King_Sasa Posted January 22, 2009 Qacablehe:- Deegaanka Qacablehe waxa uu ku yaalaa Gobolka Sanaag isla markaana waxa uu ku dhegen yahay ama dhinaca ku hayaa Bohosha Gebi ama Gebi Valley oo u dhexeysa Degmada Badhan iyo Ceelbuh ee bartamaha Sanaag isla markaana ah dhul taariikheed mudan in la xuso. Qacableh waxaa ku yaalo taalooyin iyo dhismayaal bur burey oo ay reebeen xadaarooyinkii hore e degenaa deegaankan. Daarta uu ku dhex yaalo Qabrigu Qacablehe waxay daanta Koonfureed ka xigtaa bolaha Gebi Dheer iyadoo ay boholahaasi oo inta badan sanadkii leh biyo dur dur ah oo aan go'in Daarta Qabriga Qacablehe waxa uu hoy u yahay Qabriga ***** KoombeKablalax oo ah shaqsiga ay ka farcameen beelaha ***** isla markaana dega dhul aad ugu baahsan geyiga Soomaalida. Qabriga ***** Qabriga ***** oo markaad aragtid ku arkeysid in madax uu ku aasan yahay meel ka baxsan jirka inta kale ayaa waxaa dadka ku xeel dheer taariikhda ay sheegayaan in ***** ay dishey Gaalla isagoo salaadii casar tukuanaya isla markaana qoorta laga jarey isagoo sujuudsan. Qabri ***** Qabriga iyo dhismayaasha ku yaala deegaanka Qacablehe u dheer qabuuro iyo taalooyin ay reebeen umadihii hore u degenaan jirey deegaankan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 22, 2009 Inaadeerow kuwii noolaa baanu khaati ka taaganahaye ,,, qubuurahana maad inaga yara daysid ,, Ilaahay ha u naxariistee ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted January 22, 2009 Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Inaadeerow kuwii noolaa baanu khaati ka taaganahaye ,,, qubuurahana maad inaga yara daysid ,, Ilaahay ha u naxariistee ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
King_Sasa Posted January 22, 2009 Dhismayaasha u dhow dhow Qabriga ***** Kamarada LaasqorayNET waxay qabatey dhismayaal aan la garan kareyn inta ay jiraan si dhab ah laakiinse lagu qiyaasi karo iney jiraan kumaan sano isla markaana u baahan cilmi baaris dheer. Dhul taariikheedka Qacablehe Waxay kaloo qabatey kamaradu qabuuro ama dhisme gaagaaban oo afar geesyo ah isla markaana nuurad ama talbiis cad lagu sameeyey isla markaana minaarado yar yar leh sida aad ku arki doontaan sawiradan. Astaamo aan la garaneyn waxay yihiin oo ku yaala taaloyinka Qacablehe Asal raaca taariikhda ayaa sheegey in astaamahan ay yihiin dhismayaal beri samaadkii isla markaana ay lahaayeen dadkii laga kiciyey dalka oo la oran jirey Gaala ama dadka hada loo yaqaano Oromada. Qabriga ***** Isku soo wada duu duub oo waxaad dareemeysaa markaad joogtid goobta Qacablehe iney tahay goob taariikheed isla markaana mudan in cilmi baaris lagu sameeyo si loo dhabeeyo xaqiiqa taariikheedka ay meeshani leedahay. Masaajid bur burey Si kastaba deegaankan Maakhir ayaa waxa uu hoy u yahay odayaashii ka farcameen beelaha ******* sida **** ******* oo wax yar u jira meesha uu ku aasan yahay Aabihiis *******, Geri Koombe oo isna ku aasan goob u dhow magaalada Midigale, ****** iyo kablalax oo iyaguna ku aasan aaga Ceerigaabo, waxaanuna isku deyeynaa inaanu idiin soo gudbino warbixino la xiriira arimahan iyadoo ay naga tahay barasho taariikheed iyo soo bandhigid xadaaradihii deegaanadan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
King_Sasa Posted January 22, 2009 Sources- Laasqoray.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
King_Sasa Posted January 22, 2009 J.a.c.a.y.l.b.a.r.o, Soon I will publish Sheekh Is...kh, it just History......... lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 22, 2009 Ohhh,, Please don't .... I told you ,,, Qubuuraha iyo dadka aakhiro inaga daa sxb ,,, aynu u ducayno uun ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
King_Sasa Posted January 22, 2009 Well, it says that you from Akhiro so I gues you dont to have others to rise and discuss politics, right!!!!!!!!!!! Boos XEJIS,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites