Sign in to follow this  
Xudeedi

Badhan: Tayo College (School of Health and Technology) Hosts Graduation Ceremony(pic

Recommended Posts

Xudeedi   

Xaflada Qalinjebinta Qaybaha Caafimaadka Iyo Kumbiyuuterka Ee Tayo College Badhan -Sanaag+sawiro

 

BADHAN(SP): Galabnimadii khamiista 17/06/2010 ayaa xaflad aad loosoo agaasimay lagu qabtay barxada xafladaha ee Tayo College Badhan. Xafladan oo munaasabadeedu ahayd gudoonsiinta shahaadooyinka iyo abaalmarinta ardaydii ka qalin jebisey qaybaha caafimaadka iyo kumbiyuutarka. Xafladan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin katirsan maamulka Punland, hay’do caalami ah, culima awdiin, aqoonyahano, waalidiin, mus’uuliin katirsan Bahda waxbarashada ee degaanka, duqayti, abwaano, ururada haweenka/dhalinyada iyo qaybaha kale ee bulshada.

 

 

Hadaba, xaflada waxaa lagu furay aayado qur’aan ah oo uu akhriyey arday ka tirsan ardayda qaybta qur’aanka kariimka ha ee Tayo College, waxaa ku xigey warbixin kooban oo maamulaha koleejka Axmed Siciid C/cadde kaga waramey koleejka iyo xaaladihii uu soomaray iyo waxqabadka hada laladamacsanyahay koleejka.waxaa ku xigey isuduwaha guud ee wasaarada caafimaadka gobolka Sanaag Dr. Siciid C/laahi Ducaale hadaba agaasimuhu waxaa uu xusay in maanta faraxwayn ay u tahay guud ahaan bulshada ku dhaqan deegaanka gaar ahaana bahda caafimaadka ee gobolka maadaama maanta ay u soo baxday kooxdii u gu horeysay ee shahaado caafimaad lagu gudoonsiiyo degmadii ay u dhasheen, wuxuu kaloo sheegay in uu waxqabadka xaga dawlada uu isla garabtaagidoonaan wixii tamartooda ah.

 

 

Sidoo kale ururda caalamiga waxaa ka hadlay goobta mas’uul sare oo katirsan hay’ada D R C Mr Maxamed Muuse isaga oo kubooriyey ardayda qalin jebineysa in ay sii wataan kordhiyaana aqoontooda sidoo kale wuxuu ku sii adkayey in maamulka kolejku u sii dhabar adaygaan hawsha adag ee ay u hayaan bulshadooda waalidiintana wuxuu ka codsaday in ay isgarabtaagaan cidii u danayneysa ama waxbaraysa ubadkooda.

 

 

Sidoo kale waxaa goobta xaflada isna hadal qiima gal ah ka jeediyey Shiikh Axmed Shiikh Saalax oo carrabka ku dhiftay baahida looqaba in bulshada deegaanku kula latartanto bulshooyinka kale aqoonta iyo dadaalka lagu horu marinaya dalka iyo dadkaba sidoo kale wuxuu ku nuuxnuuxsaday in de’yartu ay u baahantahay in ay dhaqanka bartaan diintana ku dhaqmaan.

 

 

Xaga ururada haweenka waxaa ka hadashay Hooyo Xaawa C/laahi Warsame oo xubin muhiima ah ka ah ururka haweenka ee Al-nasar Badhan iyada oo guud ahaanba u soo jeedisay mahadnaq macalimiinta iyo bahda waxbarashada ee gobolka, waxay ku dartay intaas in kaalinta waxbarashadu ay tahay mida qura oo maanta si saxan noogu adeegaysa sababtuna tahay in cida howlaha wadaa go’aankooda gaar u qaateen oo eysan dadka ayagu horumarka aan ku fekereyn ay ka madax banaanyihiin.

