General Duke Posted November 23, 2008 Maleeshiyaad hor leh oo meydadkooda laga helay Muqdisho Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-November-08 Ku dhawaad 30 meyd ah ayaa laga helay goobihii ey dagaaladu ka dheceen shalay galab ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Huruwaa, waxaana saraakiisha ciidamada dowladdu ku sheegeen meydadkaasi kuwo lagu dilay dagaal qaraar oo shalay dhexmaray iyaga iyo kooxaha kasoo horjeeda dowladda. Dagaalkan oo ku bilowday markiisii hore rasaas teel-teel ah ayaa isu badalay mid xoogan oo jilbaha la isu duugtay, waxaana uu yimid dagaalkani kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia ey ka war heleen goob ey isku urursanayeen kooxahani, sida ey xaqiijiyeen saraakiil horkacayay ciidankii shalay dagaalka galay. Ciidamada dowladda ayaa ka gaabsaday qasaaraha kasoo gaaray dagaalkani, laakiin ilo xog ogaal ah oo shabakadda calanka la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in ey iyana jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii dagaalkaasi galay. Dagaalkan oo socday ku dhawaad laba saacadood ayaa ku fiday deegaano dhowr ah oo ka mid ah degmooyinka Huruwaa, Yaaqshiid iyo qeybo ka mid ah Wardhiigley, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiisha ciidamada ayaanan kala saarin kooxahan meydadkooda la helay maanta, laakiin waxa ey carabka ku dhifteen in ey ahaayeen kooxo isugu jira kuwa Maxkamado sheegta iyo Al-shabaab. Dhanka kale afhayeen u hadlay mid ka mid ah kooxihii shalay dagaalka la galay ciidamada ayaa sheegay in ey iyaguna dileen 10-askari oo Itobian ah, laakiin warkan ayaanan laga cadeyn meelo kale. Inta badan meydadka maanta la helay ayaa ahaa dhalinyaro da`dooda lagu qiyaasay 16-20-jir, waxaana ey wali yaalaan halkii ey dagaaladu ka dheceen. Doraad ayay aheyd markii 17 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay degmada Wadajir, waxaana dilka maleeshiyaadkani ey yimaadeen kadib markii weerar ey kusoo qaadeen guri uu daganaa gudoomiyaha degmadaasi oo lagu magacaabay Amed Daaci. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 23, 2008 They are sending youths to their deaths. Quote Share this post Link to post Share on other sites