay sahan ku tagaan magaaladda Muqdisho si looga hortago in Dalka Ciidamo la keeno. Intii aysan xubnahaasi ka duulin Nayroobi ayay la xiriireen jeneraal Galaal iyo raggiisii.

Gorgortan yar ka dibna waa lagu heshiiyay kharashka sugidda amaanka waftiga. waxaa la hawlgaliyay ilaa 2400 oo maleeshiyo ah iyo ilaa 120 tekniko ah oo balanqaad lacageed loo sameeyay. genaraal galaalna qandaraaskiisii yaraa ee salaan-sharafta isna gaar buu u qaatay. waxaa la qiyaasayaa in la kharashgareeyay in ku dhaw nus

milyan doolar oo ay bixisay hay'ad huwan magac gargaar.

 

Haddaba khidadan maxaa looga jeedaa? Akhriste Sidaad la socotay baryahaan waxaa jirtay dood ku saabsan in dalkeena la keeno ciidamo shisheeye oo dalka xasiliya iyo in kale , Doodaasi baarlamaanka iyo dowladda qaar ka mid ah ayaa ka biyo-diidsan iyagoo ka cabsanaya inay lumiyaan danahooda ku hoos jira foowdada ka taagan

dalkeena hooyo maanta. Kooxdaasi waxay rabaan in Ra'yul caamka loo sheego in Muqdisho amaan tahay oo dawladdu ciidamo la'aan ka shaqayn karto si marka dowladu xamar tagto madax furasho loogu qabto.

 

Waxaa xaqiiqo ah in guddoomiyaha Baarlaamaan Shariif Xasan iyo raggiisu aysan ajnab i ahayn oo ay garan karaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dacalada dalkeena oo ah mid foowdo ah oo ay Soomaalidu ku guuldaraysatay inay xalliyaan mudadii 15ka sanno ahayd ee la soo maray.

 

Su'aasha taalaa hadda waxay tahay madaxwaynaha la doortay dhawaani ma siin doonaa qandaraas kale oo munaasabadle ah jaanka galaalan mise xal kaluu raadin doonaa oo Soomaali u wada dan ah?.

 

farah Jama" shillinson@hotmail.com

Nairobi, Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this