Jacaylbaro Posted August 30, 2007 Hargaysa(QARAN)-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta warsaxafadeed uu soo saaray Cabdi Haybe Maxamed u Magacaabay inuu noqdo Wasiir Cusub ee buuxin doona Jagada Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Warsaxafadeed kooban oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynuhu oo nuqul kamid ah nasoo gaadhayna waxa uu u dhigna sidan:- Madexweynaha JSL Mudane Dahir Riyaala Kaahin xeer uu maanta soo saaray isagoo tixgalinaaya qodobka 90aad ee dustoorka JSL isla markaana aqoonsan ahamiyada degdega ah ee ay leedahay buuxinta jagada banaan ee wasaarada caafimaadka iyo shaqada JSL, waxa uu u magacaabay mudane Cabdi Haybe Maxamed in uu noqdo Wasiirka Cafimaadka & Shaqada JSL lana wareego xilka wasaarada maanta oo digriitadu ay ku taariikhaysan tahay. Wasiirkan Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Cabdi Haybe Maxamed ayaa kamid aha Aasasayashi xisbiga Kulmiye ee Mucariidka sidoo kale waxa uu sanadkii 2005 kii kamid ah Murashaxiinti u tartamay kamid noqshada baarlamaanka Somaliland isago kamid ah Murashixiinta xisbiga Kulmiye ee Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa lakiin kuma uu guulaysan inuu noqdo Xildhibaan, Quote Share this post Link to post Share on other sites