Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Puntland is counting the mosques in their region

Recommended Posts

Puntland oo Tirikoobaysa Masaajidada iyo Dugsiyadda Quraanka

 

Dawlada Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyey waday tiro koob ay ku sameyneyso masaajidyada iyo dugsiyada quraan ee deegaanada Puntland.

 

Wasiirka Cadaalada iyo dhaqan celinta Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xasan oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in Wasaarada Cadaalada Puntland ay tirakoob ku sameysay masaajidda iyo dugusiyo quraan oo kuyaala magaalooyinka Garowe,Galdogob iyo Gaalkacyo.

 

Wuxuuna intaasi ku daray in sababta ka danbeysa tirakoobkaasi ay salka ku hayso sidii ay hubanti u noqon lahaayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin :

 

1 . In La mideeyo manaahijta

2 . In Aqoonsi lagu garto loo sameeyo macalimiinta dugsiyada.

3 . In Loo kuur galo nadaafada dugsiyada

4 . In Puntland ay hesho xasilooni,uusana imaana is qabqabsi

 

…”Waxaan dooneynaa in Manaahijta layswaafajiyo sababtoo ah dalka dagaal diimeed ayaa ka socda,si aysan u dhiicin dhibaato iska hor Imaad ah….”ayuu yiri

 

Wasiirka Cadaalada iyo Dhaqan Celinta Puntland ayaa sheegay in dhowaan ay filayaan in tirakoobyo kuwaasi oo kale ah ay ka sameyn doonaan masaajidada iyo dugsiyada quraan ee kuyaala magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

 

Waxaana uu ku daray hadalkiisa in uu rajeynayo deegaanada kale ee Puntland ay tirakoobkaasi ka samayn doonaan,haddii buu yiri Wasaaradu ay dhaqaale u hesho.

 

Si kastaba arrimahaan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili dhowaan Wasaarada arrimaha gudaha Puntland ay ka dhawaajisay in tiro koob ay ku sameyn doonto macalimiinta wax ka dhigta deegaanada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this