Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Egypts ambassador to Somalia arrives in Bosaso enroute to Garowe State Capital

Recommended Posts

Wafdi uu Hogaaminayo Safiirka Masar ee Soomaaliya oo Maanta Soo Gaaray Boosaaso

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

Boosaaso(RBC Radio): Wafdi uu hogaaminayo safiirka dowlada Masar ee ee Soomaaliya Ambasador Siciid Bin Mursi ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

 

Safiirka oo booqasho ballaaran ku mari doona degaanada Puntland ayaa lgtiisii ugu horeysay maanta ku soo gaarey magaalada Boosaao ee xarunta gobolka Bari.

 

Wafdiga safiirka oo ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa soo ku soo dhoweeyey wasiirka caafimaadka Dr. Bashiir Cali Biixi, agaasimayaasha wasaarada waxbarashada iyo caafimaadka, maamulka gobolka Bari, degmada Boosaaso iyo maasuuliyiin ka tirsan macaahida caafimaadka iyo kuwa waxbarashada ee gobolka.

 

Ambasador Siciid Bin Mirsi oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha. Waxaa soo dhoweynta safiirka Masar ee Soomaaliya sdoo kale ka qeybgaley xubno Masaari ah oo ku nool magaalada Boosaaso kuwaasi oo ah dhakhaatiir iyo macalimiin ka hawlgasha magaalada Boosaaso.

 

Safiirka Masar Ambassador Siciid Bin Mirsi oo markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha u waramay saxaafada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqaashada Puntland waxaana uu ka mahadceliyey soo dhoweyntii loo sameeyey.

 

Booqashadiisu ayuu ku tilmaamay inay la xiriirto sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo ah mid walaaltinimo.

Waxaa uu safiirka sheegay inuu booqan doono xarumaha caafimaadka, waxbarashada iyo goobo kale oo muhim ah si uu u fiirito xaaladaha jira, waxaana uu shaaca ka qaaday in dhowaan ay iman doonto shixnad dawo ah oo dhan 4 tonne oo dowlada Masar ay ugu deeqday isbitaalada Puntland.

 

Wasiirka caafimaadka Dr. Bashiir Cali Biixi oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in socdaalka wafdigan uu yahay mid ballaaran, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda ay tegi doonaan magaalooyinka Garowe iyo Qardho iyagoo la kulmi doona xubno ka tirsan golaha xukuumada iyo barlamanka.

 

Duqa magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo si kooban uga hadlay soo dhoweynta wafdiga ayaa sheegay in mamulka degmada uu ku soo dhoweynayo magaaladiisa wafdiga Masar ee u yimid.

Waxaana uu intaa ku daray in maamulka degmadu uu wixii wada hadalo ah u deyn doono maamulka sare ee Puntland.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide, agaasimayaasha wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo sidoo kale maamulayaal goobo waxbarasho oo Boosaaso ku yaalla.

 

Wafdiga safiirka ayaa isla maanta booqasho ku maray kulliyada tababarka caafimaadka Boosaaso, isbitaalka guud iyo xarunta jaamacada Bariga Afrika oo ah goobo muhim ah dhamaantoodna uu kula kulmay masuuliyiin kala duwan.

 

Safiirka ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo u gudbo magaalooyinka Qardho iyo Garowe si iyana kulamo ugula soo qaato madax ka ka tirasan maamulka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAAWO SAWIRO:

 

s9a.jpg

 

s4.jpg

 

s13.jpg

Duqa Boosaaso, C/risaaq Xareed

 

s15.jpg

Gudoomiye ku xigeenka gobolka, Yuusuf Muumin

 

s17.jpg

Safiirka Masar iyo wasiirka caafimaadka

 

s01.jpg

Dadkii ka qeybgaley soo dhoweynta

 

s19.jpg

Safiirka Masar, Wasiirka iyo dhakhtar Masri ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Masar u Qaabilsan Somalia oo maanta soo Gaaray Magalada Bosaso

 

Waxaa maanta magaladan Bosaso Soo Gaaray wafdi balaaran oo ka socda dowlada Masar, Wafdiga waxaa Hogaaminayay Safiirka Masar ee Somalia Siciid Maxamed Mursi, Safiirka ayaa waxaa Ku soo Dhaweyay Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Bosaso Ee Bandar Qaasim Airbort

 

Madaxda Ka socotay maamulka Puntland Oo Ugu Horeyo Wasiirka Caafimadka Ee Puntland Dr Bashiir Ali Biixi, Maamulka Gobolka Kan Dagmada Bosaso, Soo Dhaweyn ka dib waxaa Wafdiga Ku Qaabilay Howlka Shirarka Ee Airbortka Bosaso, Wasiirka Caafimaadka Ee Puntland Oo Isagu Bosaso U Yimid soo Dhaweynta Wafdigan

