Sign in to follow this  
Abwaan

Faallo=Col.C/laahi Yusuf/ war Males Sanawe/ idifaaco, dalka ii qabo, oo daacad iinoqo

Recommended Posts

Abwaan   

Faallo=Col.C/laahi Yusuf/ war Males Sanawe/ idifaaco, dalka ii qabo, oo daacad iinoqo

Warkii 05-Dec-2006 iyo Qormadii: webmester afnugaal.com

Waxa nasiib darro ah in qofkii fikirkiisa cabbira ee dareenkiisa dhiibta aan aragtidiisa lagala doodin ee tuhun iyo dareen kale laga raadiyo. Hadal waa mergi ayaana hore loo yidhi, hadal ninna si u yidhi ninna si u qaaday na waa halkudheg kale

 

 

Bal hadaba anigoo huba in qofba siduu jecelyahay uu u qaadan karo, aan iska dhawro wixii keeni kara xumaan. Balse aan ku koobnaado aragti salka ku haysa xaaladda dagaal ee ka oogan maanta deegaankeena “Geeska Afrika.Waa marka hore’e maxaa cusub ee Geeska Afrika ku soo kordhay? Waxa ku soo kordhay in dawladdii Itoobiya ee lahayd waxbaan heshiisiinayaa, ay shaadhkii iyo macawistiiba la baxday oo iyadoo mudh iyo gacan ahay ay tidhi: Waa inoo dagaal maxkamadahoow!!

 

Waxa taa kasii daran in ay Itoobiya leedahay waxaanu badbaadinaynaa Dawladda ku meel gaadhka ah ee Somaliya. Dawladda ay badbaadinayso, waa mid aan laga ogolayn dalka badankiisa. Siday doontaba ha ahaatee, waxay Itoobiya caddaysay inay gacmaha u qabanayso madaxweyne Cabdilahi Yusuf maxakamadaha, si uu u xukumo. Inay suurta gal tahay iyo in kale taariikhda ayaan u daayey iyo akhristayaasha. Mana aha ujeedadaydu taageero maxkamadaha ah iyo nacayb Itoobiya ah. Itoobiya waxaan u aqaan dal ay ku nool yihiin dad farabadan oo kala diin ah kala af ah oo kala dhaqan ah. Waxaan kaloo ogahay inay koox yar oo Tigree ahi ay dadka inta kale xoog ku haystaan. Laakiin arrinkaasi wakhti yar buu shaqaynayaa ee yanan wakhti iskaga lumin,

 

 

 

Waxad mooda, Malase Sanawe, in uu fahmay qiiro japanta Somaliland, bal ufiirso oo dib intaad u fadhiisato. Maankaaga maal oo garaadkaaga shiil. Somaliland waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u kortay sidii ay caalamka uga heli lahayd aqoonsigii ay lumisay lixdankii. Ilaa maanta lama hayo. Itoobiya iyadoo dareenka reer somaliland ka faa’iidaysanaysa waxay u carrab laalaadisay inay aqoonsanayso haddii cid kale uga horrayso.maya.!! Waar yaa qosol doonaya.Oo haddii cid kale i aqoonsato, maxaa ii hadhay. Waxay kaloo bilawday iyadoo tusaysa sida ay u taageersantahay Somaliland dayaaraddeeda oo ka shaqaysata Hargeysa ilaa Adisabeba. Waxay kaloo dhigtay Hargeysa wax ay ugu yeedhay safaarad u eke. Oo been ah,

 

 

