Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A/Rahman Dinari is Seeking an Asylum

Recommended Posts

Stockholm(Bnn)C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) oo ahaa safiirkii DFKMG ah ee Soomaaliya u joogay wadanka Suuriya ayaa shaaca ka qaadey in uu iska casiley xiliii safiirnimo ee uu hayay, isagoo taasi ku macneeyey in uu dib u xisaabtamay oo uu gartey waa sida hadalka uu u dhigay’e in maamulka uu safiirka ka ahaa uu dhib iyo dagaalo ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

 

C/raxmaan Diinaari oo haatan ku sugan wadanka Swden ayaa daboolka ka qaadcey in uu iska dhiibay wadanka Sweden oo uu magangalyo qaxootinimo uu ka dalbadey taasi oo uu sheegay in laga aqbaley, waxaana uu sheegay in uu ka door bidayo in uu DFKMG ah safiir uu u sii ahaado ay uga wanaagsan tahay in uu qaxooti noqdo, waxaana wareysi lala yeeshay C/raxmaan Diinaari uu ku soo celceliyey eedeymo ba’an oo uu dusha uga tuuray DFKMG ah iyo Itoobiya, waxaana uu ku sheegay wareysigaasi in ay jiraan wadamo kale oo fara badan oo waa sida uu hadalka u dhigay’e doonaya in shacabka Soomaaliyeed la tirtiro walow uusan sheegin dalalka kuwa ay yihiin.

 

Safiirkii hore ee DFKMG ah ee wadanka Suuriya C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari wuxuu ugu dambeyntii sheegay in uu xukuumada Sweden ka helay ogolaansho loogu ogolaanayo in uu ku noolaado wadanka Sweden isagoo qaab qaxootinimo ah loo qaabilay.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa horaantii sanadkan wuxuu ahaa Afhayeenka DFKMG ah, waxaana bishii Janaayo ee sanadkan uu ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdiho walow uu ka kacay, loona magacaabey afhayeenka DFKMG ah.

 

C/raxmaan oo ahaa saxafi rug cadaa ah oo ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho ayaa sanadkii 1999-kii wuxuu ka mid ahaa wariyeyaashii lagu bilaabay Idaacada HornAfrik markii ay Muqdisho ka shaqo bilowdey, waxaana marii dambe uu ka baxay masraxa saxaafada, isagoo galey siyaasada, iyadoo xukuumadii C/qaasim Salaad Xasan mar dambe ka noqdey wasiirka Kaluumaysiga.

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this