 

Ujeedada Wafdigan ee Imaanshiyaha Punland ayuu Sheegay wasiirka Caafimadka DR Bashiir Ali Biixi in ay ka Danbeysay Marti Qaad ay ka Heleen Madaxweynaha PunLand Dr Cabdiraxman Maxmed Maxmud (Faroole) Oo Ay ku kulmeen Magalada Nairobi Intii U ku sugnaa Madaxweynaha

 

Safiirka Masar ee Somalia Siciid Maxamed Mursi Ayaa Isaguna dhankiisa soo Dhaweyay Horumarka U Ku arkay Puntland Qaabka ay u soo Dhaweyen Madaxda Iyo Maamulka Puntland , Sidoo kale waxaa Uu Safiirka soo Hadal qaaday Xaaladaha Dhinaca Burcad badeeda ee Ka Jira Badaha Ku Dhow Somalia, Isagoona sheegay in saameyn ay ku Yeeshen Marin Biyoodka Zuweys Oo Dowlada Masar Ganacsiga U soo maro, Safiirka ayaa sheegay In Aysan Ahayn Markii Ugu Horeysay Oo Yimado Puntland Isgoona sheegay in Saddex Goor Oo Hore,

 

“Puntland Horay ayaan U Imid Waana sii wadaynaa Deeqaha Dhinaca waxbarashada ee Aan siino Puntland iyo Deeqaha Dhinaca Caafimaadka Dowlada Masar waxay Garab Taagan Tahay dadka somaaliyed Xili Kasta”

 

Masuuliyinta maamulka Gobolka Bari Oo Ugu Horeyo Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Bari Yusuf Muumin Bidde ayaa sheegay in ay aad Ugu faraxsan Yihiin Deeqaha Dhinaca Caafimaadka Iyo Waxbarashda AY Dowlada masar siiso Dadka Reer Puntland Uuna Uga Mahad Celinayo, Waxaana Uu Ku Booriyay In ay Intaas Ka sii Badiyaan

 

Ugu Danbeyntii Wafdiga ayaa waxaa ay Booqden Kuliyada Barashada Caafimaadka Ee Puntland Halkaasi oo ay si weyn Ugu Soo Dhaweyen Aradayda Iyo Macalimiinta Kuliyada, waxaana ay Booqdeen Qaybaha kala Duwan ee Kuliyada Sida Shaybaarka Iyo Labareeriga Aqriska

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Bashiir Ali Biixi ayaa sheegay in Wafdiga Masar ay Caawa Joogi doonan Bosaso, Malinta Bari ahna Tagi doonan Magalda Qardho ee Xarunta Gobolka KarKaar, Halkaasi oo Ay ku Booqan Doonaan Iskuulada Qardho, Isla Bari Duhurki ayuu sheegay wasiirku in ay Qado Sharaf La Qaadan Doonan Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Faroole)

 

Waxaana wafdiga ay Dib Ugu soo laaban Doonan magalda Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari Halkaasi Oo Sida Wasiirku Sheegay Maalinta Arbacada Ah Ku suganan doonan, Iyagoo Booqan Doona Goobaha Kala Duwan ee Dowlada,

 

Maxamed C/rashiid

SBC International- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu horkacayo Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya oo soo gaaray Bosaaso

 

Posted to the Web Dec 07, 14:17

 

Boosaaso:-Wafdi u hogaaminaayo Safiirka dalka Masar Ambassador Axmed Al-Masri ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ee Bandar Qaasim International Airport.

 

Wafdiga Ambassador Axmed Al-Masri ayaa ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,waxaana socdaalkiisa ku weheliya Saraakiil ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee dalka Masar.

 

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi,Gudoomiye Kuxigeenka ahna ku siimaha Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Muumin iyo Duqa magaalada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaacil ayaa wafdiga ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Ambassador Axmed Al-Masri ayaa sheegay in deeq daawo ah ay dhawaan soo gaari doonto Puntland waxaana lagu soo daabuli doonaa diyaarado ay leedahay dalka Masar iyo Jabuuti.

 

M_M Deeq.

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Masar ee Soomaaliya oo soo gaaray Bosaaso(Sawirro).

 

December 7, 2009

 

Safiirka Masar ee dalka Soomaaliya Siciid Maxamed Al-Masri ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Waxaana Safiirka maanta barqadi ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee Bandar Qaasim ku soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan Dowlada Puntland,dad ka soo jeeda wadanka Masar ee ku nool Puntland iyo dadweyne kale.

 

Masuuliyinti garoonka Safiirka ku soo dhoweeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa degmada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil,Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Yuusuf Muumin Mbidde iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Bashiir Cali Biixi.

 

Safiirka oo saxaafada uga warbixiyey safarkiisa ayaa waxaa u sheegay in safarka u ku yimi degaanada Puntland u salka ku hayo sidoo Dowlada Masar ay u saacidi lahayd Dowlada Puntland.

 

Waxaana u sheegay in Dowlada Puntland ay ka caawin doonaan arimo fara badan oo ay ka mid yihiin;

 

1.Sidii Puntland ay cirib tiri lahayd Burcad Badeeda.

 

2.Agab ay ugu deeqi doonaan Cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso.

 

3.Dhaqaatiir ay keeni doonaan Cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso,kuwaasi oo u sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan la tacaalida dadka Bukaanka ah.

 

Waxaa u xusay Safiirku in Madaxweynaha Dowlada Puntland u dhowaan tegi doono dalka Masar,halkaas oo u kulan kula qaadan doono Madaxweynaha wadanka Masar,waxaana u sheegay in safarka Madaxweyne Faroole u ku tegi doono dalka Masar u qeyb ka yahay wada shaqayn dhexmarta Dowlada Masar iyo Dowlada Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland D.r Bashiir Cali Biixi oo ka mid ah Masuuliyinta soo dhoweysay masuuliyinta Safiirka ayaa sheegay in u aad ugu faraxsanyahay in Safiirka Masar u soo gaaro magaalada Bosaaso,isagoo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu xilsaaray soo dhoweynta Safiirka.

 

Duqa degmada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil iyo Kuxigeenka Gudoomiyaha gobolka Yuusuf Muumin Mbidde ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihin in Safiirku u soo gaaro Puntland,waxaana ay sheegen in Dowlada Wadanka Masar ay Dowlada Puntland ka caawiso arimo fara badan oo ay ka mid yihin Caafimaadka,Waxbarashada iyo arimo kale.

 

Si kastaba Safiirka ayaa lagu wada in saacadaha soo socda uu ambabaxo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland halkaas oo u kulamo kula qaadan doono Madaxweynaha Puntland,waana marki labaad u booqasho ku yimaado degaanada Puntland.

 

Maxamed C/laahi Khaliif

 

Horseed Media

 

Bosaaso,Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Yes, they will also send Egyptian doctors and physicians to work in the hospitals of Bosaso and the Ambassador also said they will send two plane loads of medicine from Djibouti to Bosaso.

 

They will help the Puntland government and stand side by side on its shoulders he embarked.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaso: Safiirka Masar ee Soomaaliya oo booqanaya Puntland.

8. December 2009

 

Bosaso(AllPuntland)- Dawladda Puntland ee Soomaaliya oo shalay ku soo dhaweysay magaalada Boosaaso, Safiirka dawladda Masar ee arrimaha Soomaaliya Siciid Maxamed Mursi ayaa magaaladaasi wada xaajoodyo uga bilaameen, kuwaas oo looga hadlayo xaaladaha kala gedisan ee dhinacyada.

 

Safiirka ayaa booqanaya guud ahaan gobalada Puntland, gaar ahaana Caasumada Puntland ee Garowe iyo magaalada Boosaaso oo uu ka soo dagay, isagoo martiqaad ka helay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud.

 

Siciid Maxamed Mursi iyo Dr, Bashiir Cali Biixi oo shalay ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso, ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo arrimaha khuseeya siyaasada dawladdaha Puntland & Masar.

 

Wada hadalo qaadan doono maalmo kooban ayaa dhawaan ka bilaaban doona magaalada Garowe ee caasumada Puntland, kuwaas oo udhaxeeya Madaxweynaha dawladda Puntland & Safiirka dawladda Masar ee Soomaliya.

 

Ilo ku dhow dhow Safiirka Masar ayaa sheegaya in ay dhinacyadu ka wada hadlayaan wax ka qabashada xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo sidii ay dawladda Masar gacan usiin lahayd dawladda Puntland, kana taageeri lahayd arrimaha ku wajahan xaaladaha Siyaasadeed iyo horumarineed ee dalka Soomaaliya.

 

Diblumaasigan oo ay la socdaan qaar ka mid ah Madaxda dawladda Masar ayaa la kulmaya Madaxda dawladda Puntland, waxaana lafilayaa in ay qodobada laysla soo qaado laga gaari doono go’aan ku saabsan xaajada dalka Soomaaliya iyo xiriirka labada wadan.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa horay ugu casumay diblumasiin badan in ay soo arkaan nabadgalyada ka jirta deegaanada Puntland, isagoo horay ucasumay danjirayaal kala duwan oo sheegay in ay dhawana soo gaari doonaan deegaanada Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this