Sign in to follow this  
Gabbal

News from the other spectrum.

Recommended Posts

Gabbal   

Garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay muddo shan sana ah kadib shaley dib loo furey.

 

November 17, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Gaarane. Baardheere.

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa markii ugu

horeysay muddo shan sana ah kadib shaley dib loo furey, halkaasoo lagu qabtey munaasabad furitaanka, oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka iyo mas’uuliyiin katirsan hey’adda UNDP.

 

Munaasabada xaflada bandhiga dib u furitaanka ardaaga madaarkii hore ee diyaaradaha ee degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo ka dhacdey maalintii shaley xaruntii hore ee collegeka agoonta degmadaaasi, oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyinta madaxda maamulka magaalada Garbahaareey oo uu horkacayey guddoomiyaha degmada Gaarane Nuure, iyo wakiilo kasocdey qeybaha dhinacyada amniga u qaabilsan hey’addaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, oo kasoo kicitimey degmada wAajid ee gobol kaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galey xubno isugu jira qeybaha ururada bulshada aan dowliga aheyn, waxgarad, odayaal io dadweyne aad ufara badan, sida uu HornAfrik u sheegay Maxamed Axmed Cabdule, oo kamid ah hawl wadeenada urur wadani ah oo ka hawl gala degmadaasi.

 

Dadaalada furitaanka gagidan oo u xirneyd sababo la xiriira xaga amniga oo ay qeyb weyn ka qaadatey hey’adda UNDP ayaa waxaa ugu horeyntii hadalo kooban kasoo jeediyey sargaalka xaga nabad sugidda u qaabilsan hey’addaha UNka koonfur galbeed dalka Soomaaliya Mudane ***** Cabdi “Togogle†oo si weyn ugu nuux nuux sadey ahmiyada waxtarka ah ee uu garoonkan u leeyahay xadaarada dhaq dhaqaaqyada hawlaha gargaarka bani’aadanimo, isagoo si gaar ah u xusey sargaalkan dhibaatooyinka haatan heysta dadka ku dhaqan degmooyinka goboladan, daad gureynta xaga gaadiidka ee dawooyinka, iyo barafka lagu keydiyo koolijiinada xiliyada talaalka, oo gobolka looga keeno magaalada Xudur.

 

Guud ahaan hawlihii duulimaad yada garoonkan ayaa si lama filaan ah u joogsadey horaantii sanadii 2000, ka gadaal markii ay kooxo maleeshiyaad ah oo aan cidna ka amar qaadan ay rasaas ooda kaga qaadeen diyaarad kuwa nooca yar yar ah oo xiligaasi ku guda jirtey iney caga dhigato, iyadoo sidey hawl wadeeno katirsan hey’adda UNka oo kormeer shaqo ku marayey deegaanadaasi.

 

Arrintan ayaa waxa ay u muuqataa talaabo wax ku ool ah oo loo qaadey dhinacyada horumarka iyo nabad gelyada, xili ay ka jiraan gobolka mushkilooyin la xiriira dhibaatooyinka xaga wax qabadka la’aanta hey’adda samafalka, taasoo had iyo jeer lala xiriiriyo wax qabad la’aanta maamulada degmooyinka ee xaga amniga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Mudane ka tirsanaa baarlamanka Somaliland oo geeriyoodey

 

 

Boorama - 17.November.2005 Waxaa habeenkii xalay ku geeriyooday cusbitaalka magaalada Boorama ee gobolka Awdal Alla ha u naxariistee Xildhibaan

Aare Nuur Cismaan oo ka tirsanaa Xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Somaliland ee xisbiga UDUB uga soo baxay gobolka Awdal.

 

Marxuunka waxa la sheegay in muddooyinkan dambeba bukaan jiif ku ahaa cusbitaalka Boorama isaga oo uu hayay xanuunka macaanka oo muddo dheer hayay.

 

Alla ha u naxariistee marxuun Aare Nuur Cismaan oo ka mid ahaa toddobadii xildhibaan ee xisbiga UDUB uga soo baxay Gobolka Awdal doorashadii golaha wakiilada. Marxuun aare waxa uu hore uga tirsanaa golihii wakiilada Somaliland ee wakhtigoodu dhammaaday.

 

 

Isha Warka: Radio Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Aadan Saransoor oo ku gacan seyray Qorshaha maamul u sameynta gobolka Bakool

 

 

Baydhabo 17 Nov. 05 ( Sh.M.Network) Aadan Max'ed Nuur Saransoor oo ka mid ah mas'uuliyiinta Baydhabo kana soojeeda gobolka Bakool ayaa ku gacan seyray qorshaha maamul u sameynta gobolka Bakool oo ay wadaan wasiirada dowladda FS ee ka soo jeeda gobolkaasi.

 

Shir jaraa'id uu ku qabtey Aadan Saransoor magaalada Baydhabo ayaa waxa uu kaga hadlay qorshaha maamul u sameynta gobolka Bakool oo ay wadaan mas'uuliyiinta labada gole ee dowladda FS ee ku sugan gobolkaasi ku sugan.

 

Adan Saransoor ayaa waxa uu sheegay in xiligaan aan loo baahneyn maamul cusub oo loo sameeyo gobolka Bakool, isagoo sheegay in gobolka Bakool uu leeyahay maamul isla markaana uu shaqeynayo.

 

Hadalka Aadan Saransoor ayaa ku soo beegmay xilli uu soconayo dadaalo la doonayo in maamul cusub loogu sameeyo gobolka Bakool, kaasi oo ay wadaan xubnaha labada gole ee fariisiinka u ah gobolkaasi.

 

Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta DFS ee ku sugan gobolkaasi ayaa waxa ay tilmaameen in shacbiga gobolkaasi ay yihiin kuwo si weyn u soo dhaweeyay qorshaha ay wadaan ee maamul u smaeynta gobolka Bakool, waxa ayna sheegeen in rabitaanka shacbiga aysan hor istaagi karin dad dano gaar ah wata.

 

Shabelle Media Network, Baay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this