Sign in to follow this  
Dhuujiye

Mas'uuliyiinta Midowga Ardayda Gobalka Banaadir oo Booqasho shaqo ku tegay Puntland i

Recommended Posts

Dhuujiye   

Muqdisho:Mas'uuliyii nta Midowga Ardayda Gobalka Banaadir oo Booqasho shaqo ku tegay Puntland iyo Somaliland

12. august 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Wafdi ka socday Midowga ardayda gobalka banaadir oo socdaal dheer ku tagay gobaladda waqooyi ee dalka soomaaliya.Wafdigaas i oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Midowga Ardayda G.banaadir MR.c/naasir max’ed sh.nuur iyo xubno sare oo gaaraya ilaa 5xubnood,Socdaalkaas i oo ahaa kii 3-aad ee Midowga ardayda gobalka banadir kusoo maraan Gobaladda waqooyi ee soomaaliya sida maamul goboleedka PUNTLAN iyo SOMALILAND.

 

Arday Gobalka Banaadir ayaa casuumaad waxaa ay ka heleen ururada Ardayda iyo dhalinyarada Gobaladdasi taasoo ujeedadiidsu ahayd isu keenida Adayda iyo Dhalinyarada soomaaliyeed ee ku kala sugan goboladda dalka.

 

Rasmi ahaan kulamadaasi ay sameeyeen Midowga ardayda gobalka banaadir waaxaa ay ahaayeen howl naf hurnimo ah oo ay u bareereen isla markaana ay sii wadi doonaan isku xirka Ardayda iyo dhalinyarda soomaaliyeed dalka iyo dibadda meel kasta oo ay joogaan.

 

Sidoo kale waxaa ay socdaal dheer kusoo mareen goobaha waxbarashada,caafima ad, xerooyinka dadka soo barakacay iyo dhamaan xarumaha muhiimka ah.

 

Waxaa kuluma guud iyo kuwa gaar gaar ah ba ay layeesheen ururada bulshada rayidka,dhalinyarada ,ardayda,haweenka,wa xgaradka,dhaqaatiirt a,ganacsatada iyo dhamaan qeybaha kala ee bulshada, kulamadaasi oo qaatay mudo 16casho ah ayaa kusoo gaba gaboobay is af garad.

 

Kadib shirar looga hadlayay sidii loo heli lahaa dhalinyaro iyo arday soomaaliyeed oo mid ah ayaa waxaa kasoo baxay shirarkaasi qodobo dhaxalgal u ah dhamaan umada soomaaliyeed isla markaasina farxad gelinaaya dhamaan. Qodobada kasoo baxay shirkaasi.

 

QODOBO SHIRKA KASOO BAXAY

 

Kadib bur burkii dalka oo laga joogo mudo 20sano ah uma soomaaliyeedna aysan helin wax ka badbaadiya ama ka anbabixiyo dhibtan iyo colaada sii daba dheeraatay.

 

Kadib markii ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay garteen in si wada jir ah looga bixi karo iyo dadaal dheeraad ah.

 

Anagoo ku dayaneyno halgamayaashii soomaaliya heerkan soo gaarsiiyay ee dhalinyarada ahaa sida S.Y.L

 

Waxaan isku afgaranay qodobaddan hoos ku xusan :--

 

1- In laga miro dhaliyo isla markaana naf iyo maalba loo huro isukeenida dhalinyarada iyo ka shaqeynta sidii dhibaatada looga saari lahaa shacabkeena.

 

2- Guddi isku dhaf ah sameyntooda oo ka kooban 9xubnood.

 

3- Gogol weyn iyo madal loo sameeyo ku dhawaaqista urur midaysan oo ay u dhanyihiin gobaladda oo idil.

 

4- Farsamada howlaha dhiman waxaa ka tashanaya gudiga lamagacaabayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this