Wiilo Posted February 4, 2007 C/llaahi Yuusuf “Aniguu ahaa ninkii ku qalqaaliyay xildhibaanada inay doortaan Aadan madoobe, maxaa yeelay SRRC ayaan isla aheyn, mid Shariif-kii la mid ah haddii aad doorataana waa dhibaato ayaan iri” Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta ka hadlay dhaarintii guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay inuu isagu ka dambeeyey doorashada Sheekha maadaama intii ololaha doorashada ay socotay uu ku war geliyay xildhibaanada kulamo uu la yeeshay inay doortaan Mr. Madoobe oo uu sheegay inuu ka tirsanaa ururkii SRRC-da. Madaxweynaha ayaa xusay in markii uu ku qal qaalinayay xildhibaanada Sheekh Madoobe inuu maanka ku hayay in Mr. Madoobe uu yahay nin rug cadaa siyaasadeed ah isla markaana aan madax adkeyn sida uu yiri, isagoo sidoo kalena tibaaxay in uu ka hor tagayay in guddoomiye loo doorto shaqsi la mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu sheegay inuu ku qabsaday howshiisii madaxweyne-nimo, sida uu hadalka u dhigay. “Aniguu ahaa ninkii xildhibaanada ku qal qaaliyay inay doortaan Aadan madoobe, maxaa yeelay waxaan iskala tirsaneyn ururkii SRRC, horeyna wuxuu ugu soo tartamay xilkan, oo waa tii laga guuleystay, waxaana is iri mar labaad haddii saaxiibkaa dibir ku dhacdo armuusan ka soo kici waayaa” ayuu yiri madaxweynaha sii raaciyay “Haddii uu Aadan madoobe idinku noqdo sida ninkii Shariif ahaa ee idin afduubtay ee anigana howsheydii duudsaday, haddii tartankaas dambe waxaan filayaa saaxiibada kale ee maata tartamay ayaa codka siin doonaa” ayuu mar kale yiri Mr. Yuusuf oo soo hadal qaaday xildhibaano ku sugan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka jamhuuriyadda Jabuuti. “Madaxweynaha dalka Jabuuti waanu is aragnay, waxaaa weydiiyay ma adigaa u yeeray 21-ka xildhibaan ee jooga dalkaaga maya ayuu yiri, waxaan kaloo weydiiyay ma awoodi kartaa inaad haddii ay meesha sii joogayaan inaad bixiso qarashkooda, maya ayuu igu yiri, hadde waxaan iri dheg dheer dhimatoo dhulkii waa nabade, maxkamadihii meesha ka baxeene dalkiina waa amaane imaad, wuxuuna igu yiri waan u sheegayaa inay dalkoodii ku laabtaan haddii ay iga yeelayaan”. Dhinac kale, madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa xildhibaanada ku booriyay inay ka qeyb qaataan sidii ay u sal dhigan laheyd caasimadd Muqdisho, lana daayo Wararka la leeyahay maxkamadihii la hadla oo wadahadal la fura, “Halkeebey joogaan maxkamadaha waa la ogyahay halkii ay ku dambeeyeen, waan maqlayay habeenadii aan joogay Muqdisho qolyo wax tuur tuuraya, balse ma ogi inay yihiin haraadigii iyo in xildhibaano ka tirsan dowladda ay abaabulayaa” ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladda isla markaana wasaarada arrimaha dib u heshiisiinta ay qaban doonto dib u heshiisiin, lana dhameyn doono fadqalaha, “Waxaan idinka codsanayaa mudanayaal in qof walba uu cafiyo qofka kale gacmahana la is qabsado, lana iska iloobo wixii hore”. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
EboniQue Posted February 4, 2007 UUUFFFFF! ugly ***** Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 4, 2007 The Source Plzz ???????? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted February 4, 2007 Wiilo, abaayo, A/Y saying this is akin to Dubya admitting he invaded Iraq for oil. Everyone knows it and when it's uttered, it doesn't even register. Quote Share this post Link to post Share on other sites