Sign in to follow this  
General Duke

Galgaduud, now Hiiraan turns to battle ground between Ahlu Suna Al Shabaab

Recommended Posts

Alshabab iyo Maxkamadaha oo uu Xilligaan dagaal culusi ku dhex marayo magaalada Beled weyne ee goboklka Hiiraan.

 

(17-03-2009)Dagaal leysku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa wuxuu xilligaan ka socdaa galbeedka magaalada Beledweyne, gaarahaan xaafadda Buundo weyn, dagaalkaasi oo u dhexeeya Xoogaagga Islaamiyiinta ah ee Alshabab iyo Maxkamadaha Islaamiga ee ka arrimiya gobolka Hiiraan.

 

Dagaalkaan oo si xowli ah ku bilowday ayaa la ogeyn cidda bilowday, waxaana goobahaasi uu dagaalku ka socdo ka bilaabatay barakac baahsan, iyagoo dadweynihii aaggaas ku noolaa ay hilfohooda iyo calfahooda gurteen.

 

Madaafiic iyo Rasaas Xooggan ayaa waxay ku hoobanayaan Xaafado ka fog goobta ay dirirtu ka socoto, sidoo kale weli lama oga sababta uu dagaalkaani u dhexeeya Alshabab iyo Maxkamadaha ku bilowday.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled weyne ayaa sheegaya in la arkay meydadka 3 ruux oo rayid ah oo ay Rasaastu haleeshay, inkastoo uu khasaaruhu intaas aad uga badan yahay.

 

Beled Weyne ayaa hadda kahor ka caafimaad qabtey dagaallo kooxeysi diimeed ah oo ka dhaca, inkastoo ay jireen dilal si gooni gooni ah uga dhaca magaalada, waxaana ilaa iyo hadda aan wax war ah ka soo bixin Maamulka Maxkamadaha ee ka arrimiya gobolka Hiiraan iyo dhinaca kale la dagaallamaya ee Alshabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barakac ballaaran oo saaka ka bilowday Degmada Matabaan, kadib markii la dareemay cabsi dagaal.

 

Dadka ku dhaqan Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, isla markaana xuduuda uu Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka G/gaduud ayaa saaka waxaa ka socda barakac ballaaran, taasoo la xiriirta cabsi laga qabo dagaalo halkaas ka qarxo.

 

Sida ay sheegayaan wararka barakacan ayaa ka dambeeyay kadib markii la dareemay saan saan dagaal oo u dhaxeysa Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Ururada Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac, kuwaasoo maalmo ka hor ku dagaalamay deegaano u dhow Degmada Ceelbuur.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in barakaca dagaalka uu yahay mid ku qotonta xiisada dagaal ee ka dhex taagan dhinacyadii dagaalada ku dhex maray Gobolka G/gaduud, iyadoona laga cabsi qabo in dagaaladaas ay ku sii fiidaan Deegaanada u dhow degmada Matabaan oo u dhow G/gaduud.

 

Sidoo kale cabsida dadka deegaanka ayaa ka dambeysay kadib markii dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemay hareeraha Degmada Matabaan, iyadoona halkaas ay ka gudbeen ciidamo iyo gaadiid dagaal.

 

Xiisadaha u dhaxeeya ururka Alshabaab oo markan taageero ka helaya Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa ku baahay inta badan deegaanada Gobolka G/gaduud, iyadoona haatan laga cabsi qabo in Gobolka Hiiraan uu saameyn ku yeesho dagaaladaas, isla markaana uu ku soo fido.

 

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Gobolka G/gaduud inay joojiyaan dagaalka, oo ay u turaan shacabka ku dhaqan halkaas oo haatan ay la soo gudboonaatay abaaro daran iyo cuduro kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this