 

 

Intaa kadib Abwaan C/laahi siciid ayaa gabay qiira geliyey dadka ka tiriyey goobta xaflada wuxuu ku amaanay koleejka in uu adeegsanayao qalab casri ah aqoon casri ah oo luqadaha caalamiga ah sida ingiriisiga iyo carabiga sidoo kale wuxuu sheegay in koleejku uu xooga saarayo tarbiyada ama anshaxa ardayga oo ardaygu hadii edebtu ka xumaato aanu wax barinkarin wuxuu sheegay in ay khasaaro tahay in nimaan afafka caalamiga ah aqooni uu jaahil noqonayo.

 

 

Waxaa ku xigay maamula ku xigeenka dugsiga al Nuur macalin Axmed Kuluc Cabdi Jaamac, hadana isaga oo ku hadlay afka macaliminta deegaanka waxaa uu cadeeyey in magaalada Badhan maanta ay ka furan yihiin dugsiyo carabi ku baxa sida dugsida Al-furqaan oo kan ugu balaaran ee degaanka kajira ah iyo dugsiga Al-nuur oo isna aad u tayaysan sidoo kale,

 

 

macalinku wuxuu sheegay in Luqada ingriisiga wax looga barto koleejka Tayo somaligana waxaa wax looga bartaa dugsiga Siiney ee hoose dhexe oo maanta afkii hooyo ardada ku barbaariya hadaba miyaa naloogu faanikaraa aqoonta dalka ka socota. Ugu danbayntii Dr C/kariin oo ah dhakhtarka ka howlga cisbataalka wayen ee Badhan kana bixiya lagjaro qeybta caafimaadka ee Kolejka wuxuu ku booriyey ardayda caafimaadka in ay kamira dhaliyaan tacabka lageliyey,

 

 

wuxuu u sheegay in ay tahaya wax lagu farxo iyagoo calankii soomaliya ku gaadaysan in ay shaqaadooyin degaankoodii ku gudoomayaan ana buuyiri malintii aan qalin jebinayay waxaan hoos joogay calan dalkale.ugu danbayntii waxaa hadlay maamula ku xigeenkii Tayo Kollej

 

 

Pr Axmed Maxamed Xayraan waxaa uu umahad celiyey macalimiinta ka soo shaqaysay hawshan sidoo kale wuxuu dhiira geliyey ardayda Tayo College gaar ahaan qaybta caafimaadka oo hada ka howlgala Badhan General Hospital ayaga oo lacag la’aan u gu adeega bulshada ugu danbayntii waxaa gudoonsiiyey ardayda ka qalin jebisey health section shahaadadooda iyo abaalmarinta kuwa kalimaha galay isuduwaha w caafimaadka ee gobol sanaag halka Principalka College ku uu ka gudoonsiiyey shahaadooyinka iyo abaalmarinta ardaydii ka qalin jebisey qaybta kumbiyuuterka

 

 

ugudanbeyntii waxaa kelmedii culimada soo jeediyey sheikh maxamuud uguguna dardaarmay umadii meesha isugutimid alle kacabsi uguna baaqay inay diinta gacanta midig kuqabsadaan.

 

 

Hadaba warbixin ku saabsan koleejka iyo sida uu u shaqeeyo waxaa ka soo gudbindoonaa gadaal. Kala soo xiriir.

 

 

Director maxadke Axmed Maxamed Xayran Tell:799255

 

 

E-mail: Tayo_college@hotmail.com

 

 

Tell Office: 866599

Share this post


Link to post
Share on other sites

indeed education is the key to success,,,,and Kudos to Ahlu Badhan,,,,just out of Curiosity ,, why people wear the blue flag on graduation ceremonies like this one? i have seen this in many occosions in somalia....is it wadanimo/jacayl or just people don't have anything else to wear for the day ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Go Tayo College!... Great development indeed. JB: Ta geeska xigtaa anay ii doonan tahay ee ina kala ilaali saaxiib...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Beer-Gaal:

indeed education is the key to success,,,,and Kudos to Ahlu Badhan,,,,just out of Curiosity ,, why people wear the blue flag on graduation ceremonies like this one? i have seen this in many occosions in somalia....is it wadanimo/jacayl or just people don't have anything else to wear for the day ?

Waryaa aboowe, ka bax meeshan. calling himself Gaal. muu waashay. stay out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this