Saalax Posted July 22, 2010 Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay siwanaagsan ula dhaqmayaan dadka Maamulka Puntland uu ka soo masaafurinayo Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso isagoo sheegay in ay u fasaxanyihiin dadkaasi inay ka shaqeystaan deeganada Galmudug. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed Max’uud Xasan Axmed Baasto oo maanta wareysi siinayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay dadka ka soo jeeda koofurta dalka Soomaaliya ee ay Magaalada Gaalkacyo ku soo daabulayaan ciidamada amniga ee Puntland oo intooda badan ku xaniban taliska qeybta booliska ee Gobolka Mudug kuwaasi oo la doonayo in dib loogu celiyo gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya oo markoodii hore ay ka soo carareen. Wasiirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’antahay in gacmo furan ay ku soo dhaweeyaan dadka Soomaalida ee laga soo masaafurinayo Magaalooyinka Maamulka Puntland isagoo sheegay inay u ogolaanayaan inay ka shaqeystaan deegaanada Galmudug. Waxaana uu tilmaamay in hadii ay go’aansadaan dadkaasi inay dib uga laabtaan deegaanadii markii hore ay ka yimaadeen inay siinayaan sahay ay ku sii maraan wadada halka kuwa kale ee doonaya inay koofurta Gaalkacyo ku ganacsatadaani ay soo dhaweynayaan. “Dowlad goboleedka Galmudug waxaa ay u istaagayaan dadkaasi Soomaaliyeed ee laga keenay gobolada Puntland inay si Soomaalinimo ah ugu noolaadaan deegaanada Galmudug hadii ay aadayaana deegaanadooda aan u fidin doono kaalmo iyo sakootin” ayuu yiri Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta galmudug. Dhinaca kale warar laga helayo saraakiisha sar sare ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Korneel max’ed Axmed Caalin uu ku dhawaaqay in dadka reer koofureed ee laga soo daabulayo Magaalooyinka Puntland lagu soo dhaweeyo deegaanada uu ka arimiyo Maamu;lka galmudug si ay uga shaqeystaan. Hadalka ka soo yeeray masuuliyiintaani ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay ku xanibanyihiin inkabadan 800 ruux oo laga soo masaafuriyay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites