Sign in to follow this  
General Duke

New York: Security council meets as Somali leader arrives

Recommended Posts

New York: Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya maanta Arrimaha Soomaaliya, xilli Madaxweynaha soomaaliya ku sugan yahay New York.

16. april 2008

 

New York (AllPuntland) - Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan ka yeesho arrimaha soomaaliya, xilli Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin New York.

 

Shir madaxeedka sanadlaha ah ee Golaha Ammaanka oo sanadka shir gudoon ka tahay Dawlada K/Afrika ayaa lagu casuumay dhowr Hogaamiye oo ka tirsan Dalalka Afrika ee mushkiladaha hareeyeen.

 

Golaha Ammaanka ayaa laga dhowrayaa in xal ka soo saaro xaaladaha cakiran ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu ku baaqo Ciidamo caalami ah oo la geeyo dalka ay colaaduhula degtay ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Ali Axmed Jaamac Jangali oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay ballaariso dadaalka ay dooneyso in Soomaaliya loogu taageero ciidamo caalami ah.

 

Kulanka Golaha Ammaanka waxaa ka qeyb galaya Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo lagu wado in qudbad ka hadleysa xaalada Soomaaliya ka jeediyo.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isna lafilayaa inuu ka hadlay baahida loo qabo Ciidamo nabad ilaalin oo ka socda qaramada Midoobey la keeno Soomaaliya, waqti ciidamo yar oo ka socda Midowga Afrika ku sugan yihiin Soomaaliya, kaasoo aan dhameyn intii laga filayay Midowga Afrika.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay maanta weydiisaneyso golaha maanka ee Qaramada Midoobay in uu qaado talaabo deg deg ah oo dalka lagu keenayo ciidamo nabad Ilaalineed oo caalami ah.

 

Wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha amaanka ee Magaalada New York ayaa sheegay in dowladiisu ay ku boorineyso golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u soo diro ciidamo nabad Ilaalineed oo caalami ah si loo sii dar dar geliyo barnaamijka nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha amaanka ee Magaalada New York ayaa sheegay in dowladiisu ay ku boorineyso golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u soo diro ciidamo nabad Ilaalineed oo caalami ah si loo sii dar dar geliyo barnaamijka nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

 

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo saacadaha inasoo aaadan xarunta golaha amaanka uu ka bilaabmi doono kulan labo maalmood soconaya oo u dhexeeya hogaamiye yaasha Afrikanka iyo golaha amaanka,waxaana kulankaa shir guddoomin doona madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo ka mida hgogaamiye yaasha sida weyn ugu ololeeya in Soomaaliya la keeno ciidamo Caalami ah.

 

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa intii shirkiisa jaraa’id uu socday waxaa uu sheegay in ay weydiisanayaan golaha amaanka ciidamadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu usoo diro ayna aad ugu rajo weyn yihiin dalabkaa in la meel mariyo

“Waxaan weydiisaneynaa golaha amaanka in uu la wareego nabad geliyada Soomaaliya lana keeno dalka Soomaaliya ciidamo caalami ah,wasxaa jira caqabado badan oo soo wajahaya AMISOM,waxaana doonaynaa in golaha amaanku uu sii amba qaado xaqa uu u leeyahay in uu ciidamada AMISOM ee hada jooga ku badalo ciidamo caalami ah oo qaramada Midoobay ay leedahay”.

 

"Waxaan aad ugu rajo weynahay in golaha amaanku uu meel marin doono talaabada ku aadan in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo caalami ah oo buuxiya kaalinta AMISOM ay had a ku leedahay Soomaaliya”ayuu wasiirku hadalksiia sii daba dhigay.

 

Ciidamada AMISOM ee haatan jooga dalka Soomaaliya waxaa tiro ahaan ay dhan yihiin 2,300 oo askari waxaana ay ka kala socdaan dalalka Uganda iyo Burundi.

 

Wasirika arrimaha dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamc waxaa uu sheegay in uu aamisan yahay Soomaaliya golaha amaanka ee Qramada midoobay in ay ka heli doonto kaalmada ay iminka u baahantahay oo ah ciidamo caalami ah in dalka loo soo diro.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jangeli.jpg

 

Wasiirka arimaha dibadda Somaliya Cali A. (Jungle) oo ciidamo caalami u dalbay Somaliya

 

Capetown, S/Afrika (Calanka.com) 16-April-08

 

Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku boorisay golaha amaanka in ciidamo xoogan oo ka socda Qaramada Midoobay u diraan Soomaaliya si ay nabad ugu dabaalaan dalka dagaalada kala goo gooyeen .

 

Shir jaraa`id oo u wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in dowladiisa ay dooneyso in Qaramada Midoobay dusha u dhigato mas`uuliyadda amaan ee Soomaaliya ayna si deg deg ah ciidamo jinsiyadio kala duwan leh ugu diraan Soomaaliya .

 

Hadalka Wasiirka ayaa soo baxay ka hor inta kulanka aysan yeelan wakiilo ka socda Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay kaasi oo looga hadlayay xoojinta arimaha ciidamada nabada ilaalinta Soomaaliya .

 

Waxa uu tibaaxay wasiirka Soomaaliyeed in uu rumeysan yahay in ciidamadaasi ay buuxin karaan doldoleedka amaan ee Soomaaliya haatan hareeyay taasi oo weeqeysa howlaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya .

 

Cali Axmed Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in amaan daridda Soomalaiya ka jirta ay tahay mid guud ahaan saameyneysa mantiqada Geeska Africa , isaga oo sheegay in habka dagaal ee Soomaaliya haatan ka jira uu yahay mid laga soo min guuriyay dalka Ciraaq.

 

Joogitaanka ciidamada Itoobiya mar uu ka hadlay wasiirka waxa uu sheegay in ay dalka ku yimaadeen codsi dowladeed haatanna ay ku baxayaan codsi dowladeed .

 

Dhanka kale dowlada Sacuudi Carabiya ayaa wada dadaal ay ku dooneyso in ay ku dhex dhaxaadiso dhinacyada Soomaaliya taasi oo uu horay uga codsatay wakiilka Qaramada MIdoobay ee Soomaaliya .

 

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)

ossmanfantastic@hotmail.com

Cope Tawn, S/africa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this