Baahida ugu weyn ee Itoobiya waa nabad gelyo ay ka hesho xadka ay la leedahay Soomaalida. Maadaama oo dagaal kaga shidanyahay dhanka ERETERIA Baahida labaad waa deked ay kala soo degto baahideeda. Labadaa qodob ee waaweyn way ka heshay dhinaca Somaliland. Hadaba waa maxay baahida ugu weyn ee Somaliland, waa aqoonsi ay caalamka ka hesho. Itoobiya waxay tidhi “Annagoo ixtiraamayna xadka iyo xuduudda dadka soomaaliyeed, marnaba ku dhawaaqi mayno aqoonsi, laakiin soomaalida ayay u taallaa” waa yaab waar! ma ka dhab baa in ay Tigreegu ixtiraamayaan dadka soomaaliyeed?. Maantana xadka dadka soomaaliyeed gudaha ayuu ciidankeedii ugu jiraa. Jabuuti waa dal aad u yar oo baahideeduna ku xidhantahay dhanka Itoobiya. Xoog ay ku hanjabtona malaha oo ay Itoobiya ugu hanjabto. Waxaanaad ogaataa dadka ugu badan ee reer Jabuuti waa Soomaali. Somaliland iyaduna waxay aqoonsi ka sugaysaa Itoobiya oo isma dhaqaajin karto. Dawladdíi beenbeenta lagu soo dhisayna Itoobiya ayay marti uga tahay in loo gacma duubo maxkamadaha.

 

Waar xaalku miyaanuu ahayn Dibigii Casaa, kii Caddaa iyo kii madoobaa. Qiso xigmadi ku jirto ayaa tidhaahda. Waxa jiri jiray saddex dibi oo xoog waaweyn, oo aan kala hadhin haddii ay biyo cabbayaan, haddii ay daaqayaan iyo markastaba may kala hadhi jirin. Libaax iyo waraabeba wuu ka caagay inuu ku dhaco inuu cuno. Maalin baa libaax gaajoonayaa u fikiray oo helay sidii uu u cuni lahaa. Wuxuu u yeedhay dibigii madoobaa, wuxuu ku yidhi: “ Labada dibi ee kale way kaa faanaan oo ma jecla inay kula daaqaan midabkaaga awgii” Dibigii madoobaa, cadhadii wuu ka fogaaday labadii dibi ee kale. Maalintii danbe ayuu cidla ka helay oo cunay. Labadii kalena sidoo kale u kala warqaaday oo u kala kaxeeyay. Saddexdiiba sidii ayuu ku cunay. Akhristoow! ha i fahmi waayin, ee bal ila eeg dawladda ay difaacayso Itoobiya halkeebay ka talisaa? waase su’aale Itoobiya halkeebay u taqaanaa jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya? Waxay u taqaan ilaa Lawyacaddo. Dawladda ay difaacaysaana waa taa.

 

Hadaba maanta maxaa Somalida la gudboon. Waa in ay Somalidu si cad u hor dhigtaa inay faraha kala baxdo wadanka Somaliya. Haddii kale xisaab, ijiid aan ku jiido waa gamco dalis runta halloo sheego.Maanta maalin ay Itoobiya ka jilicsantahay ma jirto. Haddii kale sida ay maxakamaduhu u leeyihin jab ayaanu maagganahay ayaa xeedho iyo fandhaal kala dhici. Ilaahay kamaan baryin. Waa hubaal in garasho la’aanta dadka soomaaliyeed ee gaar ahaan reer Koonfureed,ay ka mas’uul tahay xaaladda kala daadsan ee dadka soomaalida ee Geeska Afrika. Laakiin fursadda ayaanay yanan la, dhaafin. Haddii kale ma ii sheegi kartaan sababta ay Itoobiya u gaa daacad noqoon weyday arrimaha Somaliya ilaa hada, Somali? Anigu waxaan u arkaa in aanay dani ugu jirin saddex dal oo soomaaliyeed oo Geeska Afrika ka arrimiya. Qofkasta u gee saddexdaa cod Itoobiya ma ogola waana inay sidii saddexdii dibi u kala haysaa.

 

Alloow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin....Gaarriye

 

fakarka dadweynuhu waa xorr... AFnugaal.na eed kumaleh

 

Wixi Qoralkan ku saabsan ku soo diir hadad fakarkaga ka dhiibanayso

 

Siyad M.Y.

 

info@afnugaal.com

 

Caliyare75@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this