General Duke Posted March 12, 2009 Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland oo soo bandhigtay adeegyadeeda Wednesday, March 11th, 2009 at 6:43 pm Horseed Media Boosaaso Shir ballaaran oo xalay lagu qabtay Hotelka Panorama ee magaaladan Boosaaso ayaa madaxda shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland ay ku soo bandhigeen adeegyada Isgaarsiineed ee ay soo kordhiyeen. Xafladaasi waxaa goob joog ka ahaa mulkiilayaasha shirkadda isgaarsiinta ee Telcom Puntland, maamulayaasha iyo marti sharaf aad u fara badan. Siciid Xasan Maxamed Gudoomiyaha shirkadda Telcom Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddu ay sameysay horusocod ballaaran. Waxana uu sheegay in ay u soo kordhiyeen bulshada adeegyo ay ka faa’iideysteen. Halkan ka dhegayso C/rashiid Maxamed Waceys, Maareeyaha shirkadda Telcom Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiy sababta ka dambeysay aasaasida shirkadda Telcom Puntland. Waxa u sheegay in shirkadda aasaaskeedu ay ka dambeeyeen ganacsato isbahaysatay oo aragtay baahida Isgaarsiineed ee ka jirtay deegaanada Pntland. C/rashiid Maxamed Wacays Maareeyaha shirkadda Telcom Puntland waxa uu ka hadlay adeegyada shirkadda Telcom ay soo kordhisay oo xagga Isgaarsiinta ah.Halkan ka dhegayso Waxa uu sheegay in adeegyo isugu jira telefoonada Landline, GSM, CDMA iyo adeegyo kale inay soo kordhiyeen. Cali Maxamuud Xasan (Cali Ceelaayo) oo ka mid ahaa ganacsatadii ka qeybgashay xafladaasi ayaa sheegay in saamileyda shirkadda ay yihiin kuwo si xawli leh u dhaqaajiyay inay hirgasho shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland. Ugu dambeyn shirkadda Telcom Puntland waxay sheegtay inay sii wadi doonto horumarinta Isgaarsiinta ay u hayso shacabka Puntalnd iyo guud ahaa